Man United oo Xaraasheyso qaar kamid ah Ciyaartoydeeda
- Visits: 1190
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Ciyaaryahanka booska ka waayay Manchester United Anderson ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Talyaaniga ee Fiorentina isagoo bilow u ah ciyaartoyda uu Old Trafford ka saarayo tababare David Moyes, sida ay daabacday Daily Mail. Tababaraha Manchester United ayaa doonaya inuu darsan ka tirsan kooxdiisa iska ceyriyo ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda, waxaana bishaan Janaayo Anderson ku biiri doona Nani iyo Wilfried Zaha.
Nani ayaa ku dhow inuu amaah ugu biiro kooxda dalkiisa ee Sporting Lisbon marka uu ka soo kabsado dhaawac, halka Zaha uu raadinayo inuu ku biiro Cardiff City oo uu ka hoos ciyaaro tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Rio Ferdinand, Nemanja Vidic, Alex Buttner, Shinji Kagawa, Javier Hernandez, Patrice Evra, Antonio Valencia iyo Anders Lindegaard ayaa iyagana la filayaa inay baxaan xagaaga, Moyes ayaana arkay kooxdiisa oo soo gabagabeysay seddex guuldarroo oo isku xigta iyagoo xalayto 2-0 kaga badiyay Swansea, waxaana weli ka maqan weeraryahanada Wayne Rooney iyo Robin van Persie.
Laacib.net
Man United oo Xaraasheyso qaar kamid ah Ciyaartoydeeda
Ciyaaryahanka booska ka waayay Manchester United Anderson ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Talyaaniga ee Fiorentina isagoo bilow u ah ciyaartoyda uu Old Trafford ka saarayo tababare David Moyes, sida ay daabacday Daily Mail.