MA SIDAN BUU MUDANE NUUR CADE KU YAHAY/KU NOQDAY HALYEY CUSUB?...

0
Tuesday March 17, 2009 - 12:27:21 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA SIDAN BUU MUDANE NUUR CADE KU YAHAY/KU NOQDAY HALYEY CUSUB?...

    Wasiirkii Kowaad ee hore Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) waxaa uu sheegay markii la magacaabay bishii Nofeembar sanadkii 2007 in hawlahiisa ay ugu horeen doonaan sedexda arimood ee soo socdo:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Kowaad ee hore Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) waxaa uu sheegay markii la magacaabay bishii Nofeembar sanadkii 2007 in hawlahiisa ay ugu horeen doonaan sedexda arimood ee soo socdo:

1.Kaalmada Aadminimo iyo soo celinta dadkii barakacay, 2. Soo celinta xasiloonada dalka, iyo 3. Dib uheshiisiin.
 
Si kasta wax ha usheego Mudane Nuur Cade, waxaa uu hawlahiisa ku bilaabay inuu la xiriiro isbaheysigii Asmaara; wuxuuna ku xejiyey inuu sii daayo dowlad diidka koowaad sida  Mudane Axmed Diiriye. Waxaa uu Kusii xejiyey Mudane Nuur Cade inuu  dumiyo maamuladii Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, iyo Banaadir. Isku soo wada duub, Mudane Nuur Xasan Xussen waxaa uu dimiyey maamuladii uu dhisay Ra'isulwasaarihii isaga ka horeeye Mudane Cali Maxamed Geedi. Waxaa uu dhulka ku jiday Tiirarkii Dowladda Federaaliga Soomaaliya sida Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Mudane Maxamed Cumar Xabeeb, iyo baarlamankii lagu soo dhisay Nayroobi sanadkii 2004.
 
Dhabtii, dad yar, asii-se warbaahinta aad u adeegaado waxey sheegeen in Nuur Cade yahay halyey cusub oo soo baxay. Sidaasi darteed, dad badan waxaa la gelidsiiyey in Nuur Cade yahay halyey. Weydiinta waxey tahay: ma sidan buu Nuur cade ku yahay/ku noqday halyey cusub? Warcelinta waa maya. Maxaa yeelay, Nuur Cade waxaa falalkiisa ka muuqatay/ka muuqdo ilaa iyo iminka astaamaha lagu garto qofki dadkiisa iyo dalkiisa qiyaano (Characteristics of a Traitor). Sidaasi awgeed, waa in maxkamad lasoo taagaa gorey ahaataba/goorey noqotaba.
 
Dhinaca kale, hadii aan soo qaato wixii uu ka qabtay Kaalmada Aadminimo iyo dadkii ka barakacay Muqdisho; taasi meel kama aan aqrin, ma maqal, ma arag wax sheegayo waxqabad kaas. Dhinaca soo celinta xasiloonada dalka iskaba daa. Waayo, ciidamadii lasoo tababaray waxaa uu u kala diray si cilmiyeysan. Yaa huu!
 
Dhinaca dib uheshiisiinta, Nuur Cade waxaa uu dalka gacanta u geliyey Isbaheysigii Asmaara sida mudaneyaasha  Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdullaahi Xasan Caddow, Cumar Xaashi Aadan, Cabdiraxmaan Ibbi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Janaqow, Cabdulqaadir Cali Cumar, Maxamed Cabdi Gaandi, iwm. Marka, ma sidan baa dowlad midnimo qaran ah? Eebe aa ogoo wax dowlad midnimo qaran la dhaho ama la yiraahdo hada Soomaaliya kama jirto.
 
Ugu dambeystii, Soomaalida Soomaaliya ku nool waxey isku haaystaan degaan iyo madaxtinimo. Maxaa marka taasi looga hadli la'yahay?
 
Waa Abdulkadir Abukar Spinato
aa_spinato@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip