Allaah Unaxariistiee Shiikheeni Shiikh Aweysul Qaadiri oo ka mid ahaa Culimada ugu Caansan ee Muslimiinta isla markaana sabab unoqday in badan oo ka mid ah Dalalka geeska Afrika in ay soo gaarto Diinteena Sharafta mudan.
Hadaba Falka Guracnaa ay lakula kacay Qabriga Shiikha oo ah fal aan haba yaraatee wax raad ah aan ku laheen Diinteena Islaamka ayaa hadana waxa jiro walaac inbadan bulshada lagu abuuray ee loogu sheegayo in aysan eheen arin diini ah in la dhiso qabuuraha muslimiinta taas oo ah barabagaano raqiis ah oo aysan kukadsoomeen culimada iyo ehelka diinka saaxibka ah balse waxa sahlan in si fudud looga iibiyo fikirkaan maangaabnimo dhalin caamo ubadan balse qeyr alaah siiyo waxa caafa inaga shaafin doono masha’iqdeena ahlusna waljamaac ee haku camal falaano intii hanuunka eebe la doono in ay dhageesto inti dulowdana alle far iyo suul inooga dhaqaajiyo balse dhageesiga mowduucaan kasukow ayaa waxa dooneenaa bishaaro yar in aan usoo gudbino shacabka ahlusunna waljmaac meel kasta oo ay joogaan.,
Hadaba Maskaxdaada maka Guuxaan su’aalahaani.
• Ma banaantahay In la dhiso Qabriyada Muslimiinta ?
• Hadii ay jirtase goormee bilaabatay yaasa looga dayahaa ?
• Yaa Diidan in la dhiso Qabuuraha maxeese daliishanayaan ?
Intaan iyo in ka badan ka dhageeso Masha’iqda oo kaa shaafin doonoto inta ilaah ka fahmsiiyo insha’alaah
Halkaan Ka Dhageeso Muxaadarada Kusaabsan Qabuuraha iyo Sharciga Islaamka
Markii Khawaarijta Shabaabka iyo Xisbu-sheydaan dhawaan aay Burburiyeen Qabrigii Sheekh Uweys Al-Qaadiri ayaan sidoo kale dadka u sheegnay in Sheekh Uweys isaga filan yahay Khawaarij iyo wixii la halmaala isla markaana uusan cidna difaac ka dooneyn balse Culimada Ahlusunna waljamaaca laga doonayo oo kali ah in aay marka hore aay gutaan Waajibka ka saran Difaca Diinta ka dibna aay Naftooda Difacdaan .
Runtii Hal maalin kama soo wareegin markii aay Qoladii sheegatay Burburinta Qabriga sheekha ee Xisub_shaadhaan aay laba Garab u kala jabeen isla markaasna Aaay hawada isu marsiiyeen Warar kul kulul illeyn markii hore ayeysanaba xaq ku heshiinine .
Halkaan Ka Dhageeso Muxaadarada Kusaabsan Qabuuraha iyo Sharciga Islaamka
Sidoo kale Shabaab ayaa waxaa ka soo yeeray Hadal aan horay looga baran oo aay ku eedeynaayeen Xisbu_sheydhaan in aay ku soo xadgudbeen Gobollo aay ka taliyaan isla markaana aay Jir dil ugu geysteen Culimo Siyaaro isugu timida Biyooleey waa cajiib wamin karaamaatihi ayeey ka mid tahay.
Haddaba waxaa bahda Ahlusunna waljamaaca meel kasta oo aay Dunida ka joogaan ugu bishaareyneynaa in la gaaray Waqtigii uu ku ekaa Jiritaankii Khawaarijta Casrigaan waxaana Bishaaro kale ah in aay Gacmahooda isku laaynayaan sida haddaba billaabatay illeyn ilaaheey Xaqa ma moogee.
Halkaan Ka Dhageeso Muxaadarada Kusaabsan Qabuuraha iyo Sharciga Islaamka
W/D: Webmasterka Shabakada Warsheekh
Abdirahman Sheikh Abdullaahi
E-Mail: Farxad95@hotmail.com
- webmaster@warsheekh.com
Yaa Bur Buriyay Qabrigi Shiikh Aweysul Qaadir, Maxaase Qabsaday Bur Burintii Kadib? Ma banaantahay In la dhiso Qabriyada Muslimiinta ? Hadii ay jirtase goormee bilaabatay yaasa looga dayahaa ? Yaa Diidan in la dhiso Qabuuraha maxeese daliishanayaan ?
Hadaba Aqristayaasha Sharafka iyo Qiimaha Badanow waxa maanta idinku soo bandhigi doonaa barnaamijkeena Nasashada Jimcaha ee Shabakada Warsheekh maqaal aan si weyn ugu lafa guri doono Falki Foosha Xumaa ee lagu bur buriyay Qabrigi shiikheeni Weynaa e