Ahlubeyt Shariif Axmed & Hambalyadiisa Dhalashada Nabiga ee Bisha Mowliid (CSW)

0
Thursday March 19, 2009 - 21:28:43 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlubeyt Shariif Axmed & Hambalyadiisa Dhalashada Nabiga ee Bisha Mowliid (CSW)

    Munaasibadda weyn ee bisha mowlid (Rabiicul-awal) ee dhalashada awowgeena iyo nabigeena Sayidinaa Muxamad Bin Cabdulaahi Bin Cabdilmudhalib nabadgelyo iyo naxariis korkiisa Eebbe ha yeelee waxaan tahniyad u dirayaa guud ahaanba muslimiinta adduunka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda weyn ee bisha mowlid (Rabiicul-awal) ee dhalashada awowgeena iyo nabigeena Sayidinaa Muxamad Bin Cabdulaahi Bin Cabdilmudhalib nabadgelyo iyo naxariis korkiisa Eebbe ha yeelee waxaan tahniyad u dirayaa guud ahaanba muslimiinta adduunka, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee wada muslimiinta ah, weligoodna xusi jireen, weyneyna jireen


 
kuna farxi jireen dhalashada bishatan iyada ah.
 
Waxaan si gaar ahaaneed weliba u tahniyadeynayaa dhammaan culumadeena waaweyn ee ahlu sunnah wal jameeca
 
meel walba adduunyada kaga joogaan, intii xijaabatay ee Eebbaheena subxaanahu watacaalaa oofsadayna waxaan u weydiinayaa naxariis, nabadgelyo iyo janatul firdowsa.
 
Waxaan kalo munaasibadan u tahniyadeynayaa madaxda websaatyada sida tooska ugu socoto farintani oo aan aad iyo aad
 
idinku mahadcelinayaa sida wacan oo hagar la'aanta ah uga qeyb qaadataan baahinta diinta Islaamka ee saxiixa ah iyo weliba
 
sida aad usoo uruurisaan una keydisaan macluumaadka la xiriira diinteena muqadaska ah.
 
  
Waxaan aad iyo aad ugu murugeysanahay ugana xumahay dagaalada qaawan ee gardarada ah ee lagu haayo culumadeena iyo
 
walaalaheyga Soomaaliyeed ee ahlu sunnah wal jameeca ee jooga gudaha dalka qaarkoodana lagu dilay, dad badana lagu dhibaateeyey ayna fuliyaan falalkaas foosha xun kuwa magaca Islaamka ku adeegta ee shayaadiinul insiga ah, lana magac baxay(Alshabaab), magaca ku haboon in loogu yeerana uu yahay (Sharwadayaal).
 
Dhammaan dadkii ku dhibaatoobay gacantaasi gardaradda ah waxaan Eebbe subxaanahu watacaalaa ugu baryayaa inuu caafiyo, kheeyr badana ugu beddelo, siiyana gargaar iyo guulo deg deg ah.
 
Waxaan shaki igu jirin inshaa alaah inay guusha ku dambeyn doonto walaalaheyga baariga ah ee ahlu sunnah wal jameeca
 
oo aan ayagu weligoodba aan looga baranin dagaal iyo gardarro, taninna ay tahay mid ay iska difaacayaan khawaarijta
 
duleysan ee ka soo dilaacday dalkeena Soomnaaliya.
 
Waxaan Rabiga SW ka baryayaa inuu na tusiyo waqti aan fogeyn jabka iyo baaba'a iyo ciribtirka kooxdan munaafiqiinta iyo
 
gacan ku dhiiglayaasha ah ee khawaarijta , kana yeelo kuwo taariikhda ka galo baal madow , leysna weydiiyo meel ay ku
 
dambeeyeen inshaa allah. (Aamiin yaa Allah).
 
Ugu dambeytii waxaan idinka codsanayaa inaad ii soo sheegtaan iino soo tilmaantaan magacyada ay leeyihiin Shirkadaha
 
Xawaaladaha ee hoos taga khawaarijka duleysan si aan isaga ilaalino macaamilkooda iyo xaaraantoodaba.
 
Wasalaamu caleykum waraxmatulaah.
 
 
 
Walaalkiin/ Sharif Axmed
 
Den Haag - Holland.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip