M. GHEDI: "Baarlamaanka Federaalkoow mahadsanid, hala qiimeeyo ciidamada Qaranka"

0
Friday January 02, 2015 - 12:07:43 in Wararka by
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M. GHEDI: "Baarlamaanka Federaalkoow mahadsanid, hala qiimeeyo ciidamada Qaranka"

    Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo horey loogu xaman jirey mooshin-gaade, ayaa waxaad moodaa muddooyinkaan danbe, inay sumcaddiisu wax badan kor u soo kaceyso, kadib markii uu baarlamaanku gutay waajibaadyo dastuuri ah oo si xig-xigey, asigoo waaji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo horey loogu xaman jirey mooshin-gaade, ayaa waxaad moodaa muddooyinkaan danbe, inay sumcaddiisu wax badan kor u soo kaceyso, kadib markii uu baarlamaanku gutay waajibaadyo dastuuri ah oo si xig-xigey, asigoo waajib-gudashadaasi dastuuriga ah ku bad-baadiyay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo danta shacabka Soomaaliyeed oo in ka badan 24 sano la soo daalaa dhaceeyey fowdo iyo dowlad dhexe la'aan.
Shacabka Soomaaliyeed intiisa nabada iyo dowladnimada jecel, waxay baarlamaanka FS ku bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee uu u bad-baadiyey dalka iyo dadkaba, markii uu dhowaan dalku galay qal qal siyaasadeed, asagoo bad-baadintaas u maray hab-dastuuri ah, qaasatan markii uu khilaaf xoggan soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyada FS Mudane Hassan Sheikh Mohamoud iyo Ra'iisul Wasaarihii dhowaan xafiiska baneeyey Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed, sidoo kale wuxuu baarlamaanka FS ku ammaanan yahay sida uu u ansixiyey Ra'iisul Wasaaraha cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ( 3 C ), markii uu dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadu hor-geeyey baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

 
Waxaa kaloo shacabka Soomaaliyeed uu aad u jecleystay, sida baarlamaanku uu fadhiyadiisii muddooyinkaan danbe ugu doodaayo ciidamada kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed oo ilaa hadda aanan helin mushaarooyin ay ku noolaan karaayeen iyo tixgelinta ay mudan yihiin. iyadoo kan ugu derejada sarreeya iyo kan ugu derejada hooseeya, marka laga reebo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano gaashaan ( alpha) ay bishii qaataan $ 100, 00 dollar oo weliba mar mar la gefiyo, meesha agaasimayaasha dowladu ay bishii ka qaatan $ 1,000, 00 - 1, 200, 00 dollar.
 
Waxaa iyaduna xusid mudan in uu baarlamaanka FS, uu sa'aalo ka weydiiyey wasaarada maaliyada sababta ay u bixin la'dahay mushaarooyinka iyo gunnooyinka dhowka sano ka maqan xildhibaanadii hore?, iyadoo horey dhowr jeer loogu ansixiyey mushaarooyinkaas iyo gunnooyinkaas ka maqan xildhibaanadii hore, oo dalka hana-qaadkiisa u soo dhabar adeegay xilligii ay Xabadu Xamar ka xiimeysay.
 
Baarlamaanku wuxuu kaloo u dooday dhibanayaal ganacsato yar yar ah oo dowlada deyman ku leh, laakiin nasiib darro ku daalay fadlan deyn-teynii hanala siiyo, iyadoo qaar kamid ah ganacsatadaas ay qarka u saaran yihiin inay suuqa ka baxaan, meeshaa ay ka aheyd in lagu dhiirigeliyo ganacsigooda.
 
Wax garadka Soomaliyeed, wuxuu aad u soo dhoweynayaan waajib gudashada fiican ee baarlamaanka FS uu muddooyinkaan danbe muujinaayay, asagoo wakiil ka ah shacabka Somaliyeed oo lagu qiyaaso 10 - 12 milyan, ha yeeshee, waxgaradka Somaliyeed wuxuu tala ahaan ugu soo jeedinaayaan baarlamaanka sharafta leh in uu dastuurka dalka ku caddeeyo xaquuqda ay dalka ku leeyihiin bulshada nugulka ah Kuwa dhimirka la' ( vulnerable community rights) sida cuuryaamiinta, gaar ahaan kuwa difaaca dalka u cuuryaamay waqti hore iyo waqti danbaba, indhoolayaasha, dhagoolayaasha, agoonta, waayeelka aan wax haysan iwm.


Ciidamada qaranka hala qiimeeyo waa qiiro wadaninimo baarlamaanka FS wuu ku mahadsan yahay ee sanad wanaagsan ( Happy new year 2015).

Mohamoud Ghedi AW Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadisho, Somaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip