Xasan Shiikh oo Weerarkii Wasaarada Tacliinta Ku Tilmaamay Mid Fashilmay

0
Wednesday April 15, 2015 - 06:28:49 in Wararka by
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Shiikh oo Weerarkii Wasaarada Tacliinta Ku Tilmaamay Mid Fashilmay

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay kooxda argagixsadu maanta ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay kooxda argagixsadu maanta ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu.
Madaxweynuhu wuxuu dhambaal tacsi ah u diray dhammaan qoysaska, ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa iyo askartii maanta ku geeriyooday weerarka. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u rajeeyay dadka dhaawaca ah in Ilaaheey u bogsiiyo si dhakhsa leh.

Wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyay ciidammada amniga ee Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM oo si geesinnimo leh u daafacay shacabka Soomaaliyeed kana hor istaagay kooxda argag-gixisada ahi in ay ku guuleysato danaheeda gurracan.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in weerarka ay Shabaab ku qaadday Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta oo qaabbilsan waxbarashada iyo tarbiyada ubadka Soomaaliyeed uu astaan u yahay sida ay kooxdani u marin habowsan tahay.


Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Cadaado, wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka feejignaadaan tabaha kooxdan marin habowsan isla markaana ay iska kaashadaan, dowladda ay gacan ka siiyaan si Soomaaliya uga gudubto weerarrada lagu gumaadayo shacabka loogana hor istaagayo horumarka.

DHAMMAAD

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip