Sheikh Abubakar Shariff Ahmed (Makaburi) Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Mombasa

0
Wednesday April 02, 2014 - 00:04:16 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheikh Abubakar Shariff Ahmed (Makaburi) Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Mombasa

    Wadaadka weyn ee Sheikh Abubakar Shariff Ahmed (Makaburi), ayaa waxaa caawa lagu qaarajiyay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ka gadaal markii si gaadmo leh loo toogtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadaadka weyn ee Sheikh Abubakar Shariff Ahmed (Makaburi), ayaa waxaa caawa lagu qaarajiyay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ka gadaal markii si gaadmo leh loo toogtay.
Wadaadka, ayaa lala dilay laba nin oo la socotay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dadka lala dilay ay tiradoodu gaareyso 3 ruux, isla-markaama lama garanaayo cidda dhabta ah ee dilalkooda geysatay.

Boqolaal ka mid ah Muslimiinta ku nool Magaalada Mombasa, ayaa caawa isugu soo baxay Bartamaha Magaalada, iyagoona muujinaaya sida ay kaga xun yihiin dilka foosha xun, ee loo geystay Wadaadka iyo dadkii kale ee la socday.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Magaalada Mombasa, ayaa sidoo kale lagu arkayaa qaybaha Mombasa, waxayna isku deyayaan in ay qaboojiyaan xiisada kacsanaanta leh ee Mombasa ka jirta.

Taliska Booliska ee Mombasa kama aanu hadlin dilka Sheikh Abubakar Shariff Ahmed, oo ay dadka reer Kenya u garanayaan Makaburi. Waxaana si weyn loola xiriiriyaa Ururka Al Shabaab.

Sheikh Makaburi, ayaa horey u sheegay in haddii la dilo, ay dishay uun Dowladda Kenya, isagoo sidoo kalana sheegay in Kenya ay ka dambeysay dilkii Sheikh Aboud Rogo Mohhamed, oo 27-kii bishii August ee sanadkii 2012-ka lagu dilay Mombasa.

Universal
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip