Qaramada Midoobay Oo Cambaareeysay Weerarkii Fashilmay Ee Maanta

0
Friday February 21, 2014 - 17:01:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Cambaareeysay Weerarkii Fashilmay Ee Maanta

    Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta si kulul u cambaareeyay iskudaygii fashilmay ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan dad rayid ah, isagoo falkaasi ku tilmaamay falk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta si kulul u cambaareeyay iskudaygii fashilmay ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan dad rayid ah, isagoo falkaasi ku tilmaamay falkaasi mid fuleynimo ah.


War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nickolas Kay ayaa lagu yiri "Tani waa dhaxdin kale iyo ficil dambiyeed aan wanaagsaneyn, islamarkaana aan qasaare badan geysanin, balse shacabka lagu qal qal gelinayo. waxaana markii aan la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib aan uga tacsiyadeeyay dadkii rayidka ahaa ee ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa”

"Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen toogasho, isqarxin iyo dilka, waxaana la gaaray waqtigii horumarka laga shaqeyn lahaa, mana ogaalan doono in uu dib u dhac nagu yimaado marxaladda iminka lagu jiro awgeed, ayuu yiri Mr Kay, isagoo hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo ku guuleystay in ay fashiliyaan iskudaygii ay damacsanaayeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

"Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxa ay ku dadaallayaan ka shaqeynta horumarka Soomaaliya, garab istaagidda iyo in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo gaaro xasilooni waarta” ayuu Mr Kay hadalkiisa ku daray.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip