Runtii maalin kasta oo aan furo websayd-yada kala duwan ee gudaha, waxaan kala kulmaa amba aan ku arkaa warar xiiso badan, maqaalo isugu jira maqal iyo muuqaal, wareysiyo kala duwan, Ispoorti, suugaan iyo macluumaad fara badan oo aad iyo aad ii xiisa geliya, kuna saleysan xaqiiqada, marka laga reebo labo ilaa seddex ( 2-3) war-baahinood oo iyagu, wax u qora sidey ayagu ay jeclaan lahaayeen inay wax u dhaceen, iyagoo ku xad-gudbaaya sumcada war-baahintu leedahay ( media reputation abuse).
Websidyadaan ku caan baxey qorista, waxa xaqiiqada aadka uga fog, meeshii ayka raadi lahaayeen warar xaqiiqada ku saleysan, waxay xoogga saaraan raadinta wax fidno ka dhex abuuri kara Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaliyeed laaman-keeda kala duwan, Baarlamaanka Midnimada Qaran, Mas'uuliyiinta kala duwan, labo beelood oo xurguf u dhexeyso, laba juffo iwm.
Marar badan ayaan arkey, websidyaal qoraaya mas'uul hebel, xilka waa laga qaada doonaa dhowaan, waxaana xilkaas loo magacaabi doonaa mas'uul hebel, marka warku muddo isasoo tari waayo ee aad la xariirto mas'uuliyiinta ay arrintaan khuseyso, waxna ka weydiiso waxa ka jira wararka la soo qorey, mas'uuliyiintu waxay ku oranayaan, ma'aqaan meesha war-baahintu, warkaan lesla dhex maraayo, markii horaba ka soo xigatay amba ayka keentay?.
War-baahinta gudaha qaar-kood, maxay ka helaan fidnada iyo iska hor keenka Shacabka Soomaaliyeed, ma weysan ogeyn, fidna wadayaalkaan, arrinta Soomaliya inay tahay Markab lawada saaran yahay ee maraaya badweynta, ciddii duloolisana Markabka la wada saaran yahay, meesha ayka gasho dhibka ka imaan doona, in laga wada gelidoono, qof walbow ha-qodin god sireed, haddii aad qodana ha dheeren ku dhici-doon-tidaana ma'ogide?.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
WAR-BAAHINTA GUDAHA QAAR-KOOD MAXAY KA HELAAN FIDNADA IYO ISKA HOR-KEENKA SHACABKA SOOMAALIYEED?
Aniga qof ahaan, waxaan aad u jeclahay una xushmeeyaa war-baahinta kala duwan ee adduunka gaar ahaan kuwa gudaha, maalin kasta oo aan caafimaad qabo, marka aan salaada subax dukado 6:15 a.m. ee waqtiga Waqooyiga Ameerika, waxaan furaa dhowr iyo toban