Xili Dowladda Kenya ay Shaaca ka Qaday in ay Darbi Dheer oo ay Kaga Hor Tageeyso Weeraradda Al-shabab ka Dhiseeyso ayaa Waxaa ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Sheegtay in ay Gudi Sameeyneeysa La Socda Arimaha xaduuda
Warar Hoose oo ay Heleeyso Warsheekh ayaa Waxaa ay Muujinayaan in Ay Dowladda Soomaliya Shalay Magacaawday Guddi Xalaaleeyso xaduuda Kenya kusoo Xad Gudbeeyso
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/raxmaan Odawaa ayaa xusay in Ujeedka Gudiga u dhiseen uu yahay inay so dhaw ula socdaan, Ishana ugu hayaan Darbiga Xadka laga dhisayo, si aysan u dhicin inay Kenya kusoo xadgudubta Dhulka Soomaaliya.
Gudigaani Magac U Yaalka U Muuqda Ayaa Waxaa ay ka Kooban Yihiin Xubno kasoo Jeedda Degmooyinka Gobolka Jubbadda Hoose Islamarkaana Xariir Dhaw la leh Dowladda Kenya
Warar dhawaan soo baxay ayaa waxay sheegayaan in Kenya ay Gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Beled-Xaawo ay ka samaynayso Darbiga, iyadoo Maamulka Gobolka Gedo & Shacabka ay qaylo dhaan xoogan ka muujiyeen.
Kenya Ayaa Waxaa La sheegay in ay Xaduuda Darbigga ka Dhiseeyso in ay Dooneeyso in ay Dhul Hore Uga Hanatto Soomaaliya Iyadoo Dowlada Soomaaliya ay U Muuqatto Mid Taageereeyso Arinkaasi
Waxaa u Xusid Mudan in Wali uu Taagan Yahay Muranka ku Aadan Badda oo ay Kenya Dooneeyso in Loo Gacan Galiyo Iyadoo Hadda Dhulkii Hadana usoo Dhigatay
Dowladda Soomaaliya oo Xalaaleeyneeyso Xad-Gudubka Kenya Ee xaduudda''Warbixin''
Xili Dowladda Kenya ay Shaaca ka Qaday in ay Darbi Dheer oo ay Kaga Hor Tageeyso Weeraradda Al-shabab ka Dhiseeyso ayaa Waxaa ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Sheegtay in ay Gudi Sameeyneeysa La Socda Arimaha xaduuda