RIYADA AXMED CAbdi SALAAN MARUNBAA !!! (FAALO KATIMID AQRISTE)

0
Friday August 01, 2008 - 21:00:00 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RIYADA AXMED CAbdi SALAAN MARUNBAA !!! (FAALO KATIMID AQRISTE)

    Marabo in aan ka hor dhaco waxa waqtigaan ka socodo wadanka Somaliya laakin waxaa layiri ruxaan lasocon waxii la soo maray magarto marxaladda waqicigaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marabo in aan ka hor dhaco waxa waqtigaan ka socodo wadanka Somaliya laakin waxaa layiri ruxaan lasocon waxii la soo maray magarto marxaladda waqicigaan,


Midaas waxaan ula jedaa midka doonaya waxa lawada ogyahay in maanta shacabka dib loogu soo celiyo oo ah dano QABIIL, waan ognahay qabiil in qaran uu noqon karin hadii qabiil wax lagu noqon karo 17 sano ayaa wax lagu noqon lahaa.

waxase nasiib daro ah kuwa wali wax ku radinaya  Waxaan lawada soconaa oo ruux kasta ogyahay in waqti aan fogeeyn Ahmed C/salaan iyo Qabiilka uu ka dhashay iyagoo ku socdo magac qabiilin Itobiyo u tageen in Ahmed C/salaan R/wasaare laga dhigo laakin midaas laguma guleysan waxaa lagu yir Somaliya 4/5 ayay wax ku qeybsatay eedadkiina dhinaca ka raaca

Wixii markaa ka danbeyay waxaa la filayay in Ahmed uu dhaamo moryaanta wayoo wuxuu mudo ku noolay qurbaha laakin nasiib daro waxaa kaliya uu soo bartay sida garabatiga loo xirto midaana waa dhaqanka lagu yaqaano waraabaha wayoo waxaa layiri Waraabaha wuu dhagor door soomaa laakin madabecad doorsoomo.

Ahmed waxaan leyahay intaad baraneysay xirashada garabaatiga waxaa shacbiga Somaliyeed  inta badan bartay dhibatada uu qabiilka leyahay waxase nasiib xumo ah in wali uu jiro qaar riyadaada run mooday oo wali garan waxa maantay geedaha hoostoda gaajo lajiifa in uu qabiil yahay waxa ka soo bara kiciyay guryahoodii walina u sacab tumaya qabiilkii.

 Ahmed C/salaan riyadiisa waxey la mid tahay qisadaan oo ah Nin ayaa safar ku yimid magaalo uu dad ka aqoon waxaa uu arkay Nin Magaalada dagen wuxuu ku yiri waxaan ahay musafur ee walaalow caawa i marti gali,

Sida dhaqanka Somaalida lagu yaqaanay wuu kaqabilay oo gurigisa ayuu ku marti sooray  meel  uu seexdo ayuu udiyaarshay is wareysi ka dib  waa la seexday

Waxaa riyooday Ninkii martida ahaay wuxuu ku riyooday asagoo dahab farabaden helay oo sariirta uu ku jiifo barkinteda gashaday isgoo riyadii wali ku jira ayaa waagi baryay,

Waxaa ka soo toosay Ninkii martida loo ahaay wuxuu is yiri bal u sii diyaari martida quraac isagoo wali ku guda jira hoowshii ayaa waxaa soo toosay Ninkii martida ahaay isla markuu soo fadhiistay waxaa uu kor u qaaday barkinta uu dahabka xalay gashaday wax ayuu ka wayay waxaa uu firiyay meshii uu jiifay Ninkii uu u soo martiyay markuu wayay ayuu isyiri waxaa dahabkii labaxsaday

Ninkii isagoo feero qaawan ayuu bakoorad uu watay la soo booday gortuu ilinka kasoo baxay ayuu arkay Ninkii oo daashka dhax taagan waxuu kula soo booday bakoortii markuu mid ku dhuftay ayuu tii labaad iska qabtay wayoo Ninka loosoo martiyay aad ayuu u xoog weynaa kadib ushii ayuu ka qaday oo isagiidhulka dhigay oo ceego ku haayo ayaa diriskii qeylada ku soo baxay la kulmeen ruux dhulka jiifo iyo mid ceego ku dhagan kadib
Markii laga qabtay nasiib darowaa uu miir door soomay Ninkii soo martiyay wayoo cegadii ayaa wax u dhintay waxaase la wareestay Ninkii loo soo martiyay wuxuu sheegay sida wax u jiraanwaxaana uu hadalkii ku bolaabay Anigoo ka imid Masjidka  saladii MAQRIB kusoo dukaday ayaa jidka iiga horyimid Ninkaan oo igu yiri waxaan ahay musaafuree caawa walaalow i marti gali

sidaas ayaa guriga ku wada nimid raashin ayaanwada cunay kadib waan sexanay goortaan soo toosay ayaa waxaa ku dhaqaaqayinaan quraacdii u sii diyaariyo anigoo shaqadii ku guda jira waxaan arkay Ninkaan marti sooray oo feero qaawan oo baakoorad madaxa iiga dhufay waana iska qabtay waadna u jeedaan dhawaca uu ii geestay

