Nabada ayaa lagu Caano maalaa - Colaadna waa lagu dal iyo dad waayaa ( Maqaal )

0
Wednesday April 08, 2009 - 19:16:54 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabada ayaa lagu Caano maalaa - Colaadna waa lagu dal iyo dad waayaa ( Maqaal )

    Sidii aad maqasheen dhawaan cajalada cod ah ayaa shabakada Al-jasiira waxaa soo dhigay ninka buuraha ku dhuumaaleeysanaya waxaa uu qiray in waajib eey tahay in lala dagaalo dowlada midnimada qaran ee Sheekh Shariif ka yahay madaxweeyne waxaa uu shaqs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii aad maqasheen dhawaan cajalada cod ah ayaa shabakada Al-jasiira waxaa soo dhigay ninka buuraha ku dhuumaaleeysanaya waxaa uu qiray in waajib eey tahay in lala dagaalo dowlada midnimada qaran ee Sheekh Shariif ka yahay madaxweeyne waxaa uu shaqsi ahaan magacaabay Sheekh Shariif iyo xukuumada,waxaa soo ifbaxaya in shabakada Al-Qacida eey si fiican u soo shaac baxday markii Fu-aad Shongole asna uu soo dhigay webka Waagacusub.com cajado maqal ah xaqiiqdiina la dhihi karo waa murugo cusub iyo dhib ku soo korortay dadka iyo dalka somalia marba haddii xiliyadaan lagu soo bandhigayo websidyada somaliada cajalado maqal iyo muuqaal ah,waxaa ka sii daran markii nin isku sheegay mareeykan oo ahaa nin cadaan ah kana warbixinayaay dagaalada jihaadka eey u yimaadeen dalka somalia asaga oo uu la joogo Abu-Mansuur lagu arkay websaidyada somaliada, hadaba dhacdooyinkaas faraha badan ee maqalka iyo muuqalka wata waxaa haboon in laga hortago waayo maaha kuwa wada maslaxada shacabka som! alia,fikirka Bin-ladin waa mid aad ugu weeyn kooxaha Al-shabaab iyo xisbul Islaam garabka Dr.Cumar Iimaan maxaa cadeeynaya arinkaas????


1) Magaalada Marka ayaa Nin lagu Magacaabo Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab ku tilmaamay hadafkooda in uu yahay in eey socdaan ilaa Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, Koonfur/Afrika, Turkiga,Japan sow Alshabaab Hadafkii u u abuurmay ma aheeyn mid Waddanka Soomaaliyeed looga Xoreynayo Cadawga Tigreega ah iyo badbaadinta shacabka 19 sanno dagaalka sokeeye isku ahyay.Fu-ad Shongole waxaa uu dhahay waxaan tageeynaa guriga cad ee mareeykanka,ninkaa cadaanka ah waxaa uu dhahay waxaan u soconaa USA ilaa 5 qaaradood ee aduunka Alow sahar umuuraha.

2) Bin-ladin codkiisa ku wajahan dadka somalia waxaa la dhihi karaa waxuu ahaa mid cadeeynaya in Al-Qacida eey xoog ku leedahay dalka eeyna jiraan kooxo u dhago nugul hadalka Bin-ladin, haddii aad dhageeysato Fuad-Shangole iyo ninka muqaalka soo bandhigay waxaa la dhihi karaa waa raga Bin-ladin uu la hadlayay kuna dhiirogelinayay in dagaalka uu sii socdo dowlada midnimada qarane la rideeyo lagana tirtiro dalka.waxaa hadaladiisa ka midka ahaa haddii eey kun jeer ashahaataan xitaa waa in la dilo,Ilaahaa wax dila balse awooda dilka qof muslim ah ma sahalna, sida Fu-ad Shongole iyo Bin-ladin eey ugu fududahay.Fu-ad Shongole waxuu dib noogu celinayaa dagaalkii qabiilk ahaa waayo sida uu u fasirayo Quranka maaha sida umada fahmi karto.

3) Xisbul Islaam raga eey ka mid yihiin Musse Cabdi Caraale waxuu aad ugu celceliyay in dagaalka eey sii wadayaan haddii xitaa shareecada la ogolaado dalkana eey ka baxaan AMISON,sow lama dhihi karo waa fikirkii Bin-ladin oo qayaxan, waa dhab in Musse Caraale iyo kooxdiisa eey leeyihiin hadaf guracan diidaya nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia,suįasha jirtaa waxaa eey tahay maxeey tahay qandaraska Al-Qacida ku bixineeyso in dalka somalia dadkiisa iyo dadkiisa loo adeegsado gumaad lagu dabargooynayo jiritaanka sinjida somalia gaar ahaan reer Muqdisho iyo goboda koonfur.

Nabada ayaa lagu Caano maalaa - Colaadna waa lagu Curaddo waayaa waa hal-kudhig lagu sifeeyn karo xaqiiqdii waxa somalia ka socdo maanta,waxa aan soo marnay ee burbur,baabį ninwalba curudkiis ceel gee maxaa noo haray ma coladaada ayaan sii wadnaa weli mise waan is daba qabanaa oo xaqiiqda ayaan garanaa sabbabtoo ah somaliada waxaa eey dhahdaa Wallaalo isnacay weey xabaalo badiyaan weeyna xoolo yareeyaan maxaa dadka iyo dalka ka haray sow cidla ma joogno,dhulka oo soo haraa miyaan maamuleeynaa,Ilaah Aadanaha ayuu dhulka khaliifa ugu dhigay haddii Aadanaha la ciribtiro oo dadka la gumaado dhulka ayaa u talin ???? dhulka ayaa ku cibaadeeysan,masjidyada ayaa aadayo,Kitaabada ayaa aqrin sow ciid iyo buuro soo hari maayaan hadaba maxaa laga dhaxlayaa ciribtirka dadka ama gumaadka dadka somali ????? dalka waxaa laga gaday Kenya ayaa ah waxa dadka uu ka hadlaa xiligaan, waxaan u sabbabeeynayaa diidmada nabada iyo wadajirka umada somalia eey Aabe u ah in dalka sida doono laga yeelo,!
Puntland & Somalialand beri hore ayeey goéen taana waxaa sabbab u ah midnimada iyo nabada oo eey dad yar diideen.Markii xukumada qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka waxaa Ethiopia looga yeeray C/ramaan Farole & Daahir Riyaale waxeeyna cadeeyeen in nabada goboladooda eey damaanad qaaday Ethiopia macnaheedadan uu yahay waxaan hoos tagnaa Ethiopia iyada ayaana badbaadadeeyna haysa.

Waxaa nagu soo korortay fikir guracan oo aad ugu beensheegaya diinta Islaamka wax walbana waxaa sal u ah aqoon daro xoogan,xaasidnimo,jahli xagwalb ah, waxaan rajeeynayaa in erayga Nabada cidwalba eey garaneeyso macnaha ka danbeeya iyo wax uu xambaarsan yahay,waxaa lagu qeexaa Nolol, xaqiiqdii nolol laįan waa nabad laįan, maxaa nabada loo diidan yahay ninka diidan nabada sow maaha nin diidan nolol, waa waxa dalkeena ka jira in ninwalbaa uu qoriga ka dhigto xooga nolosha balse dadka eey iloobeeb in nabada eey ka awoodbadan tahay qoriga,haddii shacabka uu u is taago nabada iyo wada noolaansho cadaalad ku dhisan xaqiiqdii cid celin kartaa ma jirto, umada somalia waxaa eey sugeeysaa soo celinta nabada taana waxaa keeni kara shacabka oo aamina in nabada eey tahay nolol,horumar badbaado aduun iyo aaqiro sabbabtoo ah marka nabada la helo ayeey umada cibaadeeysan kartaa iyada oo aanan wax wel wel ah qabin,maanta waxaad arkeeysaa in salaadaha qaar aanan lagu dukan karin masjidyada ca!
bsi awadeed,salaada subax iyo cisha fiiriya masjidyada maxeey dadka u imaan waayeen? dowlada haddii eeyan helin shacab jecl nabada waxaa weligeed lagu eedeeynayaa dowlada maxeey nabada u soo celin weeyday ? runtii waa kaaf iyo kala dheeri nabada shacabka ayaa soo celin kara maxaa dagaalka ku koobay xamar oo kaliaya ??????

Runtii waxaa quman in shacbaka reer Muqdisho eey gartaan in nabada oo la jeclaado eey keeni karto kala danbeeyn iyo horumar,raga xamar u diidan nabada waa rag kooban waxaa quman in leeyska qabto ninka guracan ee ku dhagan fikirka guracan ee xisbul Islaam ama Al-shabaab,dalka goboladiisa inta ugu badan waa nabada basle weli reer Muqdisho meeyan garan sabbabta dagaalada loogu soo xawilay ,waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa ragii xisbul Islaamka madaxda u ahaa ee diiday dagaalka xamar sida Sheekh Maxaned Xasan Axmed Camey iyo kooxdiisa waxaan leeyahay waad garateen nabada xamar in eey tahay badbaadada shacabka fadlan garta wadahadalkana in uu yahay mirihii nabada.

Dr:Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip