Dad gaaraya 400 qof oo isugu jira Soomaali iyo Swedishka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciyaartoyda kooxda Bandy Somalia ee hada ka soo laabtay wadanka Ruushka. Xaflad weyn oo lagu qabtay bartamaha Borlänge ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ruxayay calanka Soomaalia. Waxaa sidoo kale koobta xaadir ku ahaa duqa magaalada BorlängeJan
Bohman iyo Swedish badan. Duqa magaalada ayaa sheegay in Kamuunka ay
Soomaalida ku taageereen 50,000kr balse ay ka helaan dacaayad aad u
wanaagsan caalamka oo dhan oo aysan lacagtaas u goyseen.
Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay labada nin ee caanka ah
eeFilip Hammar iyo Fredrik Wikingsson kuwaasoo Sweden si weyn looga
yaqaano. Labadaan nin ayaa dhowr bilood la socday kooxda Somalia iyagoo
ka diyaarinaya filim la soo bandhigi doono maalina qaranka Sweden.
Ciyaartoyda ayaa farxad iyo reyn reyn ka muuqatay iyagoo sheegay in
xitaa wadanka Ruushka si weyn loogu soo dhaweeyay oo halkaas ay ka
noqdeen kooxda ugu caansan.

Somaliska
Xulka Ciyaaraha Barafka ee Soomaalida ahaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay Sweden
Dad gaaraya 400 qof oo isugu jira Soomaali iyo Swedishka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciyaartoyda kooxda Bandy Somalia ee hada ka soo laabtay wadanka Ruushka. Xaflad weyn oo lagu qabtay bartamaha Borlänge ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan o