(Warsheekh) Furitaanka Masjidka Sheekh Abiikar oo ee kasoo qeybgaleen Culuma'udiin Fara badan (Daawo Sawiro)

0
Thursday June 12, 2014 - 21:16:20 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2155
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Warsheekh) Furitaanka Masjidka Sheekh Abiikar oo ee kasoo qeybgaleen Culuma'udiin Fara badan (Daawo Sawiro)

    Munaasabad lagu furayay Masjidka Sheekh Abiikar Mixdaar ee degmada Warsheekh Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa kasoo qeybgalay Culuma'udiin iyo Marti Sharaf kale iyadoo sidoo kale halkaasi lagu aqriyay qadmooyinka qur'aanka Kariimka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu furayay Masjidka Sheekh Abiikar Mixdaar ee degmada Warsheekh Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa kasoo qeybgalay Culuma'udiin iyo Marti Sharaf kale iyadoo sidoo kale halkaasi lagu aqriyay qadmooyinka qur'aanka Kariimka.

Qur’aan Aqriska kadib ayaa waxa halkaa ka duceeyay Qudubka Dariiqada Qaadiriya Sheekh Axmed Sheekh Aweys , Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh Cabdiraxman Ow Cumar , Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman iyo Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh Abiikar , Sheekh Abiikar Sheekh Maxaadow.

Sheekh Abiikar Mixdaar ayaa waxa uu kamid ahaa Culuma'udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan isla markaana door muhiim ah kasoo qaatay fidinta Diinta Islaamka isagoo sidoo kale xarumaha uu diinta ka faafin jiray ee ka aflaxeen Mashaa'iq aad uwaa weyn oo laga xusi karo Sheekh C/raxman Suufi (Qudbu Banaadir) iyo Mashaa'iq kale oo Fara Badan.

Qabriga iyo masjidka Sheekha ayaa waxa uu kuyaalo Xeebta Degmada Warsheekh halkaasi oo ah xarunta rasmiga ah ee Reer Sheekh Abiikar.

Allaah Nasiiyo Sheekha Barakadiisa, Aamiin


Sawir Qaade: Maxamuud Sheekh Axmed Yare
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
Warsheekh-Shabeelada Dhexe

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip