Waxaa dhaba in wax waliba oo dhacay ay taariikhdu ka marqaati noqon doonto..Waxaa Dhulkii ka dhacay waxii dhacay..aan u Baahneyn in laga sheekeeyo..Waa wax hadda noo wada muuqdo waxii dhacay iyo sideey u dheceen ..waxaase si kala gedisan loo arkaa Ciddii ka mas'uulka aheyd waxii dhacay...
Qoraalkaan kooban waxaan uga socdaa oon uga dan leeyahay caawa ayaan akhriyay Qoraal kooban ow qoray nin aan aqaan Dhulkiina ka maqnaa in badan sideeyda oo kale...Waa Walaalkeey Abdulkadir Abukar Isbinato..waxaw qoray qoraal ku soo baxay bogga Warsheekh ow ku naqdihaayo Mudane Nuur Cadde,kuna muujihaayo in wax wanaagsanaa oo dhisnaa uu burburiyay ,mudan yahayna in Maxkamad la soo taago..
Yaab...iyo Yaabkiis waxaa igu noqday sida uiu u arkay in Nuur Cadde mudan yahay in la maxkamadeeyo waxii dabmiyada la ogyahay geeystayna uuna soo hadal dhabin Mudane Isbinaato...Aniga waxay ila tahay in Xaaji Nuur Cadde yahay Halyeey u soo baxay Ummaddaan Taariikhaha qoranna baal dahab ah ka galay waxqabadkiisii muuqday Muddadii gaabneyd uu xilka hayay..Taasna maahan mid aniga ii gaara ee Soomaali,Muslim iyo gaalba waa u qireen Hawsha fiican uu Ummaddiisa u qabtay..
Marka waxaa ila quman in Isbinato oo ah Qoraa Maqaallo badan qoray Siyaasaddana wax ka yaqaan in uu is daba qabto gefkana ka noqdo..Maxaa yeelay taariikhda ma raxmato qoraalkiisana kolleey taariikhda ayuu u geli doono..waxaana loo arki doonaa inuu ahaa mid u janjeeray taageerayaashii dadkii dembiyada galay..
Aniga ma qabo in wax kastaa ahaayeen 100%laakiin waxaa quman in la barbar dhigo waxyaabihii ka horreeyay iyo xaalkii meeshuu maraayay markuu yimid Xaajiga..Waana fiican tahay in la xusaa qof kastaa Dhaliilaha uu leeyahay..iyo wanaagga uu leeyahayba..Laakiin in lagula boodo waa dambiile mudanb maxkamad maahan arrin sahlan...Ummaddana uma ahid Xeer ilaaliye..ee ka noqo arrimahaas ..
Wabilaahi tawfiiq.
Waxaa qoray:-
Xuseen M.Cabdulle "WADAAD"
Email:-huswadad@hotmail.com
HALYEEY AAN LA DAFIRI KARIN DHEH: ( MAQAAL )
Waxaa dhaba in Dadku kala aragti yahay..Waxaa dhaba waxii ruux la quman in ruux kale la tuur leh...Waxaa dhaba in Ummaddu soo daashay..lama mooga waxii murugo uur ku taallo iyo tacaddiyo ka dhacay dhulkeennii hooyo..