Gaasow aaway malleeshiya beeleedkii maanta?

0
Tuesday May 05, 2015 - 23:37:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaasow aaway malleeshiya beeleedkii maanta?

    Ma xasuusataan aaskii RW hore Cabdisiraaq Xaaji Xuseen? Ka sokow, in Gaas isku dayey inuu qabyaaladeeyo duugtiisa iyo aaska qaran ee loo samaynayey, haddana, wuxuu caasimadda Muqdisho oo bilo ka hor Xildhibaan, RW iyo Wasiir ka soo noqday ayuu ku yim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma xasuusataan aaskii RW hore Cabdisiraaq Xaaji Xuseen? Ka sokow, in Gaas isku dayey inuu qabyaaladeeyo duugtiisa iyo aaska qaran ee loo samaynayey, haddana, wuxuu caasimadda Muqdisho oo bilo ka hor Xildhibaan, RW iyo Wasiir ka soo noqday ayuu ku yimid, asoo wata malleeshiyo beeleed hub muuqda ku raran, oo uu kala yimid bari.

Markaa kaliya ma dhicin, ee wuxuu sidoo kale yeelay mar kale oo uu tagay Muqdisho bilo ka hor asoo sidii oo kale malleeshiyo beeleedkii la socdaan.

Ku darsee, mar uu Kismaayo tagay oo uu Axmed Madoobe ku booqday sidii marka uu Xamar tagay malleeshiyo hubaysan sida muuqatay lama socon.

Maanta oo uu Muqdisho tagay, inaysan la socon malleeshiyo beeleedkii ka sokow, wuxuu ku hungoobay inuu kulan kula qaato Nayroobi John Kery, oo safaaradda Amrika u diidday, asoo waliba muwaadin Amiirikaan ah, haddana, looma qabyaaladayn sida asaga uu yeeli lahaa, oo malaha lagu yiri; haddaad rabto inaad aragto John Kery Xamar ayaa noo ballan ah iyo marka uu Xasan la soo kulmo!

Sidaa ayuu Xamar ku yimid malleeshiyo beeleed la'aan, haddii kale asoo John Kery ka hub badan ayuu imaan lahaa!

Isweydii; ma John Kery mi yuu ka karaamo badan yahay? Ma ka xil iyo xushmad badan yahay? Ma darajo sarreeyaa?

Haddii Soomaali kaa oo kale aqoon yahan iyo u yahay barfasoor, nabee waxaan nahay bulsho ba'day!


Xigasho, Bashiir Maxamed Xirsi
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip