DEG-DEG: Falcao Oo Cadeeyay inuu Real Madrid Ku biirayo

0
Saturday August 30, 2014 - 20:43:53 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Falcao Oo Cadeeyay inuu Real Madrid Ku biirayo

    Weerar yahanka kooxda Monaco ee Radamel Falcao ayaa cadeeyay inuu ku biirayo kooxda Real Madrid.Sidii aan galabta idiin soo gudbinay Falcao ayaa laga waayay kooxdiisa wajahaysay kooxda Lille. Falcao ayaa xagaaga oo dhan lala xidhiidhinayay kooxo bada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar yahanka kooxda Monaco ee Radamel Falcao ayaa cadeeyay inuu ku biirayo kooxda Real Madrid.Sidii aan galabta idiin soo gudbinay Falcao ayaa laga waayay kooxdiisa wajahaysay kooxda Lille. Falcao ayaa xagaaga oo dhan lala xidhiidhinayay kooxo badan oo qaarada Yurub ah wuxuuna dhawr jeer sheegay inuu ku riyoodo kooxda Real Madrid.kooxaha Arsenal, Man united, Man City, Liverpool iyo Juventus ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay weerar yahankan ree Colombia.

1407083304176_wps_8_AS_Monaco_s_Radamel_Falca

Hadda ayuu 28 jirkani soo gabagabeeyay wararkii suuqa ee hadba koox lagula xidhiidhinayay, wuxuuna cadeeyay sida uu daacad ugu yahay kooxda Real Madrid wuxuuna sidan ku cadeeyay qoraal uu ku qoray bartiisa twitterka inkasta oo uu markiiba ka saray.

 

Monaco ayaan wali ka hadlin arinta cusub ee Falcao lamana oga inay warkan isla ogyihiin iyo inkale.Falcao ayaa qoraalkiisa ku yidhi: " Real Madrid waa riyo ii rumawday”.Dhinaca kale Real Madrid ayaan wax war ah laga hayn.


laacib.net

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip