Amaanka magaalooyinka dalka Kenya oo si aad ah loo adkeeyay

0
Thursday December 25, 2014 - 13:22:20 in Wararka by
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amaanka magaalooyinka dalka Kenya oo si aad ah loo adkeeyay

    Amaanka magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya ayaa si aad ah maanta loo adkeeyay si looga hortago weeraro AL-shabaab ay ka geystaan dalkaasi iyo rabshado kale oo dhaca inta lagu guda jiro fasaxa Christmas iyo dabaal-dagayaan sanadka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amaanka magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya ayaa si aad ah maanta loo adkeeyay si looga hortago weeraro AL-shabaab ay ka geystaan dalkaasi iyo rabshado kale oo dhaca inta lagu guda jiro fasaxa Christmas iyo dabaal-dagayaan sanadka cusub.
Afhayeenka Ciidamada Bilayska Kenya, Zipporah Mboroki ayaa sheegay in amaanka magaalooyinka muhiimka ah Kenya la adkeeyay,islamarkaana dib loo howl-galiyay ciidamo fara badan oo Boolis kuwaasi oo amaanka sugaya.

Dad aad u fara badan ayaa isugu soo baxaya , inta ay socdaan damaashaadyada Kirismaska iyo Sanadka cusub sida uu Afhayeenka Booliska Kenya uu shaaciyay.

"Feejignaan sare ayaa la galiyay dhammaan ciidamada Kenya, waxaana lagu amray inay tillaabo ka qadaan cid kasto oo ay falal argagaxiso oga shakiyaan, isla markaasna waxaan lagu amray ciidamo badan oo fasax ku maqnaa iney dib shaqada ugu soo laabtaan oo ay sugida amniga ka qeyb qataan ayuu yiri,” Afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya.

Saraakiisha dhanka amaanka ayaa shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka iyaga qudhoodana ka digtoonaadaan falalka lidi ku ah amaanka dalkaasi.

Maanta oo taarikhdu ay ku beegan tahay 25-ka December, ayaa inta badan dadka Masiixiyiinta ah waxey u dabaal dagayaan Christmas-ka, waxeyna dhigtaan damaashaadyo iyo Xaflado ay dad badan iskugu yimaadaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip