Xidiga Gareth Bale ayaa lagu wadaa inuu Caawa u ciyaaro Kooxda Real Madrid kulanka ay la ciyaarayaan Celta Vigo ee La Liga ee ka dhacaya Garoonka Santiagi Bernabeu.
Gareth Bale ayaa dhaliyay sagaal gool 15 kulan uu u saftay Los Blancos ayaa seegay kulankii ugu danbeysay ee ay booqdeen Valencia ee ka hor fasaxii xagaaga isagoo qabay dhaawac Canqawga ah.
Bale ayaa ku soo laabtay kooxda waxaana uu ka mid yahay 20-ka ciyaaryahan ee uu tababare Carlo Ancelotti u soo xushay inay ka hortagaan kooxda Luis Enrique oo marti ku ah Garoonka Bernabeu.
Labada kooxood ee ugu sareysa La Liga ayaana ah kooxaha kaliya ee ka badiyay xilli ciyaareedkan Madrid, waxaana kooxda Los Merengues ay badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay mininkooda ku ciyaareen iyagoo mudadaas ku dhaliyay 16 gool.
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay6-ka mid ah goolashaas, isagoo seddexleey ka kala dhaliyay Sevilla iyo Real Sociedad, waxaana xiddiga reer Portugal uu sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii Mestalla isagoo leh 27 gool 21 kulan uu saftay tartamada oo dhan.
Kulankaa ay isaga hor imaanayaan Real Madrid v Celta Vigo ayaa waxa uu ka dhacayaa Garoonka: Santiago Bernabeu, iyadoo Ciyaartaasi soo galayso Waqtiga 9-PM Saacada Geeska Afrika, waana kulan ka mid ah Horyaalka La Liga.
Real Madrid VS Celta Vigo oo Caawa ciyaaraya
Xidiga Gareth Bale ayaa lagu wadaa inuu Caawa u ciyaaro Kooxda Real Madrid kulanka ay la ciyaarayaan Celta Vigo ee La Liga ee ka dhacaya Garoonka Santiagi Bernabeu.