Warqad Furan Oo Ku Socoto Sheekh Xasan Daahir Aweys ( Ra'yi Aqriste)

0
Wednesday April 29, 2009 - 21:39:19 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan Oo Ku Socoto Sheekh Xasan Daahir Aweys ( Ra'yi Aqriste)

    Haddii aan guudmar gaaban ku sameeyo arrimaha ay maansadan yar ee hoos ku qorani ka hadlayso. Marka hore, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay- muddo saddex sano ah kaddib oo uu ku sugnaa waddanka Eritereeya, -hoggaamiyihii hore ee maamulkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aan guudmar gaaban ku sameeyo arrimaha ay maansadan yar ee hoos ku qorani ka hadlayso. Marka hore, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay- muddo saddex sano ah kaddib oo uu ku sugnaa waddanka Eritereeya, -hoggaamiyihii hore ee maamulkii shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys; kaasoo ka talinaayay magaalada Xamar muddo kooban oo lix bilood ah, kahor intaan ciidamadii Itoobiyaanku waddanka soo galin.

 

Saddexdaas sano ee uu maqnaa Sheekhu, waxaa waddanka ka dhacaayay isbaddalaad faro badan.  Kuwsaasoo, hadddii aan waxyar ka soo qaato ay u waaweynaayeen:  dagaalladii baaxadda weynaa ee u dhexeeyay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/hi Yuusuf iyo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo meel ah, iyo kacdoonkii shacabka oo ay hoggaaminaayeen labadii urur ee diiniga ahaa ee Midodwgii Maxaakiimta iyo Alshabaab; kaasoo sababay dhimasho, burbur iyo barakac lama illaabaan ah.  Kaddibna, waxaa dhashay wadahadallo lagu joojinaayo dhibaatadaas oo adduunka oo dhan qaylodhaan ka muujiyay.   

 

Dabadeedna,waxaa waddanka Jabuuti isugu tagay Rwhii danbe ee Mudane Nuur Xasan(Cadde) iyo wafdi uu hoggaaminaayay iyo guddoomiyhii guddiga fulinta Sh. Shariif Sh. Axmed oo wakiil ka ahaa Midowgii Maxkamadaha Islaamiga.  Wadahadalladaasoo, ay muddo kaddib kasoo baxeen in ciidamada Itoobiyaanku ay waddanka ka baxaan iyo in la dhiso dowlad midnimo qaran.

 

Inkastoo, dadweyne aad u farobadani ay qabeen, gaar ahaan taageerayaashii MMI  iyo Alshabaab inaysan marnaba Itoobiyo wadahadal uga baxaynin waddanka Soomaaliya, haddana dadaallo faro badan awgood oo ay sameeyeen RW. Nuur Cadde iyo ku xigeenkiisii Axmed C/salaam iyo ergagii gaarka ahaa ee UNta u qaabishanaa arrimaha Soomaaliya Axmad Walad Cabdalla,  Ayaa waxaa guul ku dhammaaday in dowladda Itoobiya ay shuruud la’aan ciidamadeeda ka saaraan waddanka Soomaaliya. 

 

Si kastaba ha ku timmaaddee waqtigaan xaadirka ah waxaa waddanka intiisa badan ka jirta nabad, marka loo barbardhigo xilliyadii hore ee dagaaloogeyaasha iyo xilligii ay joogeen ciidamadii Itoobiya.

 

Taariikhdaas kooban kaddib, haddii aan u soo daadego waxa gabaygu ku saabsan yahay ama igu khasbay inaan tiriyo, waa aragtideyda ku aaddan hadalladii uu Shiikh Xasan Daahir Aweys ka jeediyay munaasabaddiisii immaanshaha iyo siyaasaddiisa ku aaddan marxaladda uu maanta waddanku ku sugan yahay. Taasoo, uu sheegay “inuusan aqoonsanayn dowladdaan lana fadhiisanaynin tan iyo inta ciidamada AUda ah laga saaraayo waddanka, inta ka sokeysana ay dagaalka halkiisii ka sii wadi doonaan.” Wuxuuu kaloo sheegay mar wax laga weyddiiyay codkii aqlabiyadda ahaa ee baarlalmaanku siiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka ”waa mid aan daacad ka ahayn balse lagu aamusinaayo guuxa dadweynaha”.

 

Isla shalay oo ah maalin kaddib markii uu hadalkaas yirina, waxaa dhacday in madaafiic lala beegsanayay fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ku dhinteen dad rayid ah oo gaaraaya ilaa 7bo qof iyo hal askari. Qaar masawirradoodii ka midana waa kuwan:

 

Sidoo kale, dagaalkii ugu horreeyay ee ayu galaan ururkan cusub ee loo yaqaan Xisbul Islaam waxaa ku dhintay dad faro badan(oo haddii aan xasuusteydu khaldanayn aan u malaynaayo inay gaaraayeen 70 ruux) kuwaasoo aan midkoodna ahayn ciidamo shisheeye, balse ahaa dadkii Soomaaliyeed ee Muqdisho dagganaa oo wada muslimiinta ahaa, maatadana u badanaa.   

 

Sheekh Axmad Sh. Shariif wuxuu yiri “waan la fadhiisanaynaa SH. Xasan D. Aweys iyo mucaaradka oo dhan.” Sidoo kale xubno dhowra oo dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Sh. C/raxmaan Faarax Janaqoow-na waxay sheegeen inay gacmo furan ku soo dhoweeynayaan Shiikha………Hase yeeshee,   Sh. Xasan Daahir wuu ku gacanseyray.

 

Siday aniga ila tahay Sh. X. D. Aweys waxaa ku habboonaa inuu qaato dowrka dib u dhisidda, dib u dajinta, nabadeynta, heshiisiinta iyo midnimada. Waayo, waddankeennu maanta maba u baahna mucaarad, waayo xal u helidda dhibaatada na hortaalla ayaaba haddii loo wada midoobo aan la hubin in laga guuleysan karo iyo inkale.  Balse ayaandarro, wuxuu qaatay Sheekhu doorkii colaadda iyo mid la mida kii ay hore u mareen Jen. Maxammad Siyaad iyo Jen. Maxamad Faarax Ceydiid. waana doorkii na dhigay meesha aan maanta naal.

 

Waxaa kaloo ii muuqata in Shiikhu uu maaantana ku howlan yahay, sidii uu u adeegsan lahaa cid kasto oo ka soo horjeedda dowladdaan.  Kuwaasoo u badan kuwii danahooda gaarka ah ka waayay iyo in-allaale iyo intii uu garaadkooda xadi karo, iyo waliba kuwo aan ayaga dowlad ka awood badan dooneyn, sida X. Abuukar Cumar Caddaan.  Waxaana socota hadda isku day uu Xaaji abuukar ku heshiisiinaayo Indho Cadde iyo Xasan Daahir Aweyn.  Kaasoo, aan daacad ka ahayne ay ujeeddadiisu tahay, inuu ka horgeeyo dowladdan Midnimo Qaran, sidii uu uga hor geeyayba tii ayada ka horreysay.

 

Dadka Soomaaliiyeed ee ku kala firirsan adduun weynaha iyo kuwa gudaha waddankii hooyo joogaba; waxay qabaan walwal, dhibaato, jahwareer iyo rajo xumo aad u weyn.  Sidaas awgeed, waxay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka dhowrayaan israac, wadashaqeyn, heshiis iyo nabadda oo meel looga soo wada jeesto si shuruud la’aan ah, si niyadda ay ugu dagto mar labaadna ay rajadii nololeed iyo tii jiritaankooda ay dib ugu soo laabato, sharafkoodiina ay u hantaan.

 

Dhowr bilood kaddib, tan iyo markii la soo dhisay Dowladdaan Midnimo Qaran oo ay Xamar timid waxaa jiray weerarro iyo dilal lala beegsanaayay xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiirrada iyo cid kasto oo jago ka qabata maamulkooda.  Balse, dhinaca dowladda wali lagama haayo siyaasaddooda wax muujinaayo inay dagaal falalkaas wax uga qaban doonaan.  Tan iyo maanta waxay muujiyeen inay doonayaan  xal, wadahadal, waxwadaag, nabad, heshiis iyo in is afgarad lagu dhameeyo ismaandhaafka taagan.

 

 Sida aad gabaygaba ku arki doontaan, waxaan aaminsanahay, cid kasto ee xabbad iyo xoog xukun ku raadisa ama xal baa ku jura tiraahda inay abuureyso dhib kii hore ka weyn.  Soo xasuuso Cali iyo Ceydiid, dabadeedna is weyddii faa’iido iyo khasaaro wixii laga dhaxlay.  Ujeeddadeydu ma aha inaan ugu xaglinaayo dhinaca dowladda dano gaar ah awgood, ee waxaan qabaa “dowlad la’aantu inay halis ku tahay jiritaankeenna, wax taas ka weynna aysan jirin. Way jiraan boqollaal waxyaabood oo lagu mucaaradi karo dowladdaan oo aan fududeyn, laakiin intaba waxaa ka weyn in marka hore la badbaadiyo magaca guud iyo jiritaankeenna. Kaddibna, si horumar leh wixii khalad ah wax looga qabto.

 

  Arrimahaas iyo sheekooyinka la xiriira ayaa gabaygani ku saabsan yahay, iyo gaar ahaan dhaliisha iiga muuqata siyaasadda gaarka ah ee Sh. X. D. Aweys.  Balse, intaadan u gudagaliln gabayga waxaan kuu soo gudbinaayaa weydiimo dhowr ah oo mudan dareenkaaga saafiga ah:

 

  1. Dadka Soomaaliyeed oo rayidka ah ee aan ku dhiman gacan shisheeye, yaa loo haystaa danbigooda oo adduun iyo aakhiro la weyddiinaayaa?
  2. Yaa badan, inta Soomaali ah ee ku dhimmatay gacan shisheeye iyo inta ay dileen dad kale oo Soomaali ah, cidday doonaan ha ahaadeene?
  3. Mucaaradnimadu ma wax isbaddal iyo horumar lagu raadinaayaa, mise waa mid dalka iyo dadka lagu baabbi’inaayo si madaxnimo loogu gaaro?
  4. Haddii ay dhacdo in waddamada aan Islaamka ahayn ay noo oggolaadaan inaan isku maamuli karno Shareecada Islaamka, ma in annagu aan diidnaa?
  5. Dhiiggoodu ma bannaan yahay Dowlad Soomaaliyeed oo oggol ama rabta inay isku xukunto Shareecada Islaamka?
  1. Yay kula tahay inuu gafsan yahay Sh. Shariif iyo Sh Xasan ama midkee siyaasaddiisu ka agdhowdahay xal-u-helidda  arrimaha Soomaaliyeed?
  2. ma kula tahay, in ciidamada Midowga Afrika(AU) ay halis gaar ahaaneed ku yihiin Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed?  Haddii jawaabtaadaasuna noqotana... HAA… ma kula tahay in halistaasu ka weyn tahay tan annaga dhexdeenna ah?
  3. ma kula tahay inay habboon tahay in ciidamada AU-da lagu qaado dagaal si looga saaro waddanka?
  4. ma kula tahay haddii ciidamada AU-du baxaan ama la saaro, in annagoo Soomaali ahaan aan cidi nagu dhex jirin, dagaal la’aan aan ku heshiin karno dib u dhiska qaran Soomaaliyeed?
  5. Ma kula tahay in diinta Islaamka loo gafay oo loo adeegsaday hub ahaan si loogu gaaro madaxnimo, maxaase ka dhalan kara?
  6. Ma kula tahay in dowladdaani haddii ay shaqeyn weydo ay Ummadda Soomaaliyeed fursad kale heli doonto?
  7. Ugu danbeyn, haddii labadaan Shiikh(dowladda iyo mucaardka) ay ku guuleysan waayaan inay wadahadal ku xalliyaan ismaandhaafkooda, ma habboon tahay in loo kala  goosmo, dartoodna dhiig kale ku daato?

 

 

DIB U FIIRSO

 

Da’da maanso, deelleey iyo gabay, doodsan iyo heello

Dadku waa inow dadaal iyo wanaag, ku kala danbeeyaahe

Daryeel ninkii lagu barteey, himmadu doontaahe

Damiirkuna waa sad aan ku qadin, maalintii darane

Adduunyadii la kala dagi jiray, nin iyo doorkiisa

Oo daacaddda u badnayd la waa’, dagittankeediiye

Waa duni inkaaranoon lahayn, weyso daahirahe

Waa duni doollar iyo afduub, lagu dabbaalaahe

Waa duni geesi iyo fulay, la isku duubaahe

Waa duni aan deeqsi iyo bakhiil, la kala diireyne

Waa duni ninkii Daa’in yaqaan, laga dudaayaahe

Waa duni been iyo dagaal, lagu duggaalaahe

Waa duni daallin haddaad ahayn, lagu dagaayaahe

Waa duni diin dadaan u ahayn, ahal daliilshaane

Waa duni dallaal iyo mallaal, loo digiigixaye

Waa duni lagu doonayaa xugun, dil iyo leysaane

Waa duni Muslin dhexdii madfac, la isku daayaahe

Waa duni la isku darandoorriyaa, dab iyo baaruude

Waa duni dadkii ka duwanayn, deero iyo cowl’e

Waa duni darajadiisu tahay, dhiig la daadiyo’e

Waa duni dowladdii timmaadaba, lagu dubaaxaahe

Waa duni baabba’ iyo hoog, lagu daddaanshaahe

Waa duni daad sitoo dusheed, la isku haystaahe

Waa duni digrigii Eebeheey, la dafiraayaahe

Waa duni hadiyogoor maatidii, loo didihaayaahe

Waa duni owliyadii qabriga, loogu daadagaye

Waa duni ow bidci yahay ninkii, durraamo maagaahe

Waa duni daruuruhii badweyn ay ku da’ayaane

Waa duni lagu dagaa xoog, guri dadkiisiiye

Waa duni aan danyartii loo naxayn, lagu dul noolaaye

Waa duni daan waraabe gashoon, isna dammoohayne

Waa duni aan la ducaysanayn, lana dukaayaahe

Waa duni dib iyo dul iyo dacal, la isku daayaahe

Waa duni fursaddii laashaba, lagu duleelshaahe

Waa duni darawalkeedii gadaal, fuul la leeyahaye

Waa duni aqoonyahannadeedii, lagu duleedshaahe

Waa duni “waxay aniga ila tahay” la isku dooxaahe

Waa duni aan dooneyn nabad, inay ku daaqdaahe

Waa duni kor iyo hoos dabbaal, loo dabaaldagaye

Waa duni danaanadiisu tahay, dulmi iyo eexe

Waa duni malabkeedii dad kale, diyaaro saartaahe

Waa duni duq iyo nin weyn, dumar iyo wiil yar

Waa duni loo dubtaa sidii, daango oo kale’e

Waa duni danta guud dan-gaar, loo duddumiyaahe

Waa duni dacaayo iyo been, la dalcanaayaahe

Waa duni diradiruhu helo, hiillo iyo guul’e

Waa duni dibusocodku yahay, daawo loo bogo’e

Waa duni dusheediiba hoos, laga dayaayaahe

Waa duni doofaar iyo eey, laga dux-maalaahe

Waa duni dagdag iyo fudeyd, daaha loo rogaye

Waa duni caamadeedii cilmi, laga dalbaayaahe

Waa duni culumadeedii caay, lagu dureershaahe

Waa duni sun duugiyo waabaay, lagu daweeyaahe

Waa duni masaajiddii Ilaah, la isku deebaahe

Waa duni Muslinkii diidayaan, shareecadoodiiye

Waa duni ay u dagaallamayaan, diintii dhimmaneyaale

Waa duni ganacsatadeedii, loo danqaabiyaye

Waa duni sidaa doonto yeel, loo dardaaramaye

Waa duni aan makastadeedii, lagu daryeeleyne

Waa duni la isku daaqsadaa, sida dameertiiye

Waa duni dadnimadiyo anshixii, laga dawaariyaye

Waa duni Allaha na bixiyee, sheydaan loo dagaye

Waa duni dad aan dad ahayn, dulubeeyaane

Waa duni daaqeedii dhuxul, loo dawinayaahe

Waa duni dakadaheedii Ina Cumar, loogu dowgalaye

Waa duni dhulkii dahabka ahaa, laga dudaayaahe

Waa duni ay ku dubbaynayaan, duul afduubaniye

Waa duni duunyada ninkii lahaa, ka diifoon yahaye

Waa duni dajaalnimadu tahay, dan iyo iimaane

Waa duni Daa’inkii lahaa, aan laga digtoonayne

Waa duni ay dooxatadu tahay, dabaqaddeediiye

Waa duni ninkii dulqaad yaqaan, lagu duraayaahe

Waa duni daaraha ku yaal, daruuradeeyaane

Waa duni deyn iyo dulsaar, lagu daleeyaahe

Waa duni ay ku dul nool yihiin, deeq bixiyeyaashiiye

Waa duni kii aad u gashaa, abaal kaa dudo’e

Waa duni kii kugu daadiyaa, sun ku dabiibaahe

Waa duni kii ku kala diraa, isku kaa dumo’e

Waa duni ow ku dadajiyaa, kii ku daahiyaye

Waa duni daashka kii kaa gubaa, kuu tolaa darine

Waa duni doofal iyo qoofal, la is dagaayaahe

Waa duni ninkii ku dabradaa, duul ku leeyahaye

Waa duni ka daan iyo  ka daan, daallin loo kufaye

Maahmaahaha duugga ah, haddaan dacal ka soo qaato

Caano daatay dabadood, waa lagu dadaalaahe

Waa duni aan isdibqabaneyn, dabayaaqadeediiye.

 

Afartaas dareenkayga guud, iyo dunida maantaa dheh

Ha yeeshee dulucdu halkay tahay, waan u soo dagiye

Dagaalkii amxaartee ba’naa, markii la daaraayay

Dalka markii ay soo galeen, dabada kuwii jeedshay

Duurka ninkii galee Asmara, duusho u sii raacay

Ee saddex sano dabadeed, dib noogu soo laabtay

Ee dagaalka ku baaqow runtaad, dabo-mareysaahe

Dadkiyoo qaawanaad rabtaa, inay darbaysaahe

Dib-u-dajintiyo nabaddaad, diiday leedahaye

Inay kala didaanaad rabtaa, oo aad dulleysaahe

Dari inaad ka tuurtaad rabtaa, duf iyo haadaane

Geedaha inay diirtaanaad rabtaa, sida dugaaggiiye

Qaxooti inaad u dirtaad rabtaa, deyro iyo ciile

Dalanbaabi iyo waxaad rabtaa, daranyo ceebeede

Duggaafo inaad baddaad rabtaa, dadweyneheenniiye

Dumbukh inaad u dhiibtaad rabtaa, dumarya waayeele

Carruur iskuul loo diraad rabtaa, inay dab qaadaane

Dugsidiyo jaamacadahaad rabtaa, inaad ka duugtaahe

Dukumdaakumaad Rabtaa dalkaba, inaad ka yeeshaahe

Dayow iyo waxaad maaggan tahay, dulundulceyn baase

Maraakiibta dageysaad rabtaa, inay ku daataane

Dukaamadiyo suuqyadaad rabtaa, dib in loo xiro

Cusbitaalladoo lagu dudaad rabtaa, dakhtar la’aaneede

Dhiiggii dareeraayaad rabtaa, darbiyadeenniiye

Dariiqyadii Xamaraad rabtaa, in la isku daaqaahe

Degmooyinkii furnaayaad rabtaa, inay is duugaane

Umulihii la dooxaad rabtaa, inaad daliiqdaahe

Duufaannadii la eedaad rabtaa, dabaaldaggoodiiye

Colaaddii ayaan daranaad rabtaa, dacas la’aaneede

Madfacii dayaamayaad rabtaa, diririgtiisiiye

Dumaashidii la xoogaad rabtaa, duud xanbaarsiga’e

Hooyooyinkii dudaayaad rabtaa, tan iyo daafeede

Duumooyinkii ba’naayaad rabtaa, daxalladoodiiye

Durriyadi hallowdaad rabtaa, dirashadoodiiye

Kaduudshihii na daayaad rabtaa, daqarradiisiiye

Dunidi naga tagtaad rabtaa, inaan ka duufnaahe

Horumarki aan ka daahnayaad, naga duweysaahe

Nolosheenni dibbootayaad mar kale, dib u dhigeysaahe

Ka-daraneey iyo waxaad rabtaa, dorraad oo kale’e.

 

Labo daran middii fudud ayaa, horta la doortaahe

Adigoon dabuub iyo lahayn, hadal la dooyeysto

Adigoon dabool ka qaadeyn murti, lagu dammaashaado

Adigoon diidayba ma’aheen, doonay oranaynin

Adigoon wadahadal dadkii, deyr u dhiganaynin

Adigoon dabac iyo lahayn, diillin lagu tooso

Adigoo dacalkii galguduud, iyo mudug laguu diiday

Oo aan kasoo dagi kareyn, daanti gobolkaaga

Adigooy dadkaagii ku neceen, duni wixii joogay

Dirka kuwii kuu xigay adigoo, deyro ka ahaaday

Duqowdiyo waxgaradkii tolkaa, damaci kaa reebay

Inaad gaal kula dagdagtaa, ma’aha diin sheekhe

Dooddi aan garaad sare lahayn, ma laha doocaane

Dariiqi Nuur Caddaa bannaan, oo dulucda weynaaye

Adiguna ka-daranaad rabtaa, dowgi ina Siyaade

Dooqi Ceydiid duufiyayaad, soo daf leedahaye

Cabdullaahi iyo waxaa ku dumay, Geeddi durbaankaase

Adiguna digtiiyoo kalaad, feer u dudeysaahe

Duub inaad u bugtaan hubaa, daacadda Ilaahe

Daa’in haddii aad taqaan na daa’, dowladaan nahaye

Ama kale dadkaaga dhinac ka raac, waa la duceystaahe

Doorashiyo waxaa lagu helaa xil, dul iyo hufnaane

Dirqi geel biyo kuma cabiyo, duudka aan nahaye

Mar haddaadan waxyi soo dagiyo, diran is moodeynin

Dalqadaada hadalki aad ka tiri, waa huf iyo deelqaafe

Dib u fiirso(Xasanow) dammiinnimadu, waa wax kuu darane.

 

 

 

INA CUMAR ==  Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.  Milkiiliha Shirkadda Banaadir oo ah biilihii hoggaamiykooxeedyada oo dhan.

 

 

Fg….aragtiyaalehaygu gar iyo gefba way yeelan karaan. Haddiise, aad iga dheehato weero aan hufnayn ama aadan ila qabin, fadlan igala soo xiriir..

www.aragtidayda@live.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip