Daawo ''Vedio'Zakariye Ismaaciil'' oo sheegay in uu Siyaasad Ku Biiri Doono''Wareeysi

0
Wednesday May 20, 2015 - 11:38:57 in Wararka by
  • Visits: 1630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo ''Vedio'Zakariye Ismaaciil'' oo sheegay in uu Siyaasad Ku Biiri Doono''Wareeysi

    Sarkaal horay oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka oo Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay, ayaa markii ugu horeysay bixiyay Wareysi uu kaga hadlaayo arimo kala duwan. Maxaa kuugu qasbay inaad kasoo baxdo Alshabaab?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal horay oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka oo Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay, ayaa markii ugu horeysay bixiyay Wareysi uu kaga hadlaayo arimo kala duwan. Maxaa kuugu qasbay inaad kasoo baxdo Alshabaab?
Wax walbaa qalad ayay noqdeen, ujeedadeena marka hore waxay aheyd in la xureeyo wadanka, qaasatan wadamada deriska la ah , hadda laakiin waxaa loo rogay in la fuliyo falal argagax ah, dambiyo abaabulan oo kale, waana kasoo horjeeday taas.

Sidaasi daraadeed waad taageersan tahay Ahdaaftooda, laakiin waad kasoo horjeedaa hab dhaqankooda?


Bilowga ahdaafta la lahaa waxay aheyd in la xureeyo dalka oo laga saaro wadamada ku soo duulay, si wadanka loo badbaadiyo oo mar labaad dib loo dhiso, laakiin taasi qalad ayaa loo badalay ,

Maxaad jeclaan laheyd inaad dhahdo saaxiibadaadii hore?

Saaxibadeyda hore waxaan leeyahay joojiya ficilada qaar, sida bartilmaameydka rayidka, kaasi ma ahan wax sharci ah Waxaan leeyahay haddii ay sameynayaan waa iney askar ahaan u sameeyaan oo caalamka laga aqoonsan yahay , laakiin beegsiga rayidka ee ku nool goobahaada waxbarashada, jaamacadaha waa mid aan sharci aheyn, sidoo kale Dowladda wada hadal la gala.

Intii Dowlada aad la joogtay Alshabaab waxay weerareen jaamacada Gaarisa oo 148 ku dhimatay, Muxuu yahay fal celintaada?

Xaqiiqdii waan ka naxay, ma ahan taasi wadada saxda ah, sida in arday jaamacada ku jirta, sida aniga oo kale waan xasuustaa sidaan ahaa markaan jaamacada dhiganaayay, arday heysata bug iyo qalin ma aqaan waxa loo eeganayo, waxaan dhihi karaa gabi ahaanba waa qalad.

Ilaa iyo hadda xiriir intee la eg ayaa kaala dhaxeeya Alshabaab.?

Wax xiriir ah lama lihi iyaga waxay ii heystaan inaan qof aan wax aaminsaneyn, waxay I leeyihiin "Murtad”, sidaasi daraadeed wax xiriir ah lama lihi.

Ma iney ku dilaan ayay doonayaan?

Haa wey isku dayayaan iney I dilaan

Ma dareemeysaa amaan?
Haa hadda waxaan dareemaa inaan amaan heysto.

Sidee dowlada kuula dhaqantay?

Si wacan ayay iila dhaqmeen waxay iisoo dhaweeyeen habka ugu wanaagsan, waana uga mahad celinayaa soo dhaweynta dowlada isiisay.

Hadda halkaan ayaad jogtaa, maxaa kuugu xigi doonaa, Miyaad Mustaqbal heysataa?

Haa waan heystaa mustaqbal, waxaan aaminsahay inaan heysto mustaqbal ifaya. Oo wadanka ayaan doonayaa inaan badbaadiyo.

Ma siyaasi ayaad noqoneysaa?

Een ilaa hadda maanan qorsheyn laakiin sidaas ayay u muuqataa!
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip