TOLOW NIDAAMKA FEDERAALKU MAYAHAY MID KU HABOON SOOMAALIYA?

0
Sunday January 04, 2015 - 10:48:33 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TOLOW NIDAAMKA FEDERAALKU MAYAHAY MID KU HABOON SOOMAALIYA?

    inta aannan u gelin ujeeddada maqaalka waxaan inaan waxyar oo hordhacaal ah soo qaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inta aannan u gelin ujeeddada maqaalka waxaan inaan waxyar oo hordhacaal ah soo qaato.
Kelmadda federaalka ah waxey ka timid eray laatiin ah ( Fedus ) kaasoo minnihiisu yahay heshiis iskuxirnaan. Dowlad Federaal ah waa mid ka koobanDowlado,Gobalo iyo dhulaal leh madaxbanaani xadeysan oo leh maamul dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo iskuxiran oo ey sameyso Dowlad dhexe oo magaceeda ow naqahaayo Dowladda federaalka ah.

Nidaamka fedaraalka dowladdi rabto iney ku dhaqanto maxaa u shardi ah labowaxood

1-Ineyleedahay dhulbaaxad weyn oo dowladda dhexe xukunkeeda owna dhaqsi u gaari Karin loona baahanyahay in lahelo dowlad goboleed leh awood xadidan iskuna xirto gobolka iyo dowladda dhexe

ee fedaraalka ah: tusaale ahaan wadanka ameerika iyo Gamalka iyo kuwo kale

2-Waxaakale nidaamka federaalka ku haboonyahay dowlad dadkeedu ku kala duwanyihiin dhinacyada diinta,afka,dhaqanka iyo wixii lamid ah si dadkaas looga dhexeysiiyo dowlad dhexe oo isku xirto oo fedaraal ah: tusaale sida (Svizera,Ethiopia,Nageria, iyo kuwo kale).

Maaddaama soomaaliya eyna leheyn calaamadaha aan kor ku sheegay waxey aniga ilatahay ineyna ku habooneyn nidaamka fedaraalka ah bal waxey aniga ilatahay inow nidaamka federaalka ow dhibaato u keenikaro,maadaama dadka soomaaliyeed ey yihiin dad isku diin,af,iyo dhaqan ah waxbadana wadaago sida daaqa iyo biyaha xoolaha qoyska xoola dhaqatada ah owsan lahey xuduud celiso ee ow aado marwalba mesha naq leh oo uu calafka xoolahiisa ka heli karo,dadka soomaalida ah waxey dadka kale uga gedisanyihii waa dad wada xidid ah hadii leys warsada meel uun leesaga soo dhacaayo, hadii dadka saas ah layiraaho haloo qeybiyo gobolo kala xuduud leh waa ayaandarro usoo hoyatay dadka soomaalida ah oo isku habar iyo oday ah.

Soomaaliya nidaamka federaalka waxow u horseedidoonaa kala qeybsanaan,waxowna keenidoonaa muran ban oo dhexmaridoono dowladda dhexe iyo dowlad gobolyadeeda kasoo layaabo inow keeno burburkuyimaado dowladda dhexe oo federaalka ah.

Waxaa tusaalo noogu filan dowlad goboleedka Puntaland oo ah dowlad goboleedka dhinac walbo ka dhisan kana tisan dowladda dhexe ee federaalka ah sida ey sheegato hadana dhaqankeedu ka gedisanyahay waxa ey sheeganeyso una dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan heshiisyada ey dowladda federaalka ahna loo qoro( heshiis dhexmaray dowladda Puntland iyo dowladda federaalka ah iyadoo taas u muuqato iney yihii laba dowlo oo kala madax banaan) shuruucda federaalka ah hadana rabto iney wax laqeybsato dowladda dhexe ee federaalka ah iyadoo tedana aan rabin la soo fara gelio,tusaale ahaan dhaqaalaha Putaland kasoogalo ilaheeda dhaqaale dowladda dhexe waxey xaq uguleedahay iney qeyb ka hesho taasoo ey Puntlanda diidantahay isla markaasne waxey rabtaa iney wax kahesho wixii dowladda dhexe soo galo tasso u muuqato keyga lihi kaagana kula lihi. taaso aan ku jirin nidaamka federaalka ah. Puntalan waxey ku dhaqaaqday waxyaabo eyna xaq ulehayn haddii ey federaalka ka tirsantahay ,sida heshiisyo ey lagashay dowlado iyo shikado caalami ah taasoo dowladda federaalka ah oo keliya ayaa xaq uleeh iney gasho heshiisyada caalamiga ah.Waxaa kale oo Puntlan udheer in marwalbo oo ey dowladda dhexe qaado tilaabo siyaasadeed oo eyna raali ka eheyn madaxda Puntland ey soosaaraan bayaan ey calaaqaadka ugu goyhaayaancalaaqaadka kala dhexeeyay dowladda federaalka. iyagoon ka fiirsan iyagoon tixgelin shuruucda ka dhexeyso iyaga iyo dowladda federaalka.

Waxaa kale oo xusid mudan in madax adeyga Puntland ey qeyb ka qaateen beesha caalamka, midowga yurub,dowladaha deriska iyo ururo caalami ah kuwaasoo iyago iyagoo aqoonsan jiritaanka dowladda federaalka haddana heshiisyo horuumarin oo ey dowladda federaalka lasoo marin la saxiixdaan taasoo aan u arko iney xadgudub kutahay dowladda dhexe.

Puntallan waxaan tusaalaha ugu soo qaatay inaan sheego cabsida aan ka qabo in gobolada hadda jiro iyo kuwa dhismaayaba ey tusaalo ey ku daydaannaqato jidkaas qaldanna qaadaan Soomaaliyana ey kabixi weyso isqabqabsi iyo muran aan dhamaan,sidaasna ey u baabado dowladda dhexe Soomaaliyana ey u kala gogodo gobolo isumataliso ah.

Soomaalia in lagu dhaqo nidaamka federalka waxaa ka dambeeyo dowlado iyo ururo maxali iyo kuwo caalami ah oo aanrabin in soomaaliya ey yeelato dowlad dhexe oo awood leh.

Nidaamka federaalka waxow iila muuqdaa mid sii kala dheereyhaayo ummadda Soomaaliyeed wax heshiis ahna eyna ku gaarikareyn.

Waxaan ugudabeytii u soo jedilahaa hogaamiyayaasha Qaranka in arrintaas sifiican uga fiirsadaan cawaaqibxumada ey keeni kartana ka baaraan degaan.

Waxaan kale oon baarlamaanka Qaranka oo ow hadda horyaal shaciga xuuduud u sameynta Gobolada ow arrinkaas sifoojigan u fiirio cawaaqibka ow ku keenikaro ummadda walaalaha ah soomaalia.

Marki sharcigaas la ansixiyo malagayaabaa inow ummadda kala qeybiyo gobolwalbo xuduudkiisa ka ilaashado gobolka kale? Malaga yaabaa in xoola dhaqatadii isu socojirtay ee xoolaha ula guuri jirtay hadba meeshii naqjiro ama xoolaha calafkooda iyo biyahoo laga helijirayiney caqabad ku naqato sidaasna dagaalkii qabaailka kusoo naqdo? iyo in waxyaabe kale oo badan oon nagu habooney ladhaxlo nidaamkaan nalagu qasbaayo?



Qoraha Maqaalka

M.M.(Geeddow)

e-mail geeddow41@gmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip