Al-shabab oo Macalimiin keenyaan ah mandera ka Afduubtay

0
Saturday April 25, 2015 - 14:07:34 in Wararka by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab oo Macalimiin keenyaan ah mandera ka Afduubtay

    Dablay la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa kasoo afduubtay magaalada Mandera labo macalim oo iyagu barayaal ka ah Iskuul ku yaala gobolka Waqooyi bari Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dablay la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa kasoo afduubtay magaalada Mandera labo macalim oo iyagu barayaal ka ah Iskuul ku yaala gobolka Waqooyi bari Kenya.
Gudoomiyaha Mandera Alex Nkoyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Kenya dhacdadaasi iyo in macalimiintaasi ay barayaal ka ahaayen dugsi Hoose oo ku yaala Magaalada waxana gudoomiyaha uu diiday inuu shaaciyo magacyada macalimiinta.

Alex Nkoyo ayaa shaaca ka qaaday in wali baaritaan ay soconayaan oo dhacdaasi la xiriirta,macalimiinta Al-shabaab ay soo afduubteen kama mid aheyn dadka degaanka sida uu sheegay gudoomiyaha Mandera.

Dablayda ayaa macalimiinta si fudud ugala baxay guri ay kaga sugnaayen Mnadera kuwaasi oo si dhaqsi leh loogu soo kaxeeyey dhinaca Soomaaliya.

Dhacdadaani ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay Xarakada Al-shabaab ay gowraceen sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Mandera Mkutar Otieno oo meydkiisa laga helay magaalada Bardhere kadib markii la bixin waayay lacagihii ay dalbaeed Xarakada oo gaareysay 4Milion oo lacagta Kenya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip