Qaalalaahu tacaalaa iyo qabiil diin ku salaysan isma qaadan karaane qaraabooy aan kala deyno!

0
Friday August 01, 2008 - 15:46:48 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaalalaahu tacaalaa iyo qabiil diin ku salaysan isma qaadan karaane qaraabooy aan kala deyno!

    Aqristayaasha Qiimaha iyo Qaayaha Lahow waa markale iyo Maqaalki aan ugu magac Darnay (Nasashada Jimcaha ) taas oo aalaba kusoo qaadano qormooyin xiiso leh oo aan is leenahay Aqristayaashiina waa ay ka heli doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqristayaasha Qiimaha iyo Qaayaha Lahow waa markale iyo Maqaalki aan ugu magac Darnay (Nasashada Jimcaha ) taas oo aalaba kusoo qaadano qormooyin xiiso leh oo aan is leenahay Aqristayaashiina waa ay ka heli doonaan.


Hadaba Qormadeena Maanta ayaa waxa kusoo qaadaneenaa Maqaal uu qoray Aqoon Yahan Soomaaliyeed oo ku Sugan Dalka Sweden kaas oo Qormo Dhaxal gal ah kasameeyay Qilaafka Soo kala dhax galay Isbaheysiga Dibuxureynta Soomaaliya.

Waxaa marka hore mahad oo dhan iska leh allaha cirka taagey tiir la’aan dhulka noo gogolay noogana dhigay mid aan ku dul socono sidoo kale nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyo nabigeenii Muxammad ahaa ee dunida ka saaray mugdiga ummadii ilaahayna soo gaarsiiyay kitaabka quraanka oo ah iftiin aan dameyn waligiis.

Intaas kadib waxaan beryahaan la yaabay markaan arkay qoraalo farabadan oo la soo galiyey shabakadaha internetka oo kala duwan qoraaladaas oo ku saabsan khilaafka ka dhex jira isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo aan booqdey goobo kala duwan oo looga hadlaayo khilaafkaas ha ahaato goobaha kulanada internetka ama goobaha lagu qaxweeyo ee dalalka reer galbeedka.

Waxaan isku dayay bal inaan qaab cilmeysan u soo uruuriyo sababaha ay dad badan ku kala taageersan yihiin labada garab ee isbahaysiga waxaan arkey in dad badan ay aheyso jilbo qabiil iyagoo u taageeraaya madaxda isbahaysiga qaarkood inay isku beel yihiin oo kaliya taasoo ah arin aad uu uga xumaado qofka aaminsan in wax lagu taageero mabda iyo aragti siyaasadeed oo uu rumeysan yahay in xalka uu sidaas ku jiro kuna abauurayso niyad jab iyoin soomaalidu sideedaba ay yihiin ummad ilaahay uu la maagay halaag waayo waxaa aad u xun haddii ummad laga wasaqeeyo diintooda iyo caqiidadeey aaminsanaayeen waayo waa isha kaliya ay ummaddi u cararto marka ay weyso meel kale oo ay u ciirsato.

Waxaa wax laga naxo ama laga xishoodo ah in shaqsiyaad wax ma garad ah ay aflagaado iyo meel ka dhac u geystaan madaxda kala hogaamineyso labada garab iyagoo si islaanimada, soomaalinimada iyo insaaninimadaba ka fog meel uga dhaca qaarkoodna aan ognahay in wax ku qoraan dalal reer galbeed ah iyadoo taas ay keeni karto in dacwado ku saabsan private integrity lagu soo oogo maadaama uu qoraaladoodu uu ka baxsan yahay dhamaan akhlaaqiyaadka bani aadanka oo dhan oo gaarsiisan yahay heerka xayawaanka aan caqliga laheen. Waayo qof walba kombiyuutarka wax ku qoraayo iyo goobta uu yaalo iyo daqiiqada uu warka soo galiyey waa wax si fudud loo heli karo laguna ciqaabi karo oo sharciga lala tiigsan karo hadii uu ku xadgudbo xeerarka xoriyada saxaafada iyo qoraalada internetka ee caalamka sharcigu ka jiro ay samaysteen waxaanan la soconaa in Bloggers badan oo xadgudubyo sameeyay lala tiigsaday sharciga iyo been abuurka ay sameeyeen waxaanan u sheegayaa soomaalida xadgudubyada sameyneysa inay feejignaan muujiyaan inaysan ku nooleen dalalkii sharci la’aanta ahaa ee qofku wixii kusoo dhacaba uu iska sameyn jiray maadaama aysan jirin cid wax is weydiineysa wadamada reer galbeedka waxaa jira wax walba sharci iyo qanuun xakameeya qof walba haddii uu ku xadgudbana sharciga lala tiigsanaayo.

Sidaa darteed waxaan jeclahay bal inaan intii karaankeyga aan u soo bandhigo waxa uu khilaafkaan soo kala dhex galay isbahaysiga dib u xoreynta ku saabsan yahay.

Marka waxaa shaki ku jirin in inta badan dadka ku jira isbahaysiga ay yihiin dad taageersan bal in mabda’a shareecada islaamka aasaas looga dhigo jamhuuriyadda soomaaliya loo dhisayo mustqabalka maadaama dhamaan mabaadii’dii kale oo dhan la soo tijaabiyay afartankii sano ee aan xornimada heysanay mabaadiidaas oo kala ah hantigoosadkii dalka lagu maamulaayay 1960-1969, hantiwadaagii cilmiga iyo kalitalisnimada ku dhisnaa ee lagu maamulaayay dalka 1970-1990 iyo mabda’a qabyaalada iyo kii xoog leh ha noolaado kan daciifkana wax xaquuq bani aadanimo maba leh kaasoo wadan lagu soo dhaqaayay tan iyo 1991 ilaa iyo hadda marka laga reebo lix bilood ee soomaalidu ay ugu magacdartay lix bilood ee dahabka ahaa oo ay midowga maxkamadaha islaamku ka talinayeen inta badan jamhuuriyadda Soomaaliya.
Haddaba waxaa wax lala yaabo ah in dad ku heshiiyay mabda’aas islaamka inay gundhig uga dhigtaan wax walba ay haddii uu khilaaf yimaado is aflaagaadeeyaan oo ay is tuhmaan iyagoo qaarkood qaarka kala ay baneysanayaan sharaftooda taasoo meel ka dhac loo geysanaayo diinta islaamka ee sharafta badan.

Waa wax laga naxo in dadka wax magaradka iyo sufuhada xargaha goostey aan lala hadleeynin oo wax walba oo uu afkooda soo qabto ay ku hadaaqaan iyadoo caqliga uu ka maqan yahay isla markaana ay dadka ay ka dhasheen aysan dhaheynin war wax isku fala oo xishooda khilaafkaan waa mid mabda’eed waxaana lagu xalinayaa mabda’a ay dadkaas gundhiga ka dhigteen.waayo maalinba waxa ay laheed amuuraheeda khaaska ah isla markaana shalay lama mid ah maantay, maantayna la mid noqon meyso berito sidaa darteed waa in qofku uu xishoodaa oo uu maskaxdiisa ka shaqeysiiyaa.

Inkastoo aanan aqoon u laheen diinta islaamka marka laga reebo cilmi dhagoodka haddana waxaan u arkaa khilaafka labada garab inuu ku saleysan yahay waxa lagu yiraahdo afka shareecada islaamka ijtihaad ay kala soo dhex baxeen kitaabka Alle iyo Sunnah nabigeena iyo taariikhda taxanaha ee ummadda islaamka sidaa darteed qofba si ay ula muuqatay in wax lagu xalin karo marka waxaa haboon in la isku ixtiraamo oo qof walba loo daayo ijtihaadkiisa iyo meesha uu ku gaaro maadaama la diiday kala danbeyntii amiirkiina la khilaafay iyadoo aan ognahay diinta islaamka sida ay u adkeysay midnimadda iyo wada jirka ummadda muslimiinta bal dib ugu noqo axaadiistii nabigu(N.N.K.H.A) uu kaga sheekeyney amiirada xun xun ee soo mari doonta ummadda muslimiinta iyo waxa uu ka yiri markii nabigu uu ka sheekeeyey dhibka bulshada u geysanayaan iyo xadgudubyada ay la imanayaan ayaa waxaa ay asxaabtii weydiiyeen inay adeecidooda laga baxaayo oo lagu jabhadeeynaayo markaasuu nabigu wuxuu yiri maya inta ay dhexdiina ku tukanayaan bal xadiiskaas iyo kuwa la midka ah si fiican ugu fiirso sida loo adkeeynayo midnimadda iyo wada jirka iyo sida diinteena islaamka ay u adkeysay.

Waxaa kale oo aad u fiirsataa waxa uu ku jawaabay nabigeena N.N.K.H.A markii la yiri nabi Maxamedoow maad noo fasaxdid aan munaafiqiintaan leynee waana munaafiqiin magacyadoo uu ilaahay u waxyooday nabigeena oo munaafiqnimadooda aysan wax shaki ku jirin wuxuu nabigeenii akhlaaqda wanaagsan iyo dulqaadka aan xadka laheen u saxiibka ahaa ku jawaabay maya lagu sheekeysan maayo nabi maxamed asxaabtiisa ayuu leynayaa bal hadalkaas u fiirso dadkaas nabigeena uu asxaabtiisa ku sheegaayo waa dad munaafiqnimadooda ay cadeed oo ay dabool ay saarneen laakiinse casharkaas waxaan ka baranaynaa doorka ay midnimadu u leedahay ummadda islaamka ah.

Waxaa ka dhegeysatay Sheekh Xasan Daahir Aweys allaha xifdiyee isagoo akhrinaya maalin maalmaha ka mid ah xadiis ka mid ah axaadiista ka hadleysa adeecida amiirada xun xun iyo sida loogu sabraayo iyadoo waliba xiligaas ay aheed markii uu xabsiga ka soo baxay ee toogashada lagu xukumay kadib walina uu Maxamed Siyaad Bare joogo dalka ayuu aad ugu dheeraaday fasiraada xadiis ka mid ah axaadiistaas markuu ka sheekeeyey dhibkii ay madax muslimiin ah oo hore geysteen iyo dhibka ay hadda geysanayaan ayuu haddana wuxuu aad uga digay inaan lagu bixi karin oo aan lagu jabhadeen karin madaxda muslimiinta ee maantay xukunta caalamka islaamka laakiin dacwada iyo qowlka allaah sheegidiisa aanan cidna looga baqeynin oo la wadaayo dacwada iyo ugu yeerida diinta islaamka xataa haddii qofka naftiisa uu ku weynaayo sheegida xaqa marka waxaa wax lala yaabo ah in meesha nimankaas aan ognahay adeecida loo ogolaaday in Sheekh Shariif oo u halgamaayo diinta islaamka in lagu xukumo Soomaaliya loo siin weysan yahay inkastoo aan aad uga xumahay in Sheekha Xasan ay saameen ku yeesheen niman caamo ah oo ujeedooyin iyo dano kale ka leh halgankooda oo aan iyagu higsaneeynin in natiijada dadaalkooda ay helaan maalinta qiyaamaha ee uu Allaah qof walba wuxuu shaqeystay ku abaalmarinaayo.

Waxaan Allaah ka baryayaa in dadka muslimiinta iyo madaxdoodaba uu quluubtooda isku soo jeediyo oo uu khilaafka ka saaro.

Anniga hadda qoraalkaan qoraayo labada Sheekh ee Sheekh Xasan iyo Sheekh Shariif midna ima xigaan xagga dhalashada waliba waxaa xaq igu leh Sheekh Xasan Daahir Awees waayo haba yaraatee cilmigii aan ka bartay ayaa wax weyn ii taray laakiin haddana waxaa ila saxsan ijtihaadka Sheekh Shariif Sheekh Axmed laakiin taasi iguma qasbeyso inaan ku xadgudbo Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo ijtihaadkiisa iyo waliba xaqa islaanimada ah ee uu igu leeyahay ee ah inaan u gargaaro oo aan uga hiiliyo cadow ku dulmaayo islaanimadiisa.

Sidaa darteed walaalayaal waxaan dhamaan ka codsanayaa dadka wax qoraayo inay Allaah uga cabsadaan waxa ay qorayaan isla markaana dadka xoolaha ah ee an wax garaneynin ay culumada jack a dhahaan oo aysan ku fiirsanin waayo qofka muslimka sharaftiisa waa qaali kuwa sufahada ahna ma garan karaan sidaa darteed waa in jac laga dhahaa oo qof walba kiisa waxmagaradka ama xoolaha h ee iska ciyaya uu afka qabtaa oo uu ku yiraahdaa war waxaan kama fahmeysid oo islaam ayaa laga hadlayaa ee dadka islaamka arintooda adiga haka hadlin.

Annaga hadaan taageerayaasha Sheekh Shariif waxaa noolaga fadhiyaa qodobada soo socda:

1- In ciidamada Itoobiya aan wadanka ka saarno.

2- In ciidamo ka socda qaramada midoobay oo dhexdhexaad ah una badan muslimiin ama wada ah inaan keeno dalka kuwaasoo inta soomaalida ay ciidan qaran oo mideysan oo tababaran oo aan koobi itoobiyaan ahayn laga helaayo suga ammaanka dalka ilaaliyana xuduudaha iyo badaha dalka Soomaaliya.

3- In siyaasad awood qaybsi ah kuna saleysan isku dheelitirka beelaha Soomaalida ee cudurka qabiilku u dilooday aan sameyno iyadoo isbahaysiga iyo dowladda federaalka ay si is le’eg wax u qaybsanayaan hab qabiil iyo mid urureedba iyadoo laga bilaabaayo baarlamaanka kadibna la dooranaayo madaxweyne iyo raiisul wasaare soomaalidu ay raali ka tahay dalkana mideysa una diyaarisa doorashooyin xor ah iyo afti guud oo ku saabsan dastuurka mustaqbalka ee Soomaaliya. Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii la doortana marka itoobiyaanka baxaan kadib si buuxda loola shaqeynaayo oo la siinaayo adeecida islaamka ee waajibka ah.

  4- In la sameeyo khubaro isugu jirta aqoonyahano iyo culaamudiin oo ka kala socota laba dhinac ee mucaaradka iyo dowladda kuwaasoo diyaariya dastuur ku meel gaar ah. Inta laga gaaraayo afti guud.

5- In ciidamadda midowga maxkamadaha ay ka qayb noqdaan ciidamadda mustaqbalka loo sameeynaayo dalka Soomaaliya ee booliiska iyo milateriga kuwaas ay tababari doonaan saraakiil Soomaali ah iyo saraakiil ka socota dalalka carabta ee Soomaaliya waligeed ay la laheed xiriirka ciidamadda iyo tababarada.

6- In Itoobiya aan wadaagno daris wanaag anagga aan ku xadgudbin iyadana aysan nagu soo xadgudbin qolana qolada kale arimaheeda gudaha iyo siyaasadeeda aysan faragashan isla markaana Itoobiya ay ogaato in Soomaalida aan la gumeysan karin loona keeni karin wax iyaga raali ka aheen hadii la isku dayana ay dhimasho iyo dagaal ka xigaan mar walba.

7- In qof walba oo soomaali ah uu xaq u yeesho inuu meeshii uu doono uu si nabad ah ugu noolaado cidii ku xadgudubtana sharciga la marsiiyo iyadoo sharciga loo siman yahay qofna uusan ka sareynin sharciga.

8- In Soomaaliya aan ka dhigno jamhuuriyad islaami ah oo qunyar socod ah lana saanqaadeysa beesha caalamka kulana noolaaneyso ummaddaha caalamka is texgalin iyo istixraam iyo in la ilaaliyo shuruucda caalamka iyo heshiisyada caalamiga.

9- In qabyaalada iyo goboleysiga aan ku bedelno mabda iyo siyaasad iyo inay dadka bartaan in qofkii ay iyagu u arkaan in uu dalkooda , gobolkooda iyo degmadooda uu wax u qabanaayo inay doortaan.

10- In haddii hadafka iyo wadada nabadda ee aan dooranay iyo dulqaadka aan muujinayno ay beesha caalamka nala fahmi weyso oo la buuxin waayo shuruudaheena oo la door bido in aan adoonsi ugu jirno Meles Saani iyo wiilal itoobiyaan ah oo uu midba farta ugu yeero madaxdeena oo u yeeriyo maslaxada Itoobiya inaan taas ka xigno geeri iyo qoriga oo garabka noo surnaado ilaa caalamku na fahmaayo ama Allaah uu na oofsanaayo anagoo sharafteena , diinteena iyo karaamadeena difaaceyno.

Haddaba walaalayaal hadafka uu higsanaayo isbahaysiga uu hogaamiye Sheekh Shariif Sheekh Axmed waakaas waana cad yahay qofkii ku qancaayo iyo qofkii kaleba qofkii aan nagu waafaqsanayneen waddadaas aan qaadanay waxaan ka codsaneynaa inuu nagu ixtiraamo oo uusan na aflagaadeyn oo uusan nagu tuhmin qabyaalad iyo qayaano oo uu sugo inta Allaah uu kala xukumaayo adoomadiisa.

Haddii aan xaq ku hadlay Allaah ayaa i waafajiyey haddii aan qalad sheegayna sheydaan iyo nafteyda ayay ka ahaatay.

Guushu way dhow dahay insha Allaah ee hala sabro madaxdana hala adeeco guddo iyo dibadba.

Qoraalkaan waxaa diyaariyey Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan(Cabdala Aadan Xasan) oo ka tirsan xubnaha joogtada ee golaha deegaanka ee magaalada Gothenborg ee dalka Sweden kana mid ah guddiga xiriirka calaamiga ee xisbiga Socialdemokraatiga ee magaalada Gothenborg ee Sweden.

Email: abdullahihassan@hotmail.com
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip