MUDULOOD : KURDIYIINTA CUSUB EE SOOMAALIYA CEELNA UMA QODNA CIDINA UMA MAQNA.

0
Sunday May 24, 2015 - 00:28:34 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUDULOOD : KURDIYIINTA CUSUB EE SOOMAALIYA CEELNA UMA QODNA CIDINA UMA MAQNA.

    Hormuudnimadii ama hogaamintii siyaasadeed ee mudulood ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed qarniyadii lasoo dhaafay waxey u muuqataa in ay si fudud ku bur bureyso sababtoo ah isbadel weyn oo ku dhacay dhaqan siyaasadeedki beesha 25-kii sano ee lasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hormuudnimadii ama hogaamintii siyaasadeed ee mudulood ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed qarniyadii lasoo dhaafay waxey u muuqataa in ay si fudud ku bur bureyso sababtoo ah isbadel weyn oo ku dhacay dhaqan siyaasadeedki beesha 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Mudulood oo door muhiim ah ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo dagaalkii lala galay gumeystayaashii Ingiriiska iyo talyaaniga lehna degaan baaxad leh oo xiriirsan WAAXWEYN IYO WAADI kaas oo qani ku ah XOOLAHA NOOL, KALUUN , DHUL BEEREED , kuna keydsan yihiin SHIDAAL iyo MACDANO kala duwan ayey hore ugu dhacday masiibo sababtay in aan wax horumar ah lagaarsiin degaanka 55-kii sano ee aan xornimada heysanay.

Majirto cid dafiri karta ama iska indha tiri karta doorka uu Mudulood 71kii sano ee lasoo dhaafay 1943 - 2014 siyaasada dalka waxaana markhaati cad kuu noqonaya in 8 madaxweyne oo dalka soo maray ay 4 mudulood u dhasheen , dhinaca kale 3-dii xubnood ee SYL hawiye kaga jirtay mudulood ayey u dhasheen , laakiin hada waqti mugdi ah ayaa u bilowday degaanka iyo waliba dadka mudulood..

Wajigii labaad ee loolan siyaasadeedkii u dhaxeeyay MUDULOOD iyo MADAR KICIS ( HABAR GIDIR ) ee isu rogay dagaalkii dhiiga badan ku daatay 17-kii November 1991 - 3 - dii March 1992-kii iyo heshiis la’aantoodii ayaa sabab u noqotay in qabiilo Soomaaliyeed iyo dowlado dibada ah ay soo jeediyaan fikir ah in la baabi"iyo awooda labada beelood lana helo cid kale oo bedesha hase yeeshee fikirkaasu wuxuu noqday mid ma dhaleys ah.

Mudulood Iyp Madar kicis ( HABAR GIDIR ) isma daba qaban wax heshis ahna ma gaarin waxeyse sii laba laabeen cadaawadii iyo loolankii siyaasadeed oo u dhaxeeyay maadaama aysan ku dhex jirin dadkii kala heyn jiray iskuna heyn jiray, mar kale ayey qabiiladii Soomaaliyeed iyo dalalkii dibada ee u ciil qabay Mudulood iyo Madar kicis kuna taamayay kala dhantaalida awooda siyaasadeed iyo tan ciidan ee labada beelood waxey soo bandhigeen qorshe ah in MADAR KICIS ( HABAR GIDIR ) MAJEERTEEN la hoos geeyo, MUDULOODNA 3 qeybood lakala raaciyo.

Waxaa jiray qorshe siyaasadeed oo EUROPE iyo MAREYKANKA ay wateen kaas oo ahaa in Soomaaliya lakala qeyb qeybiyo lagana dhigo imaarado yar yar oo qabiilo kala duwan u taliyaan si’ aan mar dambe loo maqal waxa la yiraahdo SOOMAALI WEYN, Bishii June 1996-kii Jeneral Maxamed Faarax Xasan ( CAYDIID ) wuxuu sheegay in uu jiro qorshe uu damacsan yahay Mr. Illing wakiilka EU Midowga Yurub ee Soomaaliya ee xiligaas qorshahaas oo ahaa in Soomaaliya 6 loo qeybiyo 6 calana loo sameeyo taas oo maanta si dhab ah usoo if baxday FIIRI ( SOMALI LAND, PUNTLAND, JUBA LAND , GALMUDUG STATE, HIIRAAN SHABELE STATE iyo KOOFUR GALBEED STATE ..

Oraahda uu soo bandhigay Jen. CAYDIID ee qeyb qeybinta Soomaaliya waxaa kasii horeeyay mid uu yiri macalin Yuhuuda Farance ah oo ka qeyb galayay dood ka socotay machadkii SIDAM sanadkii 1984-kii kaas oo yiri waxaad ka hadleysaan 5 Soomaali weyn mustaqbalka waxaad arki doontaan 12 dowladood oo Soomaali ah iyadoo mid ka mid ah 12-kaas dowladood uu xuduudkeeda mari doono duleedka degmada BALCAD badana uu ka galayo DEGMADA WARSHIIKH.

Hadalkii JENERAL CAYDIID 100% waa dhaboobay , kii macalinkii Yuhuuda France ahaa isagana wuxuu u muuqdaa mid suura gal ah sababtoo ah waxaa dhab noqday mid ka mid ah 12-kii dowladood ee uu sheegay ee xuduudeedu noqoneysay duleedka BALCAD badana ka galeysay WARSHIIKh taas oo ah dowlad goboleed HIIRAAN- SHABELE STATE.

Hadalkii Professorka Yuhuuda France waxuu u muuqdaa mid si buuxda u
dhaboobaya marka la fiiriyo sii qeyb qeybsanka kusii dhacaya 6-dii
qeybood ee EU iyo USA Soomaaliya u qeybiyeen, Bal fiiri SOMALI LANd oo
qabiilka Isaaqu xukunka maroorsaday wey sii kala jabeysaa iyadoo
qabiilka GUDA BIIRSI u qorsheysan tahay dowlad goboleed ka madax
banaan Somali land taas oo la magac baxday OWDAL STATE waxaana
bilowday guluf colaadeed oo uu hormuud u yahay Suldaan Wabar, dhinaca
kale KHAATUMU STATE iyo MAAKHIR STATE ee beelaha DHUL BAHANTE iyo
WARSANGELI iyana mar hore ayey cadeeyeen in ay Somali land ka madax
banaan yihiin, sidoo kale qabiilo badan oo la hoos geeyay qabiilo kale
ayaa iyana u xusul duubaya in ay sameystaan maamulo ay u madax banaan
yihiin taas oo markhaati cad u noqoneysa hadalkii macalinkii yuhuuda
france uu ka jeediyay dood cilmiyeed ka socotay Machadka maamul
horumarinta iyo maareynta soomaaliyedd ( SIDAM ).
Madar kicis ( HABAR GIDIR ) wey ka baxsadeen qorshihii ahaa in la hoos
geeyo MAJEERTEEN waxaana saaciday iyagoo sameystay maamulo kala
qoqoban oo qaar kamid ah la’aqoonsan yahay sida GALMUDUG, XIMIN iyo
XEEB iyo AHLU SUNAH, waxeyse nasiib daro balaaran ku dhacday MUDULOOD
oo ku jiray hurdo dheer oo SUURIS XAGAA ah wax maamul ah oo la
ictiraafsan yahayna aan laheyn wax isu quurid la’aana ay u horseeday
in ay xitaa hal maamul oo ay ku mideysan yihiin.dhistaan

Mudulood waxaa la kala raaciyay 3 maamul goboleed , MUDULOODKA ku nool
gobolada dhexe ee Soomaaliya waxaa la hoos geeyay GALMUDUG STATE taas
oo micnaheedu yahay in CEEL DHEER iyo GALCAD laga xukumo DHUUSA MAREEB
iyadoo Beesha MADAR KICIS ( HABAR GIDIR ) ay wada qaadatay
MADAXWEYNAHA, MAGAALO MADAXDA , DEKADA iyo weliba tirada ugu badan ee
xildhibaanada , halka MUDULOOD oo kaalinta labaad ka ah degaan iyo
dadba uu ku jiro darajada OTHERS-ka taas oo muujineysa in uu maamul
goboleedkaasi uu ka noqonayo MINORITY ( TIRO YAR ).
Muduloodka ku nool Hiiraan iyo SHABEELADA DHEXE iyana heer midkaa
kasii liita ayey ka galayaan maamulka HIIRAAN SHABELE STATE sababtoo
beesha XAWAADLE mar hore ayey cadeeyeen hadii labada gobol la'isku
darayo in ay iyaga 75% la siiyo iyadoo 25% soo haray MUDULOOD, GUGUN
DHABE iyo SHIIDLE ladhex dhigi doono taas oo si cad u muujineysa in uu
MUDULOOD maamulka HIIRAAN SHABEELE ka noqon doono MINORIRY ( INYAR ).,
iyadoo JIIRADA CESELEY iyo GARAS BINTOW laga xukumi doono BALEDWEYNE.
Muduloodka ku nool SHABEELADA HOOSE iyo BAY waxaa la hoos geeyay
maamulka KOOFUR GALBEED STATE iyadoo habka awood qeybsiga ay ku heleen
2%,waxaana lasiiyay hal wasiir oo magac u yaal ah kaas oo ku haminaya
xitaa in calanka KOOFUR GALBEED STATE ka taago degaanka BANAADIR, iyadoo GARAS BAALEY iyo CEELKA BAQALNA laga xukumi doono BAYDHABO.

Mudulood masiibo culus oo siyaasadeed ayaa ku dul habsatay loogama
herin in la qeyb qeybiyo oo uu maamulada qaar MINORITY ka noqdo oo kaliya ee
xitaa xuquuqdii uu ku lahaa JUBA LAND gebi ahaanba waa la duudsiyay 0%
ayuuna ka helay awood qeybsigii JUBA LAND STATE, waxaase intaas oo
dhan kasii daran iyadoo la qorsheeyay in GOBOLA BANAADIR habka 4.5
lagu qeybsado taas oo micnaheedu yahay qabiilada Soomaaliyeed oo idil
ayuu u dhaxeeyaa.
Mudulood degaankiisa waa halka ugu balaaran ee uu uruka al shabaab ka
taliyo sidoo kale waa dhulka ugu liita xaga horumarka dhaqaalaha ,
isgaarsiinta, waxbarashada iyo waliba caafimaadfka iyadoo ganacsatadii
MUDULOOD ay dhisayaan magaalooyin shisheeye sida NAIROBI iyo JUBA.
Hadaba yaa laga sugayaa bad baadinta iyo daba qabashada dadka iyo
degaanka MUDULOOD ? ma kuwa xaaladan soo joojiyay MUDULOOD oo
horbooday 25-kii sano ee aynu soo dhaafnay ? mise caruurta aan weli
qaan gaarin oo ku garaadsanaya masiibada siyaasadeed ee MUDULOOD ku
dul habsatay ? tani waxa ay ceeb weyn ,magac xumo , sharaf dari iyo
waliba taariikh baal madow galeysa ku noqoneysaa inta ay dhibeyso masiibada
baaxada leh ee mustaqbalka dhow kusoo fool leh dadka iyo degaanka
MUDULOOD oo gacanta u geli doona maamulo ay ka taliyaan qabiilo kala
duwan oo Soomaaliyeed waxaanse gaba gabdii leeyahay MUDULOOD :
KURDIYIINTA CUSUB EE SOOMAALIYEED CEELNA UMA QOCNA CIDINA UMA MAQNA.
NB. maqaalkan waa dood furan oo ku socota cid kasta oo ay dhibaatadani damqeyso.

Qalinkii Qoraa sare.

Muse Mohamed Osman

muusekiimiko@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip