Wada hadaladii uga socday magaalada Dhuusa-Mareeb Xoogaga Ahlu Suna Waljameeca iyo dawladda Soomaaliya ayaa fashilmay, waxaana lagu kala kacay guud ahaanba wada xaajoodyadan oo ay garwadeen ka ahaayeen Siyaasiinta ka soo jeeda gobalada dhexe ee Soomaaliya.
Qodobada sida weyn lays kugu fahmi waayay waxaa kamid ah qaabka awood qeybsiga loo sameynayo iyo ka bixitaanka kooxdan ee magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay dhawaan ka qabsadeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Sharuudo Aad u Adag ay Ahlusunna Dowladda Soomaaliya hor dhigtay waxaana kamid ahaa in Mamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Awdooda ugu badan la siiyo Ahlusunna oo ilaa 60% Awooda lagu wareejiyo iyo in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Xubno ku yeeshan.
Sidoo kale Waxaa ay soo jeediyeen Ahlusunna in Awooda Ciidamada wax laga siiyo oo Taliyaasha Ciidamada Dowladda ay wax ku yeeshan.
Sharuudaha Ahlusunna ayaa waxaa kamid ah in Beesha Caalamka ay Goobjoog ka noqoto Wada hadalada u dhaxeeya Dowladda iyo Ahlusunna.
Dolwadda Federaalka Sharuudaheeda waxaa kamid ahaa in Magaca Ahlusunna laga talo baxo iyo in Sharuud la’aan ay uga qeyb galan Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe iyo in sidoo kale Ahlusunna ay Tixgaliso Heshiiskii Xabad joojinta oo ay ku laabtaan Magaalada Guriceel oo Heshiiska lagu gaaray.
Wada Hadaladdii Dowladda iyo Ahlusunna oo fashilmay''
Wada hadaladii uga socday magaalada Dhuusa-Mareeb Xoogaga Ahlu Suna Waljameeca iyo dawladda Soomaaliya ayaa fashilmay, waxaana lagu kala kacay guud ahaanba wada xaajoodyadan oo ay garwadeen ka ahaayeen Siyaasiinta ka soo jeeda gobalada dhexe ee Sooma