Mashquulka Dekada Muqdisho, Ismoogaysiinta Makiinadaha Faroole Marmarsiiyaha ( Maqaal )...

0
Tuesday March 24, 2009 - 20:34:24 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashquulka Dekada Muqdisho, Ismoogaysiinta Makiinadaha Faroole Marmarsiiyaha ( Maqaal )...

    Bismilaahi Raxmaani Raxiim Waxaa maalmahan hadalhaynta saxaafada ku badnayn shirkii golaha wasiirada ay isugu yimaadeen muqdisho Soomaalida oo Aragtideeda Mar walba aysan ka dhamaan arimaha qabiilka ayaa waxaakasoo if baxay arimo cajiiba arimahaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Raxmaani Raxiim Waxaa maalmahan hadalhaynta saxaafada ku badnayn shirkii golaha wasiirada ay isugu yimaadeen muqdisho Soomaalida oo Aragtideeda Mar walba aysan ka dhamaan arimaha qabiilka ayaa waxaakasoo if baxay arimo cajiiba arimahaas oo ah wax aad loola yaabo.


Muuqaalka dawlada ra,iisal wasaaraha cumar cabdirashiid oo gubuxtan ugu jira
Qaabkii iyo sidii uu afka dhulka ugu dhigi lahaa dawlada federaalka jamhuuriyada soomaliya iyo madax weynaheeda Mudane sheikh shariif sheikh axmed waayo waxaa la yidhi wiilka aabihii wuu la dardaaran ayuu uga dhintaa , adeerkiina talo ayuu uga tagaa, hooyadiina duco.

Taas oo aan ula jeedo taladii cabdulaahi yuusuf ee beryahanba lagu xamanayay inuu daaha dabadiisa ka hagayo cumar cabdirashiid ayaa soo if baxday waayo dekada muqdisho oo keligeed gudi dabagala loo saaray maxaa u diiday gudigaas in loo saameeyo.

Dabagalka dhamaan dekadaha soomaliya sida dekada boosaaso, mogadisho , marka, kismaayo, walow berberi jirto hadana sheekaa ka horeysa berbera balse hadiiba Kismaayo alshaabaab iyo kooxo kale haystaan, markana ay la mid tahay labada dekadood ee kale miyaanay maamulka iyo dawlada ra.iisal wasaare cabdirashiid wada hoos imaan mise sheekadu weli waxay ku socotaa (Kaygana anigaa iska leh Kaagana Kula Lihi)


Taas waxaa marqaati furayaa hadalada kasoo yeedhayaa maamulka puntland oo ay iskaga darsan tahay macnaha federaalka inuu magac yahay iyo inuu maamul micno xanbaarsanyahay.

Waxaa lagu yahay federaal, calanka, barlamanka , dawlada dhexe, lacagta, cashuuraha, ciidaanka , iyo dhamaan arimaha dibada oo ma jiro maamul hoosaad heshiis geli karaya Ama ka bixi karayaa waxaa uu sheegay wasiirku xigeenka warfaafinta puntland Inuusan aqoonsanayn dawlada dhexe hadii laga tashaan waayay qaaabka wasiirada loo soo xulay gudoomiyaha maamul goboleedka faroole inaysan aqoonsanayn dawlada oo uu ku sheegay dawlad beeleed ama dawlad kasoo jeeda asal ahaan koonfur¦¦¦

Waxaa dadku ka wada dheregsan yahay maamulgoboleed macnihiisa qaasatan qurba joogta wadamada yurub iyo amerika iyo carabaha qaarkood  waxay aqoon buuxda u leeyihiin macnaha STATE , ama GOBOL

Gobolku waxaa uu u madax banaan yahay shaqalihiisa horumarkiisa hoose iyo dhamaan adeegyada bulshada sida saxaafada waxbarshada caafimaadka dawlada hoose inay ku koobnaadaan dadka gobolkaas degan iyo inay xeer hoosaad yar samaystaan.

Maaha inay sidii laba dawladood ula tartamaan dawlad dhexe ee dalka maamusha gudoomiyeha gobolka banaadir, iyo gudoomiyaha gobolka hiiraan, iyo gudoomiyaha gobolka galguduud , iyo gudoomiyaha galmudug state iyo gudoomiyaha puntland waa isku mid farqina uma dhaxeeyo,


Waxaa xaqiiqa in dawlada midnimada qaran haday u talaabsato sidii tii hore in rajadeeda mugdi geli doonto waayo waxaa dawladii hore ciidamo shisheeye iyo kuwa beeleed soo dhoobtay caasimada iyo gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaliya kuwaasoo gaystay waxyeelooyin badan oo ku reebay shacbiga soomaliyeed xasuus aan marnaba la ilaawi doonin, Soomaliya Soomali baa leh ciidan dibad ka yimi ma xalin karo.

Dagaalna xal ma keenayo sidaa hada xaalada lagu wado , ee wada hadalka iyo wada xaajoodka iyo dib ugu noqoshada culumada iyo waxgaradka soomaliyeed ayay ku qurux badan tahay waxaa laga dhaxkay ciidamadii hore loo keenay deegaanada koonfureed Jirdil , kufsi, dhac, iyo dil qorshaysan oo madaxda iyo dadka mas'uulka ah lagu fuliyo xabsiga oo loo taxaabo suxufiyiinta iyo dhamaan bulshada rayidka ah.

Waxaa dawladii hore ee madaxweynaha ka ahaa cabdilaahi yuusuf ku takrifali jirtay dhaqaalaha iyo caawimada iyo dhamaan waxyaabaha loogu talo galaay dadweynaha soomaliyeed dawladaas oo gebi ahaan ahayd cadaw umada soomaliyeed hadheeyay , ayaa waxaa hadh galay ciidankeedii iyo madaxweynaheedii dareershay , ra,iisalwasaarihii nuur xasan xuseen iyo ku xigeenkiisii axmed cabdisalaan iyo rag badan oo la feker ahaa sida hogaanka dhaqanka beelaaha hawiye, oo gaashaanka u daruuray ujeedadii maldahnayd ee ay wadeen nimankii shaatiga dawlad markay danta guud u dhaqaaqeen ee ay dhamaan albaabadii danaha gaarka ah dadkii lahaa ka soo dabooleen waa tii lagu kala dareeray baydhabo Intii danaynaysay soomalinimada ayaa dib usoo soo uruursatay.

Qaladkii ugu weynaa waxaa uu ahaa markii ciyaartii dib loogu celiyay meshii laga keenay.

Hadaba waxaa dhibaato ah maamulka dekada waa la bedeli karaa maamul cusub oo dawlada cusub la jaanqaadana waa la keeni karaa ee dawlada dhexe ee federaalka soomaliya ma muqdisho ayay ka wax bedeli taqanaa sida gudoomiyayaasha muqdisho, iyo kuwa gobolada koonfureed oo keliya mise dhamaan dalka.

Maxay loo saari waayay gudi xaqiiqa raadisa oo dabagal ku sameeya budhcadbadeedka deegaankoodu yahay puntland, maxaa gudi daba gala loogu saari waayay dakhliga puntland maxaa loo kantarooli waayay , dhamaan hay, adaha shaqada iyo dhaqalaaha ee puntland

Waa nabad balse meesha nabada ah iyo meesha qalalaaseha ka jiro waxaa maamulka dawlada dhexe ku horeynaan kan nabada ah in gudiyo loo saaro kan qalaalaaseha ka jiro gudiyada nabad gelyada iyo masaalixda iyo isu soo dhawaynta gudi aaan ahayn waa raad arooryo.

Hadiise cumar cabdirashiid adeerkiis jagada uu ka riday ra,iisalwasaare kasoo jeeda beesha Madaxweynaha isuguna ma qorshihii mid la mida inuu ku fuliyo ayuu diyaar u yahay madaxweynaha .

Waxa uu balanqaaday Ra,iisal wasaaruhu inuu cadaalaad iyo sinaan wax ku maamuli doono balse ma muuqato eryadaas uu ka dhawaajiyay ee waxaa muuqda bilcaksigooda.

Haddii puntland , iyo bartamaha iyo koonfurta soomaliya midna is xisaabiyo keligiis midna la xisaabiyo oo dakhligiisa la doonayo 550 xubnood in ganacsatada bartamaha iyo koonfurta laga qaado waxay ku noolaan lahaaayeen iyo 20.000 ciidana mushaharkooda soomaliya ma muqdisho oo keliyaa miyaanay sheekadu u ekaanayn tii hore ee hada laga bogsaday nabaradeedii in dib loo soo nooleynayo.

Cadaalad ma jirtee waa caalamad kale waxaa xaqiiqa in puntland makiinado lacagta sameeya iyo budhcad badeed malaayiin ku xisaabtantaa joogto, waa in ay wax ka qabataa dawalada ina cabdirashiid ee aysan ku mashquulin laba maareeye oo aan xilka qaadistooda iyo u dayntooda midna waxba soo kordhin karin.

W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip