Maqaal - “INNA MACAL CUSRI YUSRAN”

0
Monday March 30, 2009 - 20:43:39 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal - “INNA MACAL CUSRI YUSRAN”

    Waxaa xad dhaaf noqday dhibaatada ay diinta, dadka iyo dalkaba ku hayaan khawaarijta casrigani. Waxay noqotay dhibaato ay si joogto ah u gaysanayaan; isla markaasna ayagoon diinta waxba ka aqoon, khayaano iyo dhagarna ula jeedkoodu yahay, caamada ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xad dhaaf noqday dhibaatada ay diinta, dadka iyo dalkaba ku hayaan khawaarijta casrigani. Waxay noqotay dhibaato ay si joogto ah u gaysanayaan; isla markaasna ayagoon diinta waxba ka aqoon, khayaano iyo dhagarna ula jeedkoodu yahay, caamada ku khalda Aayado iyo Axaaddiis… Waxay ku sifoobeen Nabigeennu – Sallallaahu Calayhi Wa Sallam – dhallintii sufahada ahayd ee uu horeyba noogaga digay sharkooda. Waxay noqdeen argagixiso la hubo oo Muslinka iyo gaaladuba ka yaabeen. Waxay ku jiraan tiih iyo waalli aan ka soo noqosho lahayn.


Gayigeenna Soomaaliya in muddo ahba faro ba’an ayay ku hayeen; mana muuqato cudurkaas halaagga ah cid isu xil saartay (shacab iyo dawladba) inay si dhab ah ula dagaallanto marka laga reebo walaalleheenna gobollada dhexe, oo diiday ka raalli noqoshada wax uusan Allihii na uumay iyo Rasuulkiisu ka raalli ahayn, kana dhiidhiyay dullinnimada ah in diinta wax laga waydiiyo nin safiih ah. Runtii waxay mudan yihiin ku dayasho iyo in loo duceeyo had iyo jeer.

Haddaba sida ku cad maqaalkan cinwaankiisa, cusriga waxaa ka dambeeya yusri. Dadka mu’miniinta ahi waa inay u fahmaan sidaas, isla markaasna ay ka digtoonaadaan fahamka khaldan ee dad badan oo caamo ahi ay aamineen in nimanka afka duubani – khawaarijta casrigu – diinta ehel u yihiin. Fahamkaas khaldani dhibka iyo cusriga uun buu sii kordhinayaa ee xal iyo yusri laga sugi mayo. Sidaa darteed; mu’miniintu hadday Ilaahay isku xiraan oo dhibka u samraan, wixii tabar iyo taag ay heli karaanna kula dagaallamaan cadawga diinta, dadka iyo dalkaba, waxaa la hubaa in yusri degdeg ahi Ilaahay ina siin doono, oo dhibkaas dheef noogu baddali doono iyo barwaaqo lagu waaro intuu Ilaah Idmo.

Dunidan casriga ahi waxay hadda fahmaysaa in dhibku (problem) yahay fursaddii (opportunity) isbeddelka wanaagsan ama xalka loo baahan yahay lagu heli lahaa; taas oo loola jeedo raadinta xalka, isbeddelka ama dhibka oo laga baxaa, waxaa ay ka dambaysaa uun markii dhibi ay timaaddo. Kolka looma baahna in murugo kaliya la weheshado; ee waa in fursaddan qaaliga ah laga faaiidaysto culumo iyo caamaba.

Welwel keliya oo aan ficil iyo xal raadin lahayn ama iska indha tirid la iska indha tiro waajibka, waxaa ku sugan khatar sanado badan laga shallaayi doono, aakhirana nin walbaa ninkuu jeclaa ayuun buu maciis ahaan doonaa..Tanu Waa fursad lagu heli karo raallinimada Ilaahay iyo Rasuulkiisa ka dib markii muddo badan khawaarij aan diinta ehel u ahayn loo dheg raariciyay oo caqiidadii dadka laga khalday, shacaairtii diintana meel wayn looga dhacay. Waa fursad bogsiin karta nabarradii shacabka soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii sokeeye. Waa fursad run ahaantii soo celin karta noloshii macaanayd ee ay soomaalidu soo martay. Waa in saas loo fahmaa oo meel la iska dhigaa borobogaandada iyo afkaarta na hodday oo gebiga naga tuurtay ee ay khawaarijtu adeegsato. Waa inaan la lumin fursadda dahabiga ah.
 
 Abdulaziiz
 Puntland…

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip