WAR-BAAHINTA GUDAHA QAAR-KOOD MAXAY KA HELAAN FIDNADA IYO ISKA HOR-KEENKA SHACABKA SOOMAALIYEED? Maqaal

0
Wednesday March 18, 2009 - 12:06:52 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR-BAAHINTA GUDAHA QAAR-KOOD MAXAY KA HELAAN FIDNADA IYO ISKA HOR-KEENKA SHACABKA SOOMAALIYEED? Maqaal

    Aniga qof ahaan, waxaan aad u jeclahay una xushmeeyaa war-baahinta kala duwan ee adduunka gaar ahaan kuwa gudaha, maalin kasta oo aan caafimaad qabo, marka aan salaada subax dukado 6:15 a.m. ee waqtiga Waqooyiga Ameerika, waxaan furaa dhowr iyo toban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga qof ahaan, waxaan aad u jeclahay una xushmeeyaa war-baahinta kala duwan ee adduunka gaar ahaan kuwa gudaha, maalin kasta oo aan caafimaad qabo, marka aan salaada subax dukado 6:15 a.m. ee waqtiga Waqooyiga Ameerika, waxaan furaa dhowr iyo toban websayd-yada gudaha ka mid ah, iyo seddex ilaa afar (3-4) warbaahineed oo caalami ah.

Runtii maalin kasta oo aan furo websayd-yada kala duwan ee gudaha, waxaan kala  kulmaa amba aan ku arkaa warar  xiiso badan, maqaalo isugu jira maqal iyo muuqaal,  wareysiyo kala duwan, Ispoorti, suugaan iyo  macluumaad fara badan  oo aad iyo aad ii xiisa geliya, kuna saleysan xaqiiqada, marka laga reebo labo ilaa seddex ( 2-3) war-baahinood oo iyagu, wax u qora sidey ayagu ay jeclaan lahaayeen  inay  wax u dhaceen, iyagoo ku xad-gudbaaya sumcada war-baahintu leedahay ( media reputation abuse).


Websidyadaan ku caan baxey qorista, waxa xaqiiqada  aadka uga fog,  meeshii ayka raadi lahaayeen warar xaqiiqada ku saleysan, waxay xoogga saaraan raadinta wax fidno  ka dhex abuuri kara Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaliyeed laaman-keeda kala duwan, Baarlamaanka Midnimada Qaran, Mas'uuliyiinta kala duwan, labo beelood oo xurguf u dhexeyso, laba juffo iwm.


Marar badan ayaan arkey, websidyaal qoraaya mas'uul hebel, xilka waa laga qaada doonaa dhowaan, waxaana xilkaas loo magacaabi doonaa mas'uul hebel, marka warku muddo isasoo tari waayo ee aad la xariirto mas'uuliyiinta ay arrintaan khuseyso, waxna ka weydiiso waxa ka jira wararka la soo qorey, mas'uuliyiintu waxay ku oranayaan,  ma'aqaan meesha war-baahintu, warkaan lesla dhex maraayo,  markii horaba ka soo xigatay amba ayka keentay?.


War-baahinta gudaha qaar-kood, maxay ka helaan fidnada iyo iska hor keenka Shacabka Soomaaliyeed,  ma weysan ogeyn, fidna wadayaalkaan, arrinta Soomaliya  inay tahay Markab lawada saaran yahay ee maraaya badweynta, ciddii duloolisana Markabka la wada saaran yahay, meesha ayka gasho dhibka ka imaan doona, in laga wada gelidoono,  qof walbow ha-qodin god sireed, haddii aad qodana ha dheeren ku dhici-doon-tidaana ma'ogide?.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip