M. Ghedi " Sanad-Wanaagsan iyo Maxay U saxmi La'dahay Siyaasada Soomaaliya?"‏

0
Saturday December 28, 2013 - 11:47:17 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M. Ghedi " Sanad-Wanaagsan iyo Maxay U saxmi La'dahay Siyaasada Soomaaliya?"‏

    Naadiga Lasocodka Arrimaha Soomaliya (NLAS), wuxuu sanad-wanaagsan leeyahay dhammaan shacab-weynaha ku kala nool dunida dacalladeeda cad iyo madowba, gaar ahaan shacabka Soomaliyeed, wuxuuna u rejaynayaa sanadkaan, sanadkiisa horumar baaxad-weyn gees

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Lasocodka Arrimaha Soomaliya (NLAS), wuxuu sanad-wanaagsan leeyahay dhammaan shacab-weynaha ku kala nool dunida dacalladeeda cad iyo madowba, gaar ahaan shacabka Soomaliyeed, wuxuuna u rejaynayaa sanadkaan, sanadkiisa horumar baaxad-weyn gees ka gees Soomali oo dhan , midnimo iyo nabad kuwada noolaasho waarta. Intaas ka dib.
NLAS, wuxuu is-weydiinayaa 22-tan sano kadib, haddii laga baxay ku meel gaar ah ee la helay dowlad rasmi ah, oo weliba haysata taageerada iyo taakulaynta beesha caalamka, waa maxaay sababta loo heli la'yahay wax horuumar ah?, oo ay weli u taagan yihiin dhibaatooyinkii lagu soo jiray 22-tankii sano ee la soo dhaafay sida amni-xumo, cadaalad-darro qaasatan maxkamada muqdishu, adeedgo-bulsho la'aan iyo kala shakisanan shacabka Soomaliyeed iwm.

Daraasaad uu sameeyay naadiga la socodka arrimaha Soomaliya, wuxuu ku ogaaday inay madaxda is-maamul goballeedyada dalka intooda badan aad u dhiirigeliyaan siikala fogoynta iyo siikala shakisiinta shacabka soomaliyeed ee aanan marnaba kala maarmi kareyn, laakiin madaxdaan maamul-goballedyadu uu hadafkoodu yahay dadka iyo deegaanka aad maamusho, beesha caalamku ha u aqoonsato meesha kaliya ee soomali oo dhan looga talin karaayo, dibadeedna roog cas ( red carpet) halaguu dhigo marka aad safaro ku tagto dunida inteeda kale, ha yeeshee hadafkaas waa wax aanan dhicidoonin oo la mid ah "BIYO SHUBAG KA RUX", roogga-cas waxaa sharci u leh hadba mas'uulkii loo doorto madaxweynanimada dowlada federaalka ee Soomaliya oo kaliya, waayoo adduun-weynuhu wuxuu somaliya u aqoonsan yahay hal (1) wadan kaliya (one nation only).

Naadigu, waxaa kalow aad uga wal-walsan yahay, "paltalk-yo" beeledyo aad ugu soo badanaaya waqooyiga Ameerika iyo Europe, paltalk-yadaas oo qaarna loogu caytamo sika baxsan Diinta-Islaanka ( outrage), qaarkalana lagu taageero madaxda is-maamul goballeedyada dalka qaarkood, weliba kuwood ugu macangagsan siyaasiinta xilligaan ka jirta Soomaliya, ( currently the most arrogant politicians in Somalia supporters).


Haddaba (NLSAS) wuxuu is-weydiinayaa, doorashooyinka dhowaan la filaayo inay ka dhacidoonan Puntland, is-qab-qabsiga siyaasadeed ee ka dhex aloosan heer Somaliland, is-maamul goballeedyada cusub ee la filaayo in dhowaan lagu dhawaaqo iyo xukuumada uu dhowaan soo dhisi-doono Ray'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaliya mudane Cabdiweli Sheikh Axmed, wax maka bedeli doontaa siyaasadahaan qal-qalloocan ee ka jira guud ahaan Somaliya, yaase ka mas'uul ah in ay siyaasada soomaliya ka bixiweyso qal-qallooc iyo isqab-qabsi joogto ah?.

Sanad Wanaagsan iyo maxaay u saxmi la'dahay siyaasada Soomaliya, waa su'aal furan ????------------------.



Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga Lasocodka Arrimaha Soomaliya
Rochester, MN.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip