Waxaanu leenahay Dawlad, Dawladina waxay saas ku tahay in ay maamusho Dalka ay u taagan tahay arrimaha gudaha iyo dibeddaba macna
Ha ay maamusho wixii xiriir caalami ah.
Waxaa nasiib darro ah in dad fara badan oo isku sheegaya dad waayeeyn oo misaha xil u haya Ummaddan In ay la yeerayaan waxaa nagula sameeyay qayaano Qaran oo waddankeen Nii ayaa meelo laga iibsaday oo qayb ka mid ah baddeenna ayaa dawladda Keenya laga gatay; waxaan la yaabbanahay oo caqli ka wayn in dad isku sheegaya in ay wax garad yihiin ku xisaabtamin in warka shirka lala soor tagaayo in mas’uuliyaddeeda uu leeyahay.
Waxyaabaha Dawlad la’aanta ay keentay waxaa ka mid ah in maanta qof walibo oo iska sheegayo wuxuu
Rabo.
Waxaa ay garan la’yihiin in dambi wayn u yahay in qof ma’uul ah
La yiraahdo qiyaamo qaran ayuu galay.
Erayga qiyaamo qaran waa wax Aad u culus ee qofkii ay ku caddaato uu saas ku wayn karo muwaaddin nimadiisa iyo xitaa naftiisa. Qofkaasi kaba sii daran hebel ee ah madax qaran ayaa galay qayaamo qaran waa wax aad u culus waxaana la rabaa Qofkii ay ka soo yeertay in uu dhabarka u rito mas’uuliyaddiisa. Qofka Baniaadamka dambi waa gala laakin dambiile lama dhihi karo ilaa inta Maxkamad la soo taasoo oo lagu caddeeyo falkii uu galay kuna dhaco sidaasi xukun maxkamadeed ayaa waa dambiile la dhihi karaa .
Waxaan leenahay Maxadxwayne, Ra’iisul Wasaare, Gole Wasiirro iyo Barlamaan; waxay u qaabilsan yihiin hawlo is leh oo haddana la kala Leeyahay go’aamitoodana heerka ugu dambeya ee anxsixinta uu leeyahay Baarlaanka meena u fadhiyo kaasoo la hor geynayo si uu u ansixiyo una Meel marto.
Haddaba wadaad ka mid ah wadaadaa cusub ee ayaamahan la hadal haayo ayaa inta meel soo istagay si mutuxan u cambaareynaayo Dawladda sameynaayana isku dirmo iyo kala geyn Madaxda Dawladda iyo Shacabka ; waxaa la yiri SI XUN WAX U SHEEGE SIXIROOLE WAA KA DARAN YAHAY; wadaadkaan iyo kuwo badan ee ayagana leh culumo ayaana nahay waa kuwa waddanka Ka dagi waayay oo maalin walbo shaqo ka dhigtay in marna dagaal ooga, marna Shacabka been abuur u akhriyan.
WAABA BARKII U BILNAA waxaa soo shaac baxay wax ay ayaamahan ku adeegtaan waa arrinta baddaa la iibsaday. waxaa la filayay isu soo dhowaansho iyo xal in la helo haddana sidii caadada ahayn meel uun ay wa ka keenayaan si ay u billaabaan tafaraaruq iyo is dil.
Waxaan maqli jiray haddii la tago aakhiro oo loo kala baxo ahlu janno iyo ahlu naar waxaa aad u badanaaya alhu naarka wax lagu ridana wadaad ayaa u horreeya.
Runtii wax soo arkay in wadaad cadaabka u horreeyo ma Jiro laakin xigmo ayaa ku jirta taas ayaana ku rumeynayaa warkaasi; wadaAdka asagoo aqoon u leh xaqa iyo baadilka ayuu ku tumanaa wixii uu yaqaannanay oo laga rabay kow in uu ka digtoonaado ummaddana uga Dhigo.
Waxaa nagu ah amour cusub caalamkana meel ay ka jirto aysan jirin Waddan xor ah oo Dawlad dhistay ee haysta kalsoonida shacbkiisa oo Hergel iyo hoyaad, deggenaansho, adeegyada xaqa ay u leeyihiin , sharafta Muwaaddin u leeyahay ka hanan waayeen niman isku sheegaya in ay culimo yihiin.
Waxaan xusuustaa mahmaah dheheysa “ HASHA CAANO DIID
HADDAY RABTO MAQAARKAY MEELO DALOOLO KA DAYDAA.
Waxay qabaan cudur ah dawlad diid, waxay qabaan hanqal tag siyaasadeed
Ee uma danaynayaan Ummaddan silica iyo nolosha haysata ee ah dadkoodii.
War niman yahoow maad akhrisaan wararka maad daawataan waxa haysta
Wiilashiinii, dhallintii dalka oo dagaal sokeeye gaajo iyo cudur ka eryay dalkoodii; Ilmaheenni waxay ku dhammaadeen badaha iyo saxaraha si ay u Helaan nolol; Waxay marayaan dhul saxara lamadegaan ah geed lagu harsado lahayn kulaylkana 50 C dhaafayo, waxay safar iyo socdaal galayaan ayagoo markoodi hore dhiif ka muuqatay ma garanayaan in ay adag tagay si looga gudbo markaaseey safarkii dhexdiisa ku le’enayaan kuwii badda gaarana soidaad ogtihiin badda ayaa dhammeys tirta.
Sidoo kale gacanka cadmeed meeqa ayuu naga qabaa xisaab ma leh walina waala socdaa oo Dalkoodii waa ceshan waayay. War Ilaahay ha laga cabsado, dagaalka saba
Baya qaxa cudurka iyo gaajada iyo barakaca waa ka soo daashay Ummadda
N wallee uma noqo.
Ha sababina in Soomaaliya dadkeedii noqdaan kuwa dagaal ku dhammaaday, kuwo badaha iyo saxaraha ku dhammaaday saana Ay ku noqoto Dal aan Dad lahayn.
Waxaan la yaabbanahay kuwa dhahaya waa wareey qiyaamo qaran ayaa nalagu sameeyay, waa sida la yiraahdo daanyeer dabadiisa uma jeedo e tan midka kale ayuu u jeedaa ( waa ka xumahay mas’alada laakin nin aan dadkiiSi u naxay muxuu daanyeer dhaamaa ? ) maxaayeelay maxaa ka wayn inta Soomaali ah oo xaqdarro u dhimatay, inta barakacday eek u sharaf la’ dunida dacalladeeda, inta u dhimatay gaajo iyo cudur inta dhalan rogantay Oo dhiig in ay maalin walbo daadiyaan u taagan oo dagaal ku dhashay ku indha fure aannan aqoon qori maahine wax kale.
War nin yahoow na daa war wadaad hebeloow na da war abuu hebeloow na Ilaahan idinku dhaarshee NA DAAYAY, waxaan doonaynaa in Dawladdayna ay noo hana qaado, mugdiga uga baxdoiftiin, sharaftii Qarankeennii luntay la soo celsho Ummadda neefsado oo booga dhayato, laysu soo haajiro oo midnimo helo.
Burba buur ay ku tustaa Dawladdani noo noqoto mid aan ku gaarno tii
Shacabka toos u soo dooran jireen.
ILAAHOOW AQBAL ILAAHOOW AHEEY
WA BILLAABI TOWFIIQ.,
Waxaa qortay
Faduma Axmed Maxamuud Cadde
( Qoorwayne )
WAA BERKII U BILNAA DAWLAD DIIDKA ( MAQAAL )
Waxaa ayaamah socda oo buuq fara badan dhaliyay arrin ku saabsan heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Keenya ee ku saabsan xuduudaha badda Indian Ocean .