Waxbarashada Dadka waawayn oo lacag la'aan ah oo ka bilaabatay Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo.

0
Sunday June 15, 2014 - 02:11:20 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxbarashada Dadka waawayn oo lacag la'aan ah oo ka bilaabatay Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo.

    Iyadoo xiliga Xagaaga ah uu fasax yahay Machadka Al-Faaruuq ee Culuumta Shareecada iyo Luqada Carabiga ayaa waxaa ka bilowday Barnaamij loogu tala galay inay ka faaidaystaan Dadka Waawayn ee aqoontoodu hoosayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo xiliga Xagaaga ah uu fasax yahay Machadka Al-Faaruuq ee Culuumta Shareecada iyo Luqada Carabiga ayaa waxaa ka bilowday Barnaamij loogu tala galay inay ka faaidaystaan Dadka Waawayn ee aqoontoodu hoosayso.

Barnaamijkaani ayaa waxaa si tabaruc ah ku fulinaya Ardaydii kabaxday Machadka oo ku midaysan Ururka Beder , waxaana ay ugu tala galeen inay
kobciyaan Aqoonta Dadka waawayn ee aan Jaanis u helin inay yaraantoodii wax bartaan.

Barnaamijka ayaa waxaa uu leeyahay Dhawr heer oo kala ah Bilow Dhexdhexaad iyo Dhamaystir waxaana ardayga Aqoontiisu ay fiicnaato uu
nasiib u helayaa in uu kamid noqdo Ardayda Machadka Waxkabarata.

Maanta waxaa ay ahayd Maalintii ugu horaysay Waxaana Ardayda la tijaabinayay heerkooda Aqooneed si loogu kala qaybiyo Heerar
waxbarasho ee Barnaamijka , waxaana intaasi ka hor ardayda Kalmah Dhiiri galin ah usoo jeediyay C/razaaq C/laahi Daahir oo ka mid ah
Xubnaha Ururka Beder.

Dadka ka faaidaysanaya Barnaamijka ayaa tiradoodu waxay kor u dhaafaysa labaataneeyo Qof oo rag iyo Dumarba leh wallow ay Dumarku
badanyihiin , waxaana Barnaamijkaani uu noqonayaa mid soconaya mudada xagaaga ee Machadku uu xiranyahay iyo kadibba ; si loo kobciyo Aqoonta Dadwaynaha Qaybohooda kala duwan.

C/kaafi Maxamuud Cilmi oo ah Hormuudka Barnaamijka Waxbarashada Dadka waawayn ayaa waxaa uu ka balan qaaday Ardayda in uu u faaidayn doono inta karaankiisa ah si ay u yeeshaan Aqoon ku fulan isaga oo sheegay inay looga baahanyahay Ardayda inay xil iska saaraan sidii ay
Aqoontooda kor u qaadi lahaayeen ayna dhabar adayg Muujiyaan. Gudoomiyaha Ururka Beder Muxamed Cabdulaahi Cali ayaa isaguna waxaa uu
sheegay inay Muhiim tahay Waxbarashadu Dadka waawaynna ay xaq uleeyihiin inay waxbartaan , iyada oo waxbarista Dadka waawaynna ay kamid tahay Waajibaadka Dawlada.

Ardayda ayaa waxaa laga dhisi doonaa Maadooyinka Aasaasiga ah sida Carabiga Soomaaliga iyo Xisaabta iyada oo loo raacinaya Heerarka dhexe
iyo Sare Maadooyinka Shareecada Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee Barnaamijkaani ayaa waxaa uu hor dhac u yahay Barnaamijyo kala oo ay damacsanyihiin Ardayda Kabaxday Machadka
Al-faaruuq eek u midaysa Ururka Beder inay qabtaan.

Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip