HESHIIS XUDUUDEEDKA DOWLADDA MAXAA XIGA ( MAQAAL )

0
Friday April 10, 2009 - 20:58:25 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HESHIIS XUDUUDEEDKA DOWLADDA MAXAA XIGA ( MAQAAL )

    Guuxa Dadweynaha iyo Dareenka Caalamka waa taageerada ugu horeysa ee ay ku hana qaadi karto Dowlad kasta oo adduunka ka dhisan, islamarkaana ay ku dumi karto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guuxa Dadweynaha iyo Dareenka Caalamka waa taageerada ugu horeysa ee ay ku hana qaadi karto Dowlad kasta oo adduunka ka dhisan, islamarkaana ay ku dumi karto.


Maanta oo ay Somalia gashay jawi ka duwan widciyadii horey usoo maray mudada 20-ka sano ah, ayaa Dowladda cusub ee Madaxweynaha looga dhigay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo kusoo biiray Siyaasadda Somalia Laba sano ka hor, Inkastoo ay ka kalsooni badan tahay Dowladihii ka horeeyey marka loo eego taageerada shacabka, hadana waxa ay guda gashay mawjado maldahan oo ka waaweyn kuwii ay horey u dhex-dabaalan jireen Dowladihii hore.
 
Dowladdan Midnimada Qaran ee la isugu keenay dhammaan xubnaha ugu tunka weyn Somalia ee Siyaasadu madax-martay iyo urur-diimeedyo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda koowaad ee ay ka filayeen waxa ay tahay in ugu horeyn ay ka bilowdo hawlaheeda ugu horeeya Dib u heshiisiinta sida ku cad Chatter-ka Dowladda.
 
“Dowladda cusub ee Somalia wali waa curdun, KMG ah, waxyaabaha looga baahan yahay waa inay ugu horeyn ka shaqayso ukala dab-qaadida beello hoosaadyada is khilaafsan iyo kooxaha isdiidan ee Somalia ay ka degi la’dahay 20-ka sano, ee ma ahan inay hadda ku af-bilowdo heshiis qeyb ka mid ah xaduudaha ama xeebaha Somalia lagula wareegayo, bal eeg Heshiiska ay la gashay Kenya waxa uu ogolaanayaa maanta in intaasoo mile ay gudaha usoo gali karto Xeebaha iyo Xaduudaha Somalia, waa markale tan iyo 1965-kii oo heshiis Kenya dhulkeena u fasaxaya loo ogolaado, ka dib xilligii NFD, Waa nasiib darro naxdinteeda leh runtii” Sidaana waxaa fikirkiisa ku cabiray Cali Nuur Xasan (Cali Buufis) oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaalida ee ku nool Dalka Koonfur Africa.
 
Heshiis xaduudeedka Kenya, ka sokow waxaa shacabka Soomaaliyeed dhegahooda ka guuxaya warbixin lagu ogaaday in 13-ka bisha nagusoo fool leh ee May xeebaha Somalia laga kireyn doono Hay’ad ka tirsan Jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa, taasi oo Dalalka shisheeyaha u fasaxaysa inay sidii ay doonaan ka yeeshaan.
 
Docda kale Maraakiibta Dagaalka dalalka ugu awooda badan caalamka oo ay dul-heehaabayaan Dayaaradaha Qumaatiga u kacaya oo hawada ka taageeya, dhammaan waxa ay isku-garab dhaafaan xeebaha Somalia, oo haatan noqday kuwa ugu khatarsan caalamka, ka dib markii ay ka dilaaceen Dablay bariga ka gudubtay oo Badda u tallaabay, kuwaasi oo khafaalasho u gaysta Maraakiibta isaga kala goosha Biyaha ku teedsan xeebaha Somalia.
 
Todobaadkan Xeebaha Somalia, waxaa ka dhacay weeraradii ugu badnaa abid ee ay Burcad-badeeda Soomaalida la beegsadaan Maraakiibta Shisheeye, iyagoo ilaa 6-Markab oo kii ugu dambeeyey laga lahaa dalka Denmark, islamarkaana siday 21-Bad-maaxiin Maraykan ah uu gacanta u galay, iyadoo Markab dagaaleed gurmad ahna uu gaaf-wareegayo haatan.
 
Hadaba su'aasha meesha taala ee qof kasta maankiisa ka guuxaysa daah inagama saarna si fudud aad u dhigno (HESHIIS XUDUUDEEDKA DOWLADDA MAXAA XIGA ? ) Shacabka qaarbaa qaba hadiiba maanta xaduudihii 20-ka sano iska dayacnaa loosoo jeestay in Dowlado kale loo ogolaado in barina ay dhici karto in dalka oo idil si tartiib-tartiib ah uu gacanteena uga baxo oo gacan shisheeye galo, qaarna waxa ayba ku doodayaan Burcad-badeeda ayaa difaacayaasha dalka iyo badaha ahaa iyagana maanta Diiradda caalamka ayaa la tusay oo waatan loosoo Bira-tumanayo ciribtirkooda.
 
Madaxda Dowladda min Madaxweyne ilaa Xildhibaan, waxa ay maAnta matalaan Mansiirka Umadda Soomaaliyeed, waxa ay ka midaysan yihiin in xeebaha Somalia iyo khatarta Burcad-badeeda wax laga qabto, inkastoo ay xubnaha Baarlamanka qaar sida Caasha Axmed C/dalla ay qabto fikir ah inaan Baarlamanku ansixin doonin heshiis caynkan oo kale ah oo ay ku tilmaantay Qayaano Qaran, Hadana heshiiskan ayaa looga fadhiyaa inay Dowladda si rasmi ah tafaasiil uga bixiso waa hadiiba ay jirto ujeedo ay shacabku ku qanci karaane !!!. Balse Dowladdan Cusub ayaa la oran karaa waxa ay ku sifowday Oraahdii Soomaaliyeed ee Oranaysay (SOCON WAYNAYEE AAN ORODNO !!!).
 
 
Qore : C/risaaq C/laahi Maxamed
Indhojaceel2003@hotmail.com
Cape Town, South Africa.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip