Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow ayaa waxaa uu ka mid ahaa wasiiradii sida muuqata waxqabaadkooda u muuqday mudadii uu xilka haayey, Wasaarada Warfaafinta.
Waxaa uu ahaa marka laga hadlayo waxqabadka Xukuumaddii hore waa Wasiirka kaliya dor weyn ka qatay hormarka wazarada warfaafinta . maadama waxqabadkiisa dadweynaha Soomaaliyed si weyn u xusuussan doonaan marqaatina ka yihiin wixii uu qabtay.
Wasiir Mustaf Dhuxulow Toddobaad kasta waxaa uu soo bandhigi jiray waxqabadka dowladda ilaa waxay ahayd wax aan horey looga baran Xukuumadihii dalka iyo shaqsiyaadkii soo qabtay Jagada Wasaarada Warfaafinta, waxayana bulshada somaliyeed ugu magac dareen muraayada laga arko waxqabadka dowladda ee todobaad kasta,
Mustaf Dhuxulow ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa kaalintii is dhex galka bulshada iyo socdaalkiisa nabada Muqdisho oo uu ku dhiira gelinayay, isagoo gaari ku dhex mushaaxayay magaalada habeen iyo maalin, kormeerkiisa goobaha bulshada, sida xeebta liido iyo goobaha kale ee ay dadka isugu yimaadaan.
Waxaa uu fursado u siiyay dhalinyarada barnaamijyo doodo ka baxayay raadiyaha iyo telefishinka, arrimaha is dhex galka bulshada iyo barnaamijyo kale oo aan la soo koobi karin oo uu qeyb lixaad leh ka qaatay sida Fanka oo kale oo uu mar walba dhiira gelin jiray.
Wasiir Dhuxulow ayaa bishii barakeysaneyd ee Ramadaan la afuray dad barakacayaal oo ku noolaa Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho isagoo maalintaa Anfuriyey qoysaskii ku noolaa Kaamka Boondheere, waxayna aheyd arrin dad badan soo jiidatay.
Wasiir Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa waxa uu buuxiyey doorkii wasaaradihii adeega bulshada u xilsaarnaa waxaana dhaq dhaqaaqa xoogan iyo firfiircoonaanta uu la yimid wasiirka in uu howl maalmeedkiisa kudaro u adeegida dadka danta yar.
Mustaf Dhuxulow ayaa waxaa dhowaan ku booqday Isbitaal ku yaal Muqdisho, haweeney afar mataano ah ku dhashay, waxaana booqashadaas ku dayday wasiiro dhowr ah, waxaana loo arkayay inuu wasiirka mar walba ka war qabay shacabkiisa
Waxaa lagu xusuusan doonaan sanadkii hore barnaamijkii Dib u soo nooleyntii Hidaha iyo dhaqanka oo ilaa iyo Madaxweynaha uu ka qeybgalay waxayna ka mid aheyd waxqabadkii Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow uu la yimid
Tartan Faneed loo qabtay fanaaniin hada soo baxaysa oo laga dhex helay fanaaniin yar yar oo dalka u leh mustaqbal, isla markaana helay fursad ay masraxa kaga soo muuqdaan.
Waxyaabaha lama ilaabaanka ah ayaa ka mid ah sida mar walba Wasiirka ugu dhex jiro bulshada dhexdeeda, isagoo ahaa wasiirka kaliya ee baahiyaha bulshada ka war qabanay, isla markaana dareen gaar ah u lahaa.
Waxaa uu boqday 3-dii bishan janaayo ee sanadka 2015 oo uu Wasiir Dhuxulow sameeyay arrin aad iyo aad ay bulshada ugu farxeen arnitaa oo ay aheyd, markii uu ardayda araga la’a oo uu qado sharaf ugu sameeyay xeebta Liido, maalin dhana la qaatay farxad iyo damaashaad.
Wasiir Mustafe Sheekh Cali Dhuhulow waa halyey ay shacabka u baahan yihiin sidoo kalana waa Shaqsi firfircoon diyaarna u ah adeegida shacabkiisa, isagoo mar walba ka war-qaba baahiyahooda, isla markaana aanan sugin inta hey’ad sama fal raashin ama deeq ka gaarsiinayaan, waa u iftiimiyaha shacabka somaliyeed waxana lagu tilmaami karaa in uu yahay shaqsi dacad u ah u adegida shacbka somaliyeed .
Faalo: Maxaa lagu xusuusan doonaa Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow?
Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow ayaa waxaa uu ka mid ahaa wasiiradii sida muuqata waxqabaadkooda u muuqday mudadii uu xilka haayey, Wasaarada Warfaafinta.