(1) Haddii ciidamada AMISOM dalka eey ka baxaan iyada oo aanan siyaasada laga heshiin,colaada eey weli socoto in dekeda iyo madaarka iyo madaxtooyada dharaar cad la xaalufiyo oo kooxaha hada siyaasada isku haya eey ku dagaalamaan qabsashada Ilaha dhaqaalaha sida dekeda,madaarka ma shaki baa kaaga jira Prof ???????? waayo waxaa eey somalida dhahdaa Si xun wax u sheege saaxir ka daran, war Profka hadaladiisa iyo kuwa xisbul Islaam qeeybta Musse Caraale maxaa xiligaan kulmiyay sow dhab maaha oraahdii aheeyd Hasha naasaka adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey.Musse Caraale iyo Profka maxaa isku hadal ka dhigay ?? sow ma muuqato in haddii kooxaha siyaasada isku haya xiligaan uu midkood qabsado ilahaa in shacabka xamar eey u tahay murugo iyo macluul cusub,sow maaha in dagaal oogayaashii xamar dib u soo noqdaan sow tacab shiid maaha dadaalkii culumada iyo fikirkii caqliga u saaxiibka ahaa ee Ethiopia dalka looga bixiyay iyo hadafka dib u soo nooleeynta qarankii burburay ???? dowl!ad xun dowlad laįan beey dhaantaa macnaha iyo nuxurka ka danbeeya in uu garto ayaan jeclaan lahaa Profka.
Waxaan taariikhda hore u gashay in Profka oo runtii ah nin calmaani (secular) in uu aad uga soo horjeeday koonfurta waxa ka socda balse uusan weligiis wax ka sheegin gobolka uu ka soo jeedo iyo ninka eey ilmo adeerka yihiin Daahir Riyaale oo ku sifoobay somali-diid guracan geed dheer iyo mid gaabana u koray sidii jamhuuriyadii somalia loo kala goyn-goyn lahaa,waxaan aaminsanahay Profka waxa bedelay in eey ugu horeeyso bacdamaa dowlada midnimada qaran golaheeda wasiirada eey ansixiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.
xaqiiqdiina la dhihi karo ku dhaqanka shareecada waa mida kaliya ee soo celin karata jamhuuradii somalia ee burburtay in uu hada ka biyo diidan yahay waxa uu Sheekh Shariif & Cumar Cabdirashiid ka damacsan yihiin soo celinta qarankii burburay ee somalia,waxaa kale oo xaqiiq ah in Profka hadaladiisa marka aad dib u raacdo kuu fasirmaaya in uu jecelyahay in reer koonfur eeyan marna nabada noqon balse eey isku hardiyaan koox koox kuna dagaalamaan ilaha dhaqaalaha si!da dekeda iyo madaarka xamar oo eey hada ilaaliyaan AMISOM waxaan sugeeynay Profka in uu taageerao nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia mase sugeeyn in dowlada midnimada qaran uu mucaarado,mucaarad wax dhisaa dalka waa u baahan yahay waayo dowlad aanan mucaarad laheeyn waa dowlad maaha balse qormadiisa waxaa ka muuqata dhiiragelinta iyo curinta dagaal la mid ah 1991,waxaan leeyahay Profka Madax aanad lahayn miyirkiisa laysma saaro oo aan ula jeedo waxaa quman in aad reerkaaga u sheegto xaqa iyo in eey raacaan dowlada midnimada qaran iyo qaadashada ku dhaqanka shareecada Islaamka sabbabtoo ah dhawaa ama dheeraa dalka somalia waxa kaliya ee mideeyn kara waa ku dhaqanka shareecada Islaamka,haddii aad adiga diidan tahay arinkaa ogow in kuwa baarlamaanka dowlada midnimada qaran eey qaadi doonaan kitaabka geeyndoonaan dhulka aad u dhalatay,waxaa la dhahaa Rag waa arin keen iyo aqbalkeen Profka midna ma noqon balse waxaa uu ku sifoobay nin dib u hurinaya dagaalkii sokeeye ee!dalka burburiyay,dhiiro gelinaya kooxda Musse Caraale si dalk!a uusan marna u degen,waxaan aad ugu xumahay in uu nabada ka doorto dagaal iyo burbur kuna kiciyo wax ma garka xamar jooga,Profka waxaan leeyahay Muqdisho nabad beey u baahan tahay colaad uma baahna,aad ayaan ugu xumahay in eey shacabka somalia ee aad u aheeyd indheergarad in eey aqristaan qormada colaada ku saleeysan.
Prof. Samatar waxaan leenahay Soomalidu waa indho ku garaadle oo aan ulla jeedo dadka somalia gudaha iyo dibada waa eey taageereen dowlada minimada qaran ogow umada waa idho ku garaad fahmi kara wanaaga iyo xumaha.
Nabad la'aani waa nolol la'aan
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Prof. Samatar waxaan leenahay Soomalidu waa indho ku garaadle
Waxaan qalinka u qaatay oo aan la soo toosay oo runtiina igu noqotay malaha been abuur qormadii Prof.Samaatarkii reer Boorama iyo weerarkii foosha xumaa ee uu dhawaan kula dhacay madaxweeynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed,waxaan is weeydiidyay Prof Sa