Qoraal Wacyigelina oo Ku Wajahan Dhalinyarada Soomaaliyeed ( Maqaal )

0
Sunday March 08, 2009 - 09:45:33 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraal Wacyigelina oo Ku Wajahan Dhalinyarada Soomaaliyeed ( Maqaal )

    Waxaan ku bilaabayaa qoraalkayga magaca ilaahay SWT waxaan isku dayayaa inaan waxyar ka taataabto isbedelada ka dhacay dalkeena intuu bilaa dawlada ahaa iyo dhibaatooyinka oo dhinac walba saamayn iyo raad ku yeeshay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku bilaabayaa qoraalkayga magaca ilaahay SWT waxaan isku dayayaa inaan waxyar ka taataabto isbedelada ka dhacay dalkeena intuu bilaa dawlada ahaa iyo dhibaatooyinka oo dhinac walba saamayn iyo raad ku yeeshay.


BURBUR BAAHSAN OO KU DHACAY , BARBAARTA SOOMALIYEED

Waxaa hubaala in qoyska kasta ama reer kasta oo soomaliyeed qof ama laba ama sadex ka mida ay joogaan dalka dibadiisa weliba qaaradaha yurub iyo amerika iyo austarelia.

Kuwa jooga carabaha waxay la mid yihiin kuwo jooga dalkii hooyo waayo waxay ku nool yihiin goobo ama dawlada islaama dhexdooda hadaba waxaa uu soomalidu ku maahmaahdaa lakala dheeree orodkase maaha , taas oo macnaheedu yahaay in dadka ama bulsho weliba.

Gubuxsiga iyo orod ugu jirto siday horumar , heer aqooneed, heer tecnology , heer dhaqaale, iyo heer nololeed u gaadhi lahayd.

Dhalinyarada oo ahaa jiilka bedelaya odayaasha iyo aabaayahaasha iyo hogaamiyaasha maanta jooga haday noqoto dhaqanka, diinta, talada, hogaanka , dhaqalaaha iyo dhamaan horumarka.

Wadankeena ayaa kuwa dalka jooga iyo kuwii dibada joogay waxaa ku habsaday dhibaatooyin kala duwan , kuwa dalka jooga waxaa aafeeyay oo waxyeeleeyay dagaalo sokeeye oo ay noqdeen xaabada lagu shido ama shidaalka loo isticmaalo hogaamiyayaasha uraradii kala duwanaa ee dalka soo maray ayaa waxay siyaabo kala duwan u adeegsan jireen dhalinyarada iyagoo qaarna maskaxda laga xaday qaarna macmacaan iyo lacag laugu dhagray sidii logu gaadhi laha maksab ama martabad siyaasadeed , sidii loogu kasban lahaa magac iyo dhaqaaale u gaara kooxdaas ama ninka hogaamiyaha ah waxaa maalin walba dhiman jiray waxay ahaayeen dhalinyaro 80% iyo caruurta oo ah dhalinyarada kuwii ku xigay kuwii aan dagaalka ku jirin ee waxbaranayayna waxaa haleeshay dhibaato laxaad leh.

Oo ay wax ku baran waayeen maalin walba marka iskoolkii ama dugsi quraankii ama jaamacadii ama privatekii qori loola soo galo lagana saaro goobtii waxbarashada ayaa waxay noqdeen wax ka carara dalkoodii oo tahriiba oo saxarayaasha iyo badaha ku dhamaada iyo kuwa dhabana hays ka soo hadhay.
Hadaba waxaa kaloo kasii daran dhalinyaradii qurbaha joogtay oo inta badan waxaa ku dhacay burbur iyo jahawareer wayn iyadoo uu burburkaasi qaybo badan ka saameeyay.

Marka la laga reebo inta wanaagsan ee isku toosan lama odhan karo waxaa xumaaday dhamaan dhalinyarada qurbaha joogta waayo waxaa maanta dedaalka naf iyo maalba leh ugu jira dalkooda waa iyaga jaaliyadaha dibada jooga oo inta badan ka qayb qaata horumarinta dalka sida dhaqalaaha , caawimaada , ganacsiga , iyo iminka iyagoo siyaasad ahaan uga galay oo qaarkood ku jiraan maanta maamulada ka jira soomaliya .

Hadaba dhalinyarada qaybo kamida ayaa waxay sameeyeen dedaalo aad iyo aad u faro badan iyagoo dib usoo nooleeyay isgaadhsiintii iyo idaacahada iyo websityada iyo telefishinada iyo dhamaan adeegyada bulshada dib dalkooda ugu soo celiyay waxaa jira qaybo kale oo ka duwan kuwa aan hada soo sheegnay oo ku nool qurabaha wadamada yurub iyo amerika iyo austarelia waxaana ka mida kuwaas qaybahan soo socda.

Qaybta koowaad:- waa qayb aan aqoon u lahayn dalkooda duruufta jirta awgeed dhaqankooda afkooda iyo dhamaan halka ay kasoo jeedaan , mana laha iyaga iyo waalidiintoodba eeda ee waxaa iska leh wacyiga iyo waqtiga sababay burburka iyo dhibaatada taala dalkeenaa.

Qaybta labaad:- waa qaybo iyagoo waawayn yimid dalalka yurub iyo amerika oo lumiyay dhamaan waxay ahaayeen dhinac walbaba waxay la jaanqaadeen dalalka ay yimaadeen.

Dhinaca hadalka lebiska dhaqanka, xadaarada, kuma dari karo diinta laakiin waxay ka qaataan qaybo ka mida sida, xiliyada kirismiska oo ay sugaan aadna ugu farxaan, happy new year. Milaadiga ah oo aan ahayn mid islaam,vallentines days, iyo iyaga oo isticmaala mukhaadaraadka sida daroogada noocyadeeda kala duwan iyo dhaamaan waxyaabaha diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ka hor imanayaa kooxdan oo aan ugu magacdaray jirjiroole.

Waxaa la odhan karaa waa koox tagtay oo si toos ah ugu milantay dhaqamada reer galbeedka waxay aad iyo aad u jecel yihiin inay isu ekaysiiyaan muuqaalka lebiska , timaha , iyo dhamaan afcaashooda oodhan dadyawga reer galbeedka waxana badbaadintooda iyo soo celinteeda xilka saaranyahay bulshoweynta soomaliyeed.

Qaybta sadexaad,:- waa qayb ugu daran waxay ka qayb qaataan burburka iyo baa, binta dalkooda iyo dadkooda waxay weli ku hayaan wadamada shisheeyaha dhaqankii qabyaalada iyo qaladaadkii dalkeena burburiyay, waxay ku bixiyan dhaqaale kooxaysiga kala fogaynta bulshada , waxay isticmaalaan websityo ay ku lafa guraan qabyaalada , iyo barta intrernetka looga yaqaan , PALTALK. Oo ay qolal ka furteen , xaqiiq waxay isugu jiraan rag iyo dumar waxay qaybiyaan daacadayado iyo been abuur xitaa ay dad masuula ku xadgudbaan.

Waxay leeyihiin qolal paltalka ka caana oo laysku caayo waa qayb ku ah iyaguna dhibaato shacabka soomaliyeed una baahan in iyaga laftooda iyo dadka oo duufiyeen ee da, yarta ah ee aan ogoyn ujeedooyinkooda gaarka ah in laga hortago waayo waxay baraan caruurta ama ubadka , da, dooda u dhaxayso 16_20 sano waxyaabo aanay ogoyn aqoona u alahayn waxay iska guraan qaadhaan lagu taageero dadka dadka dila , waxay miishino ka fuliyaan goobo badan iyaga oo dhamaan kala taageera kooxaha dalka ku hirdamayaa.

Qaybta afraaad :- waa qayb riyo ku nool ah oo aan ogayn halka xaal marayo iyo aduunba.

Waxay la tageen wadamada ay joogaan dhaqankii ay soomaliya la joogaan waa kooxda uu abwaanku hore u sheegay (ama mirqaan ama marxuun ama meeshaada iska jiif).

Waxaa koox dib usocoda iyagana waxaay ka mid yihiin burburka baahsan ee dalka iyo dibadiisaba ka dhacay dhalinyarada uu saaameeyay, hadaba jiilkan dhalinyarada ah ee dhibaatada intaa le,eg haleeshay haddii dalkoodii nabad iyo dawlad lahaan lahaa saw sidan wax kama bedelnaadeen oo qaarkood may noqdeen, ciidamada booliiska, sida taraafikada, minishibiyo, ciidanka amaanka, iwm, kuwa kalena maw noqdeen arday, macalimiin , suxufiyiin , shaqaale dawladeed oo caadiya,nurse, iyo qaybaha kale ee adeega bulshada.

Halka qaar kalena noqon lahaayeen , maareeyayaal, agaasimayaal , maamulayaa, gudoomiyayaal , iyo dhamaan qaybaha maamulka dalkooda halka ay kuwa kale noqan lahaayeen , culuma udiin, xaafidul quraan, mu,adimiin , iyo macalimiinta tarbiyatul islaamiya, oo ah qaybta ugu muhiimsan .

Halka kuwa kalena noqan lahayeen ciyaartaw , sportska qaybihisa kala duwan iyo dhamaan adeegyada bulshada meel walba muraayada ka muuqan lahayd inay tahay dhalinyarada.

Waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed , burburka baahsan ee dalkena ku dhacay naf iyo maalba waxaynu taaganahay waqtigii aan ku cibro qaadan lahayn ee dhamaanteen ilaahay aan u toobad keeno isna cafino, dhalinyarada iyo ubaxa cusub ee wadankeena ay hubka ka dhigno ku wa lumay soo toosino, ku maqan u yeedhno kuwa joogana wax u sheegno kuwa toosana aan ku dhiirigelino:

Wabilaahi Tawfiiq

ILAAHAY AYAA MAHAD LEH

W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip