Melese Zanawi :Puntland & Somaliland iskuma Aamini-karaan Shareecada Islaamka ....

0
Monday March 16, 2009 - 12:29:00 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melese Zanawi :Puntland & Somaliland iskuma Aamini-karaan Shareecada Islaamka ....

    Markii lagu dhawaqay in dalka somalia lagu dhaqi doono shareecda Islaamka ayaa waxaa durbadii bilowday in looga yeero C/raxmaan Faroole & Daahir Riyaale dalka Ethiopia si eey u cadeeyaan mowqdiflooda ku aadan qaadashada shareecada Islaamka oo eey ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii lagu dhawaqay in dalka somalia lagu dhaqi doono shareecda Islaamka ayaa waxaa durbadii bilowday in looga yeero C/raxmaan Faroole & Daahir Riyaale dalka Ethiopia si eey u cadeeyaan mowqdiflooda ku aadan qaadashada shareecada Islaamka oo eey ku dhawaaqday dowlada midnimada qaran maadaama eey hore u ahaayeen gobolo ku dhaqma mabd?calmaaniyada, waxaa halkaa ka soo baxay go醓mo murugo ku ah shacabka, culumada, waxgaradka ,aqoonyahanka, labadaa gobol ku dhaqan waxaanse la ogeeyn ficilka eey dhali doonto diidmada shareecada Islaamka marka eey ogolaadaan xildhibaanada somalia ee dowlada midnimada qaran.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya Seyoum Mesfin iyo r/wasaaraha dawladda Itoobiya Meles Zanewi ayaa waxaa eey wadahadalo xidadeeda laga soo shaqeeyay la qaateen gudoomiyaha gobolada Bari iyo midka gobolada waqooyi mar eey ku tageen booqasho dalka Ethiopia magaaladiisa Addis-ababa, kulankaas waxaa lagu xoojiyay in C/raxmaan Faroole iyo Daahir Riyaale eey u cadeeyaan caalamka in Puntland iyo Somaliland eey yihiin dowlad ka madaxbanaan dalkii la dhihi jiray jamhuuridadii somalia ee burburka ku yimid horaantii 1991 xiligaanana eeyan la jaan-qaadi karin ku dhaqanka shareecada Islaamka ee loogu dhawaaqay caasimada Muqdisho

Hadaba waxaa lagu saxiixay addis-ababa heshiis gali doona taariikhda somalia sabbabtoo ah heshiiska waxaa uu dhigayay In Puntland & Somaliland eey yihiin dowlado ka madaxbabaan somaalida kale raysalwasaaraha martida loo yahay ee Itoobiya Meles Zanewi ayaa u sheegay Madaxweyne Faroole in ay dawladda Itoobiya xiriir wanaagsan la leedahay dawladda Puntland, isla markaasna ay bulshada Puntland & Itoobiya ka dhaxeeyeen iyo dano gaar ah oo aysan la-laheyn dhinacyada kale ee Soomaalida.Zanawi waxaa uu balan qaaday in uu gobolaada ka taageeri doono arimaha siyaasada, amniga iyo adkeeynta xuduudaha gobolaada eey la leeyihiin somaliada inteeda kale,waxaanse la ogeeyn gobolada sol iyo sanaag cida eey hoos tagi doonaan Alow Sahal Umuuraha.

Waxaan aad uga xumahay in eey jirto taadane kula lihi, teeydana anigaa leh waxaa quman in xildhibaanada ka soo jeeda labadaa gobol lagu wargeliyo in eeyan sii jiri doonin kuna noqon doonaan goboladooda eey degaan ahaan ka soo jeedaan haddii eeyan ka hor-tagin waxa ka socda Puntland & Somaliland.

Reer Koonfur waxaa la gud-boon in eeynan ku degdegin waxa ka socda Puntland & Somaliland balse aan ka dhursugno marka baarlamaanka dowlada midnimada qaran ogolaado in aan ku cadaadino xildhibaanwalba oo ka soo jeeda gobolaadaa in eey geeyaan shareecada Islaamka ku dhaqnkeeda ama in uu raaco gobolkiisa fikirka calmaaniga ah ku dhaqnkiisa,Waxaa ugu horeeya r/wasaaraha dowlada minimada qaran Cumar C/rashiid oo ka soo jeeda Puntland in uu ugu baaqo islamrkaana geeyo ku dhaqanka shareecada Islaamka goboladaa iyo wasiirka arimaha dibada oo ka soo jeeda Somaliland iyo in faro badan oo xilal ka haya dowlada midnimada qaran.

R/wasaaraha dowlada midnimada qaran haddii aadan canshuurta ka qaadi karin Puntland & Somaliland Dekedaha iyo Airportyada ku yaal gobolaada maxeey tahay Canshuurata Dekeda iyo Airportka Muqdisho oo kaliya laga qaadayo ????? ciidamada Poliska iyo kuwa xooga dalka waxaa leh dowlada midnimada qaran reer walba ayaa ku jira maxaa diiday in reer Puntland ciidamada ka jooga Moqdisho eey siiyaan mushaarka Moqdisho sow caasimada maaha sow ma qumana in cidwalbaa eey kaalinteeda ka qaadato ??? mise hal reer ayaa dhiigiisa la jaqayaa ?????

Waxaan aad ugu xumahay in weli laga sugaayo r/wasaaraha dowlada midnimada qaran sida uu u arko kulamada Ethiopia iyo Puntland & Somaliland eey ku qateen dalka Ethiopia iyo waxii ka soo baxay ??? Waaan leeyahay fadlan r/wasaare cadee waxa Puntland xaqa u leedahay iyo waxa eeyan xaq u laheeyn, haddii kale waxaad ogaataa in aad magacaada iyo sharftaada ku lumeeyso waxa hada ka socda Ethiopia.Puntland xaq uma laha in eey u dhaqanto sida dowlad madax banaan, haddiise eey sidaas dhacday xagee dolwda midnimada qarn ka soconee ???

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip