Jaaliyada Soomaalida Norway oo Baroor diiq usameesay Kadare (Sawiro)

0
Sunday February 08, 2015 - 04:54:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Soomaalida Norway oo Baroor diiq usameesay Kadare (Sawiro)

    Munaasabad loogu baroordiiqayay aqoonyahankii ahaa udub dhexaadka dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee Dr Xuseen Sheekh Axmed Hilowle Kaddare oo 1da bisha febraayo ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Skien ee dalka Norway

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad loogu baroordiiqayay aqoonyahankii ahaa udub dhexaadka dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee Dr Xuseen Sheekh Axmed Hilowle Kaddare oo 1da bisha febraayo ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Skien ee dalka Norway
Ugu horeeyntii ayaa waxaa furay barnaamijkan baroordiiqda ah Cumar Ciise Jebshe oo ka mid ahaa dhalinyadii soo qabanqaabiyay baroordiiqda. Waxaana dababadeedna taariikhdii marxuumka oo qoraal ah ka faalooday fanaanka caanka ah ee Soomaliyeed Bashiir Cali Xuseen oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Skien. Bashiir ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikhda marxuumka iyo waxqabadkiisii.Baroordiiq Norway loogu sameeyay Dr. Xuseen Sh. Kaddare:

Indheergaradkii ka hadlay munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Wali, Cabdi Siciid, Maxamed Macalin Callas , Cabdiraxmaan Xandulle, Faadumo Guulleed , Bashiir Cadceed , iyo Qorshe ayagoo dhamaantood ka tacsideeyay geerida naxdinta laheyd ee ku timid Dr Kaddare waxeyna carrabka ku wada dhufteen halgankii dheeraa ee uu Ditoorka usoo galay horumarinta iyo qoristii far Soomaaliga , waxeyna ku boorriyeen umadda Soomaaliyeed in ay ku dhaganaadaan dhaxalkii uu kaga tagay marxuumka ayna hidaha iyo afkooda baraan carruurtooda.

Intii ay socotay baroordiiqdu ayaa waxaa sidoo kale jaaliyadda ay maamuustay dhigaalkii suugaaneed ee Dr Kadare iyadoo halkaasi laga aqriyay qeyb ka mid aheyd buuggii caanka ahaa ee Waasuge iyo Warsame ee uu qoray marxuum Kadare Allaha u naxariistee.
Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Telemark ee dalka Norway ayaa si lama ilaawaan ah u xustay marxuum Xuseen Sh, Axmed Kaddare waxeyna Alle uga baryen inuu qabrigiisa waasiciyo jannatul fardowsana ugu bishaareeyo, iyagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ee ku baxay abwaanku.

Abdullahi Muxiyaddiin
Abdul Arts
abdularts@hotmail.com




bashiir

baroordiiq-kadare-2

baroordiiq-kadare-7

baroordiiq-kadare-1baroordiiq-kadare-8 baroordiiq-kadare-10baroordiiq-kadare-4baroordiiq-kadare-5baroordiiq-kadare-11baroordiiq-kadare-12baroordiiq-kadare-6


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip