Qablaayadda Aaan Xaduud Laheyn,Qarinnimadda Soomaaliya Siddeey Isku Qabanayaan ''Qormo''

0
Monday May 11, 2015 - 06:35:20 in Wararka by
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qablaayadda Aaan Xaduud Laheyn,Qarinnimadda Soomaaliya Siddeey Isku Qabanayaan ''Qormo''

    Waxaa jirta halis haddii aan laga gaashaamanin sidii Black Hole u liqi doonta QARANNIMADA & MADAX BANAANIDA SOMALIA, maxay tahay hadaba?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jirta halis haddii aan laga gaashaamanin sidii Black Hole u liqi doonta QARANNIMADA & MADAX BANAANIDA SOMALIA, maxay tahay hadaba?
Hagaag, waxaa haddii aan wax laga qabanin lagu guulaysan rabaa in la furfuro awooddii dhexe ee dowladda Somalia, midnimadii umadda iyadoo sidii la filayayna aan awooddii loo ergaynaynin gobollo u dhisan qaab xalaal ah oo iyagoo federal ah ka amar qaata dowladda dhexe, balse loo dhiibayo nidaam qabyaalad lagu dhisay oo dhantaalaya isla wadanka, maxay taasi durba dhashay?

Waxay dhashay in ay cadowga oo arrintaa ka faa’iidaysanaya ay nagusoo dhex galaan kaadhka qabiilka iyagoo nidaamka GOBOLLADA ee la qaybaaladeeyay kusoo darsanaya canaasiir ka shaqaynaysa DANAHA qaran ee dalalkaasi balse dadkeenna ay qabyaaladdu indha tirtay kula jooga ‘’Waxaan ahay reer HEBEL’’, tusaale ahaan nin haysta dhalashada isla markaana deggan dal ka mid ah kuwa deriska ah ayaa wuxuu isu soo taagayaa inuu madaxwayne ka noqdo waxan lagu sheegayo maamul-goboleedyada isagoo ujeedkiisu yahay fulinta qorshayaal CAYIMAN oo loosoo igmaday, sida qaybinta umadda, helista sirta qaran IWM.

FARQIGA SOOMAALIDA & SOOMAALIYA.

Markii ay gumaysiga Yurub ay kasoo degeen degelka Soomaaliyeed waxay Somalia u kala jarjareen qaybo ilaa 5 gaaraya, sidaa darteed xornimo-beenaadkii kadib waxaa abuurmay SOMALIA oo aysan ku wada hoos jirin SOOMAALIDU balse ka koobnayn 2 ka mid ah shantii guud, lkn qabyaaladda iyo fahamka nidaamka dowliga ah oo aynaan si wanaagsan u fahamsanayn shalay iyo maantaba, waxay keentay inuu qof kasoo jeeda gobollada hoos taga nidaamyada dalalka derisku ay xilal ka qabtaan Somalia iyadoo lagusoo dhowaynayo magac qabiil.

Dabcan arrintaas waxaa ku hoos jirtay iyana aragti samaddoon ah oo ku salaysan in maadaama ay dadkaasi yihiin Soomaali loo arkayay in la haysto in lasoo dumo, maadaama Somalia loo arkayay raaska ruuxiga ah ee reerka Soomaaliyeed, sidoo kale way jireen askhaas gumaysi diid ahaa oo ay ka daacad ahayd inay u shaqeeyaan Somalia halkii ay gumaysi hoos joogi lahaayeen.

HADDA MAXAA ISBEDELEY SIDEESE ULA JAAN QAADI KARNAA?

Weli ma qabo in laga tanaasulo midnimadii umadda Soomaaliyeed min Jabuuti ilaa Gaarisa, waxaase khasab ah in misna lala yimaado istaraatijiyad bisil oo ku aaddan sida loola dhaqmayo duruufaha haatan abuurmay iyo dadka laba shaarraha ah guud ahaan, gaar ahaan kuwa hoos taga dalalka deriska ah, tan iyo inta lasoo celinayo haddii ay suurtagal noqoto ama laga quusanayo.

Tusaale ahaan, waa inuu jiraa xeer kala caddaynaya cidda xil ka qaban karta Somalia iyo sidoo kale hab-raac lagu ogaado horta waxa uu yahay qofkan xilka loo dhiibayaa, xilkaasi ama ha ahaado heer qaran, ama heer degmo iyo wixii ka hooseeya, waana arrin aan ujeedinayo xildhibaannada Soomaaliyeed inay ku baraarugaan oo ay sharci ka diyaariyaan.

Ujeedku ma aha in la diidayo qofkii Soomaali ah ee ama ku noolaanaya ama wax ka baranaya ama ka shaqaysanaya Somalia ee gobolladaas kasoo jeeda, lkn markii aan arkay nin shalay u sharraxnaa maamul-goboleed Somalia haatan ka tirsan, misna maanta aan arkay isagoo sita calanka Itoobiya waxaa ii muuqatay halista ay arrintaasi u leedahay amaanka qoowmiga ah, degannaanta siyaasadeed ee dalka iyo xitaa madax banaanideenna.

QABYAALADDA AAN XUDUUDDA LAHAYN!

Sida muuqata arrintani waa halis, (in yacni qabyaaladdii ay ka mudnaanto HAYBTII QARAN (National Identity) lkn lagu xalaalaysanayo magac qabiil, waxaan soo jeedin lahaa in inta wax fahmaysaa ay u ololeeyaan in qabiilku ku ekaado waxa uu yahay oo ah in la isku aqoonsado, balse aan la aqbali karaynin reer hebel baan nahay oo xagga iyo xaggaba dega ee xilalku way u dhexeeyaan oo ah micne yaraan aad u wayn iyo arrin sahlaysa in dalka la qaybiyo iyo inaynaan weligeen yeelanin qorshayaal iyo hayb qaran Somalia la yiraahdo.

Tan kale ilama aha inuu jiro ama wuuba yar yahay qabiil Soomaaliyeed oo aan xagga iyo xaggaba degin, lkn waa inaan ku dhaqannaa murtidii ahayd; ’’OODI AB KA DHOW’’ oo intii aan raadin lahayn nin aynaan isu dhowayn degaan ahaan iyo dan ahaan, laga shaqeeyo isku xirka kuwa isla deggan ee wiil iyo abtigii ah noloshooduna ay maalin kasta isa saamaynayso, tusaale ahaan Gaalkacyo ayaa qaybsan, dalkuna sidoo kale wuuu qaybsan yahay iyadoo lagu qaybiyay/lagu qaybinayo xuduudo ku salaysan aragti gaaban oo qaybaaladeed.

Hogaanka dalka laftoodu weli ma muujinin inay dareensan yihiin daafadda iyo muhiimadda ay arrintani leedahay, waayo haddii ay sidan kusii socoto waxaa imanaysa inaysan xitaa jirin xuduud kala xiraysa dalalka aan deriska nahay oo aan awalba ku tuhmaynay dhul naga maqan iyo intii yarayd ee xorta noo ahayd, waayo inta aadan wax dheeraad ah doonin waa inaan horta meel ku hubsataa inta aad haysato waa tii la yiri; ’’Miro gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadsho’’.

Midda kale haddii ay shalay jirtay in Soomaalida ay dalalkaasi haystaan ay u ololayeen ama u ololaynayeen inay Soomaali Wayn kusoo biiraan, maanta waxay u egtahay taa caksigeeda oo dad badan baaba hadda iyagoon meel dheer wax ka eegin waxay si qarsi la’aan ah u caddaysanayaan in lala galo gumaysigii ay iyagu ku jireen oo Soomaalida xorta ahna lafteeda la gumeeyo, hal sabab oo aannu rabitaankoodaas gurracan ku aqbali karnaana waa annagoo xilal u dhiibanna dadka noocaas ah oo ku shaqaynaya ajende uu cadowgu maamiyay, balse annaga nagusoo gelaya halku dheggan cusub ee ah ’’QABYAALADDA AAN XUDUUDDA LAHAYN’’.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip