X.Daahirow Rag iska Dhici Rabigeey kaa Fogeeysaa !!!!

0
Tuesday April 28, 2009 - 22:08:40 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    X.Daahirow Rag iska Dhici Rabigeey kaa Fogeeysaa !!!!

    Rag haduu is af dhaafo,aayatiina wadaago, afkaa laysku gartaayee, is ugaarsi qarsoon-maaha, isu soo ura maaha, -Adigoo hebel diidan, eryo reer hebel maaha, is ugaarsada maaha, caruurtaada cun maaha, oo markay kooxi orgootaba, ma asooli kareynee, abaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag haduu is af dhaafo,aayatiina wadaago, afkaa laysku gartaayee, is ugaarsi qarsoon-maaha, isu soo ura maaha, -Adigoo hebel diidan, eryo reer hebel maaha, is ugaarsada maaha, caruurtaada cun maaha, oo markay kooxi orgootaba, ma asooli kareynee, abaal baanu ku qabnaaye, amaan uun ma helnaa, isku soo wada duuboo, in-qilaabna xal maaha


Waxa hada ka socda somalia sabbab loogama dhigi karo jihaad ama dagaal ku saleeysan gaal iyo muslim balse dagaalka waa mid rag iska dhicis ah rabina looga fogaaday,waxaa ragu isku haystaa Gar eexo, gacan laabban iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo, waxaan ulla jeeda haddii loo dagaalamayay isku xukunka shareecada Islaamka xaqiiqdii waa haynaa balse waxaa diidan kuwii loo tirinayay ama hormuudka u ahaa u dagaalka shareecada, inta daba joogto X.Dahir sow lama dhihi karo waa gar eex waxa aad ku taageereeysaan iyo caadifad rabiga looga fogaanayo iyo gacan laabban sabbabtoo ah X.Daahir waxaa uu u qoray waraaq madaxweynaha Mareykanka Barack Obama wax qarsoon maaha idaacada BBC da ayaa lagu wareeystay waxaan is weeydiiyay war X.Daahir maxuu shareecada qaadashadeeda ugu qaloocinayaa ama shaki ugu gelinayaa umada somalia marba haddii eey taageereen caalamaka ama gaal ama musklim maxuu waraaq ugu qoran waayay Ilaah abuuray halka uu waraq u qortay madaxweynaha Mareykanka Barack !
Obama ?

X.Daahir erayadiisa waxaa ka mid ahaa shareecdo mareeykan taageeraya xagee lagu arkay sow been maaha waxa la wadaa, Ilaah ayaa og balse malada waa danbi waxaase qurxooneeyd in uu doonida shareecada la soo fuulo kuwa baalmanaanka ku jira si uu waxa uu qabo ugu sheegto meesha,shareecada hirgelinteeda waxaa eey u baahan tahay cilmi,xoog dhaqaale,aqoon iwm maxaa diiday in xabada leeyska shigo nabada iyo shareecada la taageero ?????
Haddii leeys qabto waxaa mudan in eey jirto rajo isku soo noqod waxaad moodaa in rajadii eey yaaraty taasna waxaa sabbab u ah marka idaacadaha leeyskuga hanjabo midba midka kale Alow sahal Umuuraha.
 
Rag haduu is af dhaafo,aayatiina wadaago, afkaa laysku gartaayee, is ugaarsi qarsoon-maaha, isu soo ura maaha, -Adigoo hebel diidan, eryo reer hebel maaha, isu weersada maaha, udahaaga cun maaha, oo markay kooxi orgootaba, ma asooli kareynee, abaal baanu ku qabnaaye, amaan uun ma helnaa, isku soo wada duuboo, in-qilaabna xal maaha
 
Somalida waxeey dhahdaa nin aad kabtiisa toleeysid ayaa Karfantaada tolaayo waxaan shaki ku jirin in17 Feb 2009 waxaa soo shaac baxay qoraal Alsharqul Awsat lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dhawaan fariimo qoraal ah uu u diray madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo xog hayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Mu taasi oo uu ku dalbanayo in xubno ka tirsan kooxo dagaalka xaqa ah kula jira xoogaga gumeeysiga ee Ethiopia ee Soomaaliyeed in liiska Mareykanka Argagixisada u aqoonsan yahay in laga saaro, mar BBC da weeydiisayne Sheekha waa uu qiray in eey jirto waraaqdaas, waxaa la sheegay xubnaha uu doonayo in liiska argagixisada laga saaro gudoomiyaha dib u xoreeyta Sheekh Shariif in eey ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys , Xasan Turki Iyo Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, waxaana lagu waramay in weli wax jawaab ah oo rasmi ah uusan madaxweynaha helin.
 
Waxaan yaab leh in X.Daahir uu xiligaan noqdo nin colaadeed oo nabad diid ah, xaqiiqdii waa uu ogyahay xaqiiqda burburka iyo baabaį somalia ku dhacay iyo in aanan xoog waxba lagu soo celin karin basle eey mudan tahay in la wada hadlo iyo in umada somalia oo ku dhiban guda iyo dibada laga fekero lagana hormariyo xalkooda midka shaqsiyadeed,Aniga waxaan u arkaa X.Daahir nin sheeydaan uu hogaamiyo camalkiisana sheeydaanka uu u qurxiyay waayo haddii shareeco loo dagaalamaayay waa la gaaray,weli waxaa maqan in X.Daahir uu miisaamaa labada shir ee Qadar iyo Brugsel farqiga u dhaxeeyay,X.Daahir caalamka ama wadamada muslimiinta waa kuwa sida aad adiga u aragto u arag dhibka somali waxaan filayaa somalidana eey dhahdaa Hibo eebe ku siiyey illeyn habeen layskama qaado,ee haddii ay X.Daahirow caado kuu noqotay dagaalka ayaa xal ah , ceebna iyo foolxumana eeyan kula aheeyn burburka iyo barakaca shacbka reer Muqdisho waxaan ku leeyahay Ahey way iyo ciil Maquuste xasuusta amxaaraduu da!
lka keenay iyo caruurteey qaxiyeen,aduunkeey cajimeen X.Daahirow Irbad dun waad gelin waayday, -iska daa wax kaleetoo daagaalkaad maanta abuuri duunyaa ku dhamaatee duco qaado dadkaaga daryeel diintaa u dadaal.
 
 
 
Dr .Ali A.HIrabe
Hirabe_a@hotmail.com

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip