Siyaaradii Sh Cabdalle iyo Sh Cawareere oo lagu qabtay Finland (Daawo Sawiro)

0
Tuesday April 29, 2014 - 13:09:03 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3158
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Sh Cabdalle iyo Sh Cawareere oo lagu qabtay Finland (Daawo Sawiro)

    Waxaa Magaalada Helsing ee wadanka Finland Malintii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdale iyo Sheekh Cawareere Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha Caalamka Gaar ahaan Wadanka Finland ayaa waxaa sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Helsing ee wadanka Finland Malintii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdale iyo Sheekh Cawareere Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha Caalamka Gaar ahaan Wadanka Finland ayaa waxaa sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oo farabadan.

Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Magaalada Helsing iyo waliba Gobolada Wadanka sidookale Sweden Xaflada oo Malintii Sabtida ahayd Bilaabatay ayaa waxaa lagu Furay Qur,aanka Kariimka ah iyo waliba Muxadarooyin Diini ah halkaasi looga soo jeedinayay Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.

dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay Culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale Culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay mahiimada ay leedahay dadka wanaagsan inlagu xirnaado.

Culumaa,diinkii kasoo Qaybgalay waxaa kamid ahaa
Macalim Siciid Xassan from Stockholm
Macalim Xassan Rooble from Helsing
Sh C/Raxmaan Sh Muxyidiin Celi, from Goteborg.
Sh Muxyadiin Maxamud Xirsi from Köping
Sh Xuseen Cusmaan Cabdulle from Helsing
Sh Cabdi Kariim Sh Cumar from Goteborg.
Sh Abdi Cali From Borlange
iyo Cumakalle oo badan.

Waxayna Siyaaradu ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana Culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeed iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.

Siyaaraadaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.
Gudiga qaban qaabadda Siyaaradda:

Macalim Xassan Rooble
Absjir Maxamed Faarax
Fahmo Salaad Khayre (Gacamay)
Xaawo Cali Cabdille
Kiin Cali Nuure
Maamo Xaliimo Xariif

iyo inkalle oo aana Magacooda Xusin oo isgugu jira Rag iyo Dumar.

By Sunnaweb.com
Stockholm Office
Sunnaweb@hotmail.com



































Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip