FAALO KU-SAABSAN QATIFYADA DOWLADDA SOOMAALIYA (W.Q. ABDULKADIR SPINATO)

0
Wednesday June 25, 2014 - 02:47:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALO KU-SAABSAN QATIFYADA DOWLADDA SOOMAALIYA (W.Q. ABDULKADIR SPINATO)

    Shalay waxaa la shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis dhexdhigtay Dowlad Goboleedyadii Baydhabo lagu dhisay ee iska soo horjeedi jiray, waxaana heshiiskaasi uu kusoo biyo shubtay in Dowladda Soomaaliya ay diiday Dowlad Goboleedkii ka koobnaa li

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay waxaa la shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis dhexdhigtay Dowlad Goboleedyadii Baydhabo lagu dhisay ee iska soo horjeedi jiray, waxaana heshiiskaasi uu kusoo biyo shubtay in Dowladda Soomaaliya ay diiday Dowlad Goboleedkii ka koobnaa lixdii gobol ee kala ahaa: Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose isla markaana ay ogolaatay Dowlad Goboleed ka koobmo seddex gobol sida Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Waa Qatifkii 2aad oo ay gasho Dowladda Hada Ka Jirto Soomaaliya. Waayo, Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa uu weligii katirsanaan jiray Gobolkii Banaadir oo ka koobnaan jiray Shabeelaha Hoose, Banaadir/Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe intii uusan Dalka Soomaaliya uu kala jarjarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre wixii ka bilowdo sanadihii 1970-nooyadii ilaa iyo 1980-nooyadii.

Waxaa kasii yaab badan Qatifka Dolwadda Soomaaliya, waxaa ay tahay, iyadoo ay Dowladda Soomaaliya ku faantay xadgudubyada ay ku sameysay Bulsho Weynta Degto Gobolka Shabeelaha Hoose, iyo Sedbuursiga ay u sameysay Bulsho Weynta Degto Bay iyo Bakool.

28-dii Agoosto ee sanadkii 2013 waxaa ay Dowladda Soomaaliya gashay Qatifkii 1aad, kaa oo ahaa markii Addis Ababa lagu saxiixay waxa loogu yeeray ”Dowlad Goboleedka Jubaland” oo ka koobmo Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, waxaana heshiiskaasi lagu bililiqeystay Gobolka Gedo oo welii katirsaan jiray Gobolkii Jubada Sare oo ahaa Bay, Bakool iyo Gedo intii uusan Dalka Soomaaliya uu kala jarjarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre wixii ka bilowdo sanadihii 1970-nooyadii ilaa iyo 1980-nooyadii.

Qeylodhaanka Baydhabo ka yeeri jiray waa la ogaay inuu salka ku hayay Wareejinta Gobolka Gedo ee lagu wareejiyay Gobolada Juubada Dhexe iyo Jubada Hoose oona loogu sii magacdaray wax la yirasahdo ”Jubaland”.

Laakin, Dowladda Soomaaliya waxaa ku waajib aheyd in marka hore ay saxdo Qatifkeeda 1aad halka ay Qatifka 2aad ay shalay ka galeyso.

 
Si kastaba ha ahaato, waaxaana marnaba suurta geli doonin in Gobolka Shabeelaha Hoose uu kamid noqdo gobol aan aheyn Banaadirtii Hore oo ah: Shabeelaha Hoose, Banaadir/Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.

 
W.Q. Abdulkadir Spinato
aa_spinato@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip