Yaaba Hee Diidan In Meel Kasta Tahay Arlu Laahi... MAQAAL

0
Saturday March 28, 2009 - 12:17:46 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaaba Hee Diidan In Meel Kasta Tahay Arlu Laahi... MAQAAL

    Ra'isulwasaarihii hore ee Dowladda Federaaliga Soomaaliga Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa magacaabay Gudoomiyihi Gobolka Banaadir/Duqa Magaalada Muqdisho horaantii sanadkii 2005; isagoo ra'isulwasaaraha markaasi u magacaabay xilka Mudane Cad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isulwasaarihii hore ee Dowladda Federaaliga Soomaaliga Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa magacaabay Gudoomiyihi Gobolka Banaadir/Duqa Magaalada Muqdisho horaantii sanadkii 2005; isagoo ra'isulwasaaraha markaasi u magacaabay xilka Mudane Cade Xasan Cali. Taasi waxey ku abuurtay guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan Bulshoweynta Degto GobolkaBanaadir/Muqdisho ree reen iyo farxad. Sababta: Ra'isulwasaare Geedi waxaa uu bilaabay inuu raaco Xeerka Federaaliga Soomaaliya ee lagu qoray Kenya sanadkii 2004. Miyaanay marka lagu dheefsan Shirkii Dib-uheshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay Keenya intii u dhexeysay 2002 ilaa 2004?

Kuwa hadaba iminka sheegto ama hada lagu sheego waxa loogu magac-daray 'Dowlad Midnimo Qaran' waxey ahaayeen kuwo weligoodba diidanaa in Soomaaliya lagu maamulo Habka Federaaliga; waxeyna Cudur-daar ka dhigtaan in meel Kasta tahay Arlu Laahi. Weydiin: Yaaba hee diidan in meel kasta tahay Arlu Laahi? Warcelinta waa 'Qofna, Qofna Soomaali'.

Waxaa hadaba markaati madoonta ah in meel kasta ay tahay Arlu Laahi isla markaana ay dadyowga aduunka ku nool ay sii kala degaan meelo kala duwan; iyagana looga dambeeyo. Tusaale, Sacuudiya Caraabiya waa Arlu Laahi oo loo aado Cimro iyo Xaj. Maxaa hadaba looga 'Tarxiila', ama looga dhoofiyaa Dadyowga Muslimka ah oo ay fiisahooda dhacdo? Tusaale kale, Mudane Yusuf Maxamed Siyaad 'Indhacade' iyo Mudane Muqtaar Roobow 'Abuu Mansuur' waxey u cimra tageen Sacuudiya. Maxey marka Boliiska Sacuudi Caraabiya u dhihi waayeen Arlu Laahi aan joognaa marki fiisahooda dhacay? Warcelinta waxa ay tahay waa ay ogaayeen labadan mudane; Soomaalidoo dhana wey ogyihiin dhabta ka jirto Sacuudi Caraabiya.

Ugu dambeystii, maxey u garan la'yihiin kuwan sheegtay 'Dowladda Midnimo Qaran' in Soomaaliya xalkeeda yahay Habka Federaaliga? Maxey u garan la'yihiin in meel kastoo Arlu Laahi ah ay dad degaan isla markaana looga dambeeyo dadkaasi iyaga ah?

Waa Abdulkadir Abukar Spinato

aa_spinato@hotmail.com

 

 

 

 

 

 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip