Qabiilwalbow calankaa Mise Qolabaa Calankeed

0
Sunday June 29, 2014 - 12:12:00 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiilwalbow calankaa Mise Qolabaa Calankeed

    Waxaan lagu jiraa maalmihii xoriyada waxaad maqleeysaa taariikhdii gumeeysiga iyo sidii xoriyada lagu helay,waxaan dib u milicsaday heestii aheeyd Qolabaa Calankeed duul waa ceeynoo anagana keena waa cirkoo kale ee ,aad ayaan ugu xumahay in maalmaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan lagu jiraa maalmihii xoriyada waxaad maqleeysaa taariikhdii gumeeysiga iyo sidii xoriyada lagu helay,waxaan dib u milicsaday heestii aheeyd Qolabaa Calankeed duul waa ceeynoo anagana keena waa cirkoo kale ee ,aad ayaan ugu xumahay in maalmaha xoriyada laga xuso Somaliland iyo Puntland oo xaqiiqdii bedelay calankii xoriyada iyo taariikhda xornimada umada Somali sabbabta oo ah waxeey qaateen calan ka duwan midkii xoriyada sida oo kale Jubaland iyo koonfur galbeed iyo kuwa 3 gobal lagu magacaabay,waxaa balanka gumeeysiga yahay in la tirtiro taariikhdaa umada Somalida iyo calankaa baluuga haa aayna noqdaan kuwo yeesha Qabiilwalba calan ka duwan kii xoriyada ee baluuga ahaa,waxaa aay mareeysaa in calankii baluuga ahaa lagu soo koobo Muqdisho iyo gobolada dhexe ilaa Muqdisho sow lama dhihi karo inyar ayaa calankii balugaa ahaa dhabarka ku wadaa weli oo difaacaya,waxaa sharaf leh oo aanan marna la iloobi karin walaaha Khaatumo oo huwan calankii baluuga ahaa laguna xasuuqayo maalin walba,hadaba xagee ku dhamaan doontaa riyada gumeeysiga iyo burburinta taariikhada umada Somali aay ku soo caano maashay,weli waxaa dabada laga haya laguna dhiiro gelinaayaa in dalka uu qaato federaal qabiil ah reerwalbana uu yeesho calan ka duwan kii baluuga ahaa,xagee u soconaa ???



Dowlada federaalka xaqiiqdii waxeey ku socotaa xoojineeysaana in dalka uu kala irdhoobo reer walbana qaato calan u gooni ah,waxaa lagu jiraa

xiligii boobka iyo ku dagaalanka qeeyraadka dalka,awooda dowlada federaalka ma dhaafsiisana Muqdisho xagee xukuntaa ?? awood ma u leedahay in ay haykalka dowladnimo ku baahiso dalka oo dhan,tusaale dalka waxuu dowlad ku noqon karaa in uu leeyahay siyaasad dhaqaale oo mid ah misna hufan,dhaqaalaha waxaa uu ka imaadaa .

1) Qeeyraadka dalka oo la dhoofiyo.

2) Ilaha dhaqaale sida Dekeda iyo Madaarka .

3) Canshuurta ganacsiga iyo midka suuqyada iwm

Hadaba dowlada federaalka waxaa aay dhuuqdaa oo kaliya G.Banaadir intaba Muqdisho ayaa laga qaadaa,waxaa intaasi uga sii daran hadana nabada Gobolka Banaadir maaha mid leeysku haleeynkaro,waxaa uga sii xun in dowlada federaalka raga xilka ugu sareeysa haya gobolada aay matalaan wax daqli ah dowlada federaalka kama hesho balse gobolada aay ka yimaadeen xataa xiriir lama laha dowlada federaalka xagee u socnaa ?? waxeey mareeysaa cidna uma maqna ceelna uma qodna balse waxaa foolxuma ah in aan xusnaa taariikhda xoriyada iyada oo aan ognahay in calankii xoriyada iyo taariikhda ay noqtay mid la sarifo oo lagu bedelo kuwa aanan dadka iyo dalka la jaan qaadi karin.

Dhulka sow anigu ma lehi dadka sow anigu ma lehi miyuu calankeey dhacaayaa miyuu magaceeygu dhuuntaa,miyaan dhabankeeyga doorshaa miyaa dhado leeygu qariyaa..

G.Sh/hhose Bay iyo Bakool Calanka aay leeyihiin waxaa uu xuduud la yahay midka Muqdisho ka taagan ee baluuga ahaa sow xadgudub maaha,marka Shabeele State loo sameeyo calan u gooni ah waa markii ugu danbeeysay aragtida calanka baluuga ah.Alow sahal umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip