Beesha Mudulood oo shir ay ku yeelatay Minneapolis uga hadashay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha

0
Tuesday October 28, 2014 - 08:02:55 in Wararka by
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Mudulood oo shir ay ku yeelatay Minneapolis uga hadashay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha

    Waxaa taariikhdu markey aheyd Oktoober 28, 2014-tiin, magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota (USA), shir deg deg ah ku yeeshey waxgarad matelaayey beel-weynta Mudulood Hiraab, qeybaheeda kala duwan, sida aqoonyahanada, siyaasiin, culumaa'udi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa taariikhdu markey aheyd Oktoober 28, 2014-tiin, magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota (USA), shir deg deg ah ku yeeshey waxgarad matelaayey beel-weynta Mudulood Hiraab, qeybaheeda kala duwan, sida aqoonyahanada, siyaasiin, culumaa'udiin, ganacsato, haween, odayaal-dhaqmeedyo, iyo dhalinyaro iwm.

 
 
Waxaa in laqabto shirkaas deg dega ahaay, fikirkiisa lahay Siyaasi Mudane Abdulle Hassan Nurrow, ( known Mohamed Dheerow), asaga ayaana shirkaas guddoominaayay, waxaana xoghayn ka ahaay Dr. Ahmed Mohamed Farah ( Shutul).

 
 
Shirkaas waxaa diirada lagu saaray siyaasada kacsan ee Soomaliya,iyadoo ay kacsanantaan salka ku haysa khilaafka dhowaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliyeed Professor Hassan Sheikh Mohamoud iyo Ra'iisul Wasaaraha xukuumada dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Mohamoud.

 
 
Si khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha DFS iyo Ra'iisul Wasaaraha xukuumada dalka, wax loo ogaado waxa uu DASTUURKA QABYO-QORAALKA ah qeexaayo amba qoraayo, ayaa nasiib wanaag, waxaa halkaas la keenay ( Nuqul) ka mid ah dastuurka qabyo-qoraalka ah, waxaana nuqulkaas shirka ka dhex aqriyey xogheynta shirkaas Dr. Ahmed Shutul, iyadoo Qodobka gaashanaad (90), farqadiisa koowaad, labaad, seddaxaad iyo afaraad ay ku caddahay in aan la tashi la'aan madaxweyne, in uusan Ra'iisul Wasaaru soo dhisi karin gole wasiiro, sidoo kale uusan isku shaandheyn ku sameyn karin golaha wasiirada, Ra'iisul Wasaaruhu asagoon la tashan madaxweyne, sidoo kale qodobka boqolaad (100) kow ilaa shan (1-5) ayaa Ra'iisul Wassaraha u tilmaamaaya inuu markas ee uu wax magacaabaayo amba uu sameynaayo xilka qaadis in uu la tashado madaxweynaha dalka.

 
 
Beeshu markey ogaatay, inuu Madaxweyne Prof. Hassan Sheikh ku taagan yahay shaciga iyo awooda uu siinaayo Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee uu dalku leeyahay, markii ay beeshu qalabka warbaahinta ee kala duwan ka ogaadeen inuu dhawr jeer Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ku xad-gudbay dastuurka dalka, wada shaqeynta dowladnimo iyo mas'uuliyada madaxweynaha, balse madaxweynuhu asagoo eegaaya danta guud ee dalka iyo dadkaba in uu u dulqaatay dhawr xad gudub oo uu si bareer ah u sameeyey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, sida asagoo dhawr jeer si isdaba joog ah u soo saaray go'aano tash-wish ku abuuraaya geedi socodka dowladnimo iyo wada shaqeynta hay'adaha dawliga ee dalka.

 
 
Intaas waxaa ka siidaran oo shirkaas looga dhex dhawaajiyay, in xad-gudubyada Ra'iisul Wasaare Cabdweli Sheekh Axmed, ey tahay gardaro-garab og, waayoo waxaa jira shakiyo muujinaaya inay R/W Cabdiweli ay gadaal ka riixaayaan qaar ka mid ah maamul goballeedyada sida xun ula ficiltama dowlada dhexe ee federaalka ah, ayagoo dhibsanaaya in dalka uu hoggaamiyo mas'uul ka soo jeeda beelaha Hawiye, inkastoo ay jireen qaar kale oo ka aragta duwan kuwaas oo iyagu aaminsan in Ra'sul Wasaaraha ay gadaal ka riixaayaan qaar ka mid dowladaha deriska la ah Soomaliya oo aanan doonayn inay Soomaliya degto.

 
Abdulle Hassan Nurrow
abdulle_02@hotmail.com
Minneapolis, USA

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip