Alex Ferguson oo la sheegay inuu ka dambeeyey guushii ay Man Utd xalay ka gaartay Swnasea
- Visits: 1387
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Sir-Alex-Ferguson.jpg>Guushii Manchester United ay xalay ka gaartay Swansea, ayaa lagu warramay inuu kaalin weyn ku lahaa Sir Alex Ferguson. Macallinkii hore ee kooxda Old Trafford, ayaa lagu warramay inuu wada-hadallo xasaasi ah la qaatay tababare David Moyes, kadib guul
darradii ay Swansea ku gaarsiisay Old Trafford, cayaartii koobka Capital One.
Fergie, ayaa si aad ah dhiiri gelin iyo tallooyin u siiyey macallin Moyes, kadib saddex guul darro oo xiriir ahaa.
Waxa uu sidoo kale ugu niyad dhisay in shaqadiisa aysan wax halis ah ku jirin, islamarkaana qoyska leh Man United ay Glazers ay si buuxda u
taageersan yihiin.
Tallaabada Ferguson, ayaa timid kadib markii isaga xiitaa lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay guul darrooyinka kooxda, maadaama uu inta badan
garroonka yimaado cayaaraha kooxda, taasina ay cadaadiska ku kordhiso Moyes.
Kullankii shalay oo ka tirsanaa horyaalka, ayaa Manchester United waxaa si aad ah uga muuqday dadaal iyo dhiiranaan dheeri ah, xilli ay 2-0 ku
garaaceen Swansea.
Gool.net
Alex Ferguson oo la sheegay inuu ka dambeeyey guushii ay Man Utd xalay ka gaartay Swnasea
Sir-Alex-Ferguson.jpg>Guushii Manchester United ay xalay ka gaartay Swansea, ayaa lagu warramay inuu kaalin weyn ku lahaa Sir Alex Ferguson.