Mid ka mid ah dhagestayashii ayaa yiri  ruxaad soo dhaweysay adigoon waxba u geysan ayaa ku dilaya waa cajiib Mudo yar kadib markii biyo wajiga laga mariyay ayuu soo toosay Ninkii soo martiyaywaxaa la su,aalay sidey waxa u jiraan

Wuxuu yiri “waxaan ka imid dhul dheer markaan gabal dhicii magaalada imid ayaan Ninkaan iga horyimid waxaan ku iri walaalow musafurayaan ahay ee caawa imarti gali sidaas ayaan halkan ku imid kadib subaxii markaan sootoosay ayaan waxaan wayay dahab barkinta hoosteda iigu jiray dahabkiina isagaa igaqaatay wayoo cid nalama joogin ee hadaad nabad iga rabtaan Ninka xoolaheyga iigaqaada “

Waa layaabay mid ka mida dhagesta yashii ayaa ku yiri war Ninka hadaad martigalisay dahabkiisa maxaad uga qadatay waxaa asagoo aad iyo aad u yaaban Ninkii loo soo martiyay la soo booday wax dahaba uu watay ninkaan ma. arag ee ha udhaarto in dahab aan ka dhacay.

Waxaa hadalkii qaatay nin diris la. ah midka loo soo martiyayoo aad u yaqaano ayaa yiri aniga mafilaayo in ruux u soo martiyay uu dahab ka dhacaaya laakin sida uu sheegay waa in uu dhaartaa

Waxaa la su.aalay Ninkii soo martiyay madigaadharaneysid ama asagaa dhaarta  Ninkii soo martiyay waxuu isyri hadii layiraahdo isaga hadhaarto waa uu dharanayaa ileen mesha dahab majiree adiga dhaaro wuxuu go,aansadayin uu dharto waxaa la keenay kitaab quraan ah waxa layiri gacanta midigta saar ee dhaaro

asigoo qoslaayo ayuu gacanta midig dul dhigay ayaa nin oday ah oo ka soo shaqeyay goboladain tooda badan oo dhaqanadooda aad u yaqaano ayaa yiri war Ninka haduu ka yimid gobol heblaayo wuxuu leyahay dhaar u gaara waa layaabay oo waxaa layiri waa maxaay?

Odayga oo ah askari hore oo aad u yaqaana Ninkaan gobolkuu ka yimid sida looga dharto ayaa yiri waxa yar isuga dadkii ayaa is weydiyay odayga muxuu Ninka ku dhaari doonaa

Kadib Ninkii ayuu ku yiri waxaad ku dhaarataa  makugu QODHAA IYO XERADAA in Ninkaan uukaa qaatay dahab aad adigu ledahay Ninkii ayaa ku jawaabay waxaan filayay in dhaartutahay kutub laakin midaan waan aqaan oo rag farabadan ayaa horay ugu dhaartay oodhibaato aad iyo aad u badan ka raacday sidaas ayuuna dhaartii ku diiday muran iyo dood dheer ka dib waxey dantu ku laiftay in uu runta sheego oo uu yiraahdo DAHABKA RIYO AYAAN KU HELAY

Dhamaan dadkii goobta joogay waxey hambalyo iyo bagaadinaad u badan u direen ODAYGII  dhariyay wayoo haduu kutub dhaartu ay noqon laheyd waxaa shaki ku jirin in uu ku dhaaran lahaa  markaasna waxaa dhici lahaa in ruuxa loo soo martiyay in gurigiisa la siin lahaa Ninka ku dhaartay in dahab laga dhacay

Qisadaan ama sheekadaan waxey la mid tahay mida dhax taal Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mahamed Cumar (M/dheere iyo Ahmed C/salaan waxaan rajenayaa in arinkuku dhamaado Ninkii dhaarta ka dib yiri RIYO AYAAN KU HELAY.ugu dan beestii riyada Ahmed C/salaan Marumoobi doontaa          

   QORE                                Abdinur M Nur

  Abdi Ali <af_rah_9@hotmail.com

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka.

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid.

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip