Xuska Mowliidka Nabiga oo lagu Qabtay Masjidka Xaaji Max'ed Sh: Cali ee Degmada Kaaraan (Daawo Sawiro).

0
Friday January 24, 2014 - 21:12:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3486
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xuska Mowliidka Nabiga oo lagu Qabtay Masjidka Xaaji Max'ed Sh: Cali ee Degmada Kaaraan (Daawo Sawiro).

    Xaflad balaaran oo lagu weyneenayay dhalashada Xuska Suubanaheeni Maxamed (NNKH) ayaa lagu qabtay Masjidka Xaaji Maxamed Sheekh Cali ee degmada Kaaraan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad balaaran oo lagu weyneenayay dhalashada Xuska Suubanaheeni Maxamed (NNKH) ayaa lagu qabtay Masjidka Xaaji Maxamed Sheekh Cali ee degmada Kaaraan magaalada Muqdisho. Munaasabadaani oo ee kasoo qeybgaleen dadweyne aad ufara badan ayaa waxa qudbado diini ah oo ay jeediyeen culumaa’udiin caan ah kuwaasi oo kudheeraaday kasheekeenta Siirada Nabiga NNKH.

Mashaa’iqda kahadashay Munaasabada ayaa waxa kamid ahaa Sheekh Maxamed Cumar oo kamid ah mudarasiinta ugu caansan magaalada Muqdisho iyo Sheekha Kale Sheekh Muuse Maxamed Rooble oo isna kamid ah culimada sida weyn looga yaqaano magaalada Caasimada ah ee Xamar.

Sidoo kale Sheekh Abuukar Sheekh Axmed yare oo kamid ah waacidiinta da’da yar ee Culimada Ahlusunah Waljamaac ayaa isagana waxa uu kudheeraaday kasheekeenta Maxabada Rasuulkeena Maxamed NNKH.

Abaabulka Xaflada ayaa waxa dhaxda uxirtay Sheekh Ismaaciil Cali Cumar oo ah mudariska masjidka iyadoo sidoo kale uu xiriirye ka ahaa xaflada Sheekh Cabduqaali Cali .

Gunti iyo gunaanadki xaflada ayaa kusoo idlaaday jawi aad uqurux badan oo dhamaan dadki kasoo qeybgalay munaasabada ee kawada maqsuudeen .

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



Xafiiska Shabakada Warsheekh
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
Muqdisho Somaliya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip