Tacsi: Xaaji Shoobaaye oo ku geeriyooday Nairobi

0
Tuesday December 31, 2013 - 12:08:26 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2524
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi: Xaaji Shoobaaye oo ku geeriyooday Nairobi

    Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun, Waxa habeen barki xalay magaalada Nairobi ku geeryooday Alaah Unaxariiste Xaaji Cabduqaadir Maxamud Kulmiye oo ku magac dheeraay (Xaaji Shoobaaye) oo siweyn looga yaqiinay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun, Waxa habeen barki xalay magaalada Nairobi ku geeryooday Alaah Unaxariiste Xaaji Cabduqaadir Maxamud Kulmiye oo ku magac dheeraay (Xaaji Shoobaaye) oo siweyn looga yaqiinay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya. Allaah Unaxariiste Geerida Xaajiga ayaa waxa looga tacsiyeenayaa dhamaan ehelka iyo Qaraabadi uu ka baxay marxuumka gaar ahaan Xaajiyo Sahro Cali Yare iyo Ilmo Xaaji Shoobaaye, Reer Shaa'ib,, Adeer Dr Axmedey Ayax, Eedo Aamino Macalin Fogof iyo Dhamaan reer Maxamuud Kulmiye  iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed oo xaajiga magac iyo maamuusba kudhax lahaa.

Aaska Alaah Unaxariiste Marxuum Xaaji Shoobaaye ayaa lagu wadaa in Duhurnimada maanta lagu aaso qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi ,

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun .

Dhambaalkaan Tacsida ah ayaa waxa dirayo asxaabta hoos kuxusan

  1. Xaaji Yaasiin Gacal Muuke
  2. Sheekh Isxaaq Xaaji Muuse
  3. Xaaji Cabdulaahi Axmed Cabdi (Abkow)
  4. Xaaji C/raxman Xaaji Maxamed Xaaji Juuni
  5. Cadow Xasan OW Cadow
  6. C/raxman Maxamed Cali
  7. Xaaji Musdaf Cali Xasan
  8. Maxamud Sheekh Axmed Yare
  9. C/raxman Xaaji Cabdulaahi
  10. Xaaji Aweys Cali Cagoole
  11. Maamo Shukri Nuur Aduunyo
  12. Maamo Batuulo Cali Walaal
  13. Maamo Timiro Maxamud
  14. Maamo Raagto Cabdule Kuulow
  15. Maamo Xaliimo Gurey
  16. Maamo Madiino Muxumed Nuur
  17. Maamo Faadumo Sheekh c/raxman
  18. Maamo Madiino Gurey
  19. Maamo Faadumo Buraash


Xaaji Cabduqaadir Maxamud Kulmiye (Xaaji Shoobaaye) ayaa waxa uu ahaa Muwaadin sumacad iyo sharafba kudhax lahaa bulshada Soomaalida isagoo sidoo kalena shaqooyin kala gadisan kasoo qabtay dhamaan dowladihi dalka soo maray kahor bur burki dalka, hasa yeeshe Marxuumka ayaa sanadihi danbe waxa uu kamid ahaa qurba joogta kunool wadanka Kenya magaalada Nairobi.

Dhamaan Dadka Aqoonta gaarka ah uleh Xaaji Shoobaaye ayaa waxey kutilmaameen inuu ahaa nin aad udegan, nabadgalyo badan isla markaana ee kuweyntahay Soomaalinimada,

Qofka Mu'minka ah ee Ahlu Kheyrka ah waxa lagu gartaa in umada Muslimiinta ee ka markaati kacaan wanaagiisa marka uu dhinto iyo inta uu nool yahay sidaas daraadee Allaah Unaxariiste Xaaji Shoobaaye waxa eebe uga baryeena Janatu Fardowso inuu ka waraabiyo

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun.


Xafiiiska Shabakada Warsheekh
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com
Mobile: +2547-22-635661
   Nairobi Kenya


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip