Dal Ba'ow Yaa ku leh ??

0
Wednesday January 14, 2015 - 17:03:15 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Ba'ow Yaa ku leh ??

    Waxaa soo baxeeysa in xildhibaanada dowlada fedrallaka ee 275 ahi in aay sitaan inta ugu badani jinsiyado kala duwan,waxaa ilaa iyo hada la ogyahay in 168 xildhibaani aay sitaan jinsiyadaha Yurub, USA iyo Kanada halka 32 xildhibaani aay sitaan dalalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxeeysa in xildhibaanada dowlada fedrallaka ee 275 ahi in aay sitaan inta ugu badani jinsiyado kala duwan,waxaa ilaa iyo hada la ogyahay in 168 xildhibaani aay sitaan jinsiyadaha Yurub, USA iyo Kanada halka 32 xildhibaani aay sitaan dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti, kuwa reer galbeedka sitaa waxaa aay u soo dhaarteen in aayan ka horimaan marna danaha dalalka aay Passaporadooda soo qaateen,waxaa lagu dhaartaa marka aad jinsiyadaada ka tageeysid oo aad qaadaneeysid mida reer galbeedka in aadan ka horimaan marna danaha dalka jinsiyada aad ka qaadaneeysid,hadaba sidee ugu shaqeeyn karaan xildhibaanadaa danaha iyo dhisida qaran Somali ???

Haddii aad u fiirsato Madaxweeynaha Somaliland waxaa uu sitaa Passapor Ingris ah halka Cali Khaliif iyo Cabdiweli M.Cali Gaas aay sitaan Passaporo USA,sii soco ilaa iyo Jawaari waxaa uu sitaa Passapor Nowegian halka inta r/wasaare ee dalka soo maray aay wateen jinsiyado kala duwan sida C/weli Sheekh julka uu watay passapor Kanada sida oo kale Saacid waxaa uu sitay Kenyaan iyada oo la ogyahay in C/weliga Puntlandna uu sitay USA sida oo kale Maxed Cabdullahi Farmaajo uu watay Passapor USA r/wasaaraha maantana uu sito Passapor Kanada ah sow lama dhihi karo dal ba "ow yaa ku leh ????

Nin walbaa oo xildhibaan ah caruurta iyo xasaska aay qabeen waxeey ugu soo tageen Yurub,USA,Kanada ama dalalka deriska ah sida Kenya iyo Jabuuti,side Somali wax ugu sugtaa kuwa gabay waajibkii ilaah saaray ee aheeyd xanaaneeyta iyo badbaadinta kuwa dhabarkooda ilaah ka soo gooyay,waxaa la dhahaa waxii la qaariyaba qaawisaa timid ,waxaa haboon in dalka kuwa u soo shaqo tagay in il gaarah lagu fiiriyo,dastuurka qabyo qoraalkana lagu daro in qof sitaa Passapor aan Somali aheeyn xil loo dhiibin,dalka waxaa uu ka dagi la yahay kuwa qurbaha ku raagay jecelna in aay u shaqeeyaan dalalka aay u soo dhaarteen,Norwey waa dalka bixiya mushaarka xildhibanda dowlada federaalka Jawaarine lagama yaabo in uu ka horimaado marna danaha fog ee Norwey sabbabta oo ah waxaa uu sitaa jinsiyada Norwey sida oo kale wax ka dagaalamaya buuraha galgala dowlada USA waxaay u aqoon santahay in C/weli M Gaas uu yahay ninka u maamula Puntland,Shariif Xassan waxaa uu sitaa Passapor Jabuti halka Axmed Madoobe uu sito Passapot Ethiopia dal ba”ow yaa ku leh ??

Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip