DEGDEG: Magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo oo qaraxyo ay ka dhaceen

0
Friday January 02, 2015 - 14:16:53 in Wararka by
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEGDEG: Magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo oo qaraxyo ay ka dhaceen

    Guddoomiye K/Xigeenka gobolka Mudug Muuse Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid la dhigay xarunta dugsiga sare ee Yameys, kaasi oo lala bar tilmaameedsanayay macallimiinta dugsigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye K/Xigeenka gobolka Mudug Muuse Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid la dhigay xarunta dugsiga sare ee Yameys, kaasi oo lala bar tilmaameedsanayay macallimiinta dugsigaasi.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo xarunta dugsiga Yameys oo wax ka dhigaan macallimiin ajaanib ah iyo kuwo Soomaali ah.

Qarax weyn oo ka dhacay xarunta dugsigaasi hortiisa ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen ilaa laba ka tirsan macallimiinta Kenya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa shan ruux oo laba ka mid ah tirsan ay ajaanib yihiin, waxaana daqiiqado kaddib halkaasi soo gaaray ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho gaari ku socday wadada laamiga ah ayaa qarxay, iyadoo uu ku jiro qofkii waday gaarigaasi oo meyd ah, waxayna ciidamadu baarayaan sababtii keentay inuu gaarigaasi iskiis u qarxo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